Hal Aan Tebeyney
W/Q Faarax X. Maxamed ( Canbaashe)
Oct 19, 2008

Print Friendly

Sida dhagxaanta iyo dhirtuba u kala qiime iyo manaafacaad badan yihiin, ayaa aadanuhuna u kala haybad iyo sharaf weynaadaa, una kala waxtar roonyahay" Hal aan Tebeyey” boga 68
Mohamed Baashe X. Xasan

Waxaan nasiib u yeeshay in aan noqdo shakhsiyaadkii ugu horreeyey ee akhriya buuggan cajiibka ah, waa buugga la magac baxay ‘Hal aan Tebeyey’. Baal Taariikheedkii iyo Gabayadii Alla ha u naxariistee Xaaji Aadan Axmed ‘Af Qallooc’ kaa soo uu isku dubbariday qoraaga qalinka miiggan ‘Maxamed Baashe X. Xasan’. In badan ayaan ka dhur sugayey in buuggani ifka u soo baxo. Kal hore ayey ahayd markii uu Maxamed Baashe ii sheegay in uu hawshan ku guda jiro. Sababtan ayaa malaha keentay inaan raagsado oo in badan ka dhursugo.

Ciidul fidrigii ayuu Maxamed Baashe salaan diirran ii soo tebiyey isagoo ku soo lifaaqay in uu wiil u dhashay!, isla markiiba hambalyo iyo duco ayaan la soo booday! Wuu gartay in aan meel kale ka fad kudiyey, waa dhalad kale oo aan ka dhicin boqolle ayuu iigu jawaabay ‘Buuggii Xaajiga ’ ayaa hortayda yaal oo madbacaddii ka soo baxay’. Waan dareemay ray raynta iyo farxadda uu ku jiro, Waxan ku tashaday in aan farxaddaa la wadaago durbadiiba waxan nasiib u helay in uu buuggii oo diirran gacantayda soo galo. Isla markiiba akhris ayaan ku boobay, hadba anoon is ogayn ayaan baal soo rogaa. Sidaa ayaan buuggii ku dhammeeyey. Halkanna waxaan ku soo koobayaa wixii aan kala kulmay buuggaas. Waayo Buugga Taariikhda Xaaji Aadan, iyo Qoraaga intuba waxay igu reebeen xusuus gaar ah.

Xaaji Aadan Af Qallooc

Buugga

Midabka buluugga ah ee buuggu wuxuu shabbahaa cirkoo saafi ah oo xoogaa caad khafiif ahi ka sii faydmayo. Waxa jeldiga hore ee dusha sare kaga dahaaran sawirkii Xaajiga oo haybad aan la suurayn karini ka muuqato, Dhinaca danbena waxa ku sawiran buurtii Daalo oo doog iyo dhir badani qarisay. Buuggu wuxuu ka kobanyahay 208 bog, waxa hordhac iyo qadimaad heer sare ah u sameeyey saddex aqoonyahan oo xoog ogaal u ah Xaaji Aadan iyo waayihiisii, Waa Qoraaga caanka ah Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadh Weyne) Abwaan Maxamed. I. Warsame ‘Hadraawi’ iyo Maxamuud Sh. Dalmar. Wuxuu qoraagu ku ururiyey buuggan in ka badan 50 maanso oo uu Xaaji Aadan tiriyey muddo ku dhaw nus qarni.
Wuxuu qoraagu buugga u qaybiyey afar qaybood oo ciwaano far waaweyn uu ku muujiyey.

Mid walba wuxuu kaga waramayaa taariikh iyo dhacdooyin u gaar ah. Wuxuuna ku bilaabayaa taariikhdii Xaaji Aadan ‘Afqallooc’ oo runtii aad u yaab badan. Inta jeer ee uu sigtay ee ilaahay ka samata bixiyey mahlakado; carruurnimadiisii oo libaax dad qaadi la tegay, mar baddu qaaday oo badmareenno qalaad kaxaystaan iyo mar dhul shisheeye lagu xidhay oo toogasho lagu xukumay, intaa iyo ino kale oo la yaab badan leh ayuu soo tebenayaa.

Xaaji Aadan ‘Af Qalooc'

Waxa jira shakhsiyaad beri hore ka tegay dunida oo hadana marka magacooda la soo hadal qaado naftu ku degto oo loo riyaaqo, lana xusuusto wanaaggii ay ka tageen, qaddarin gaar ahna laabta loogu hayo iyo qaar weli dunida guudkeeda ku nool oo marka la arko laga naxo.

Xaaji Aadan waxa uu ka mid yahay qolada hore ee magaca iyo qaddarinta weyn ku leh ummadda dhexdeeda. Wuxu ahaa Alla ha u naxariistee cabqari, sama katalis ah. Wuxuu ahaa aqoonyahan, xeeldheere indheergarad ah, guurti ilbax ah, dalmar weeleeyey taariikh iyo aqoon mugweyn oo si fudud looga dheehan karo suugaanta buuggan dhex ceegaagta. Markii uu dunida in badan maray bad iyo berriba ee uu ilaa Falastiin ka soo dagaalamay 30-naadkii qarnigii hore, ayuu isaga oo toddobaatanka madaxa la galay Berbera oo isticmaarkii Ingiriisku ka talinayo ka soo degay, halkaasuu guubaabo ka bilaabayaa. Waa intii u dhaxaysay 1941-1960 xaajigu wuxuu siraad if weyn u noqonayaa dadka, kuna dhiirrigelinayaa in xornimo loo halgamo oo la higsado ummadaha kale ee ka hoos baxay isticmaarka ee tuuray heeryadii gumaysiga.

Xaajigu wuxuu muddadan tiriyey gabayo door ah, waxana ka mid ahaa: ‘Gobannimo’ oo uu lahaa:

Gobonnimo sun baa kaa xigtoo laysma siin karo’e
Waa sarac ku baxa dhiig rag oo lagu sadqeeyaaye
Sarakaca kufrigu waa sasabo suu na leeyahaye.


Tixda Dardaarana wuxu ku yidhi:

Itixaada waataad sidii adhi ahaydeene
Indhahaysku aragtaan cadaawaha iskaga eega
Is aamina dannigu waa waxaad ku ibtilawdeene
Is aqbala qabiilnimada waad ku anbanaysaane
Is adeeca uurxumidu waa aayatiin li’iye


Waxyaabaha ugu waaweyn ee uu Xaaji Aadan dadka ku boorin jirey waxay ahayd midnimada iyo isku duubnida, wuxuu in badan uga digi jirey kala taga iyo tafaraaruqa: Wuxuu marar badan yiri isagoo arrintaa dhawr meelood ku tibaaxaya xilliyo kala duwana ka maansoonaya:

Aboorkuba allaylkuu dhisaa aqallo waaweyne
Markuu ururay daartuu abyaa la ashqaraaraaye


Gabayada Xaajiga ee ugu mucda iyo qarada weyn marxaladdii gobannima-doonka waxa ka mid ah gabayga ‘Shiikh Bashiir’. Kaas oo uu tiriyey baroor diiq ka dib markii la dilay halyeygii caanka ahaa ee Sh. Bashiir Yuusuf sanadkii 1947.

Mar qudha Xaaji Aadan kama nasan hawshan culus ee u dhabarka u ritay. Markii 1960kii calanka la qaatay, Xaaji Aadan oo aad u maraaqaysani ayaa tiriyey maansooyin dhawr ah oo uu ku muujinayo shucuurtiisa iyo dareenkiisa. Wuxuu kaloo tilamaamamayaa in xoogaa ka diba garashadii wadaninnimo la garab maray, isagoo tiiraanyeysan ayuu maansooyin ay ka mid yihii: Facaan Ahay, Tabaalaha Waqtiga oo ah gabay aad u cajiib badan oo uu ku suuraynayo, wixi laga filayey madaxdii dawladda iyo waxay ku dhaqaaqeen:
Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habowe
Iyo tixda Marwo markuu lahaa

Mugdi baynu soconaa habeenaan nuur jirine
Sidii Banuu Israa’iil mutaan marar sallownaaye
Isku murugnay Aakhirana waa madhax xunoo yaalle
Maxaan idinku maaweelin miridhay laabtiiye.


Waxa kale oo ka mid ah maansooyinka marxladdan uu tiriyey Xaaji Aadan: Wax Na Diley, Qoolaaban, Ceerigaabo: oo uu si cajiib ah ugu sifaynayo, uguna geeraarayo waayo aragnimadiisa iyo quruxda dabiiciga ee Eebe ku manaystay gobolka Sanaag: wuxuu ku bilaabayaa:

Taariikhdu waa inoo musbaax maanka caawima e
Adoo mala gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaaye
Maankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaale;

Maansadan wuxuu tiriyey 1968 mar wafti uu hogaaminayey Ra’isal Wasaarihii ugu danbeeyey Alle ha u naxariistee ‘Maxamed X. Ibaraahin Cigaal’ Booqasho ku tegay Ceerigaabo.

Isagoo ka niyad jabay dawaladihii tamarta yaraa ee is bed bedelayey 1960-1969 oo tamar gabay da’diina ka dama timi oo qarni ku dhowaad jira ayaa kacaankii 21 kii Octobar1969 dhashay. Si niyad sami ah ayuu Xaajigu u soo dhoweeyey tawraddii, Gabayo qiiro iyo qiimo leh ayuu u tiriryey, waxa la odhan karaa maansada Xaaji Aadan waxay hadba ka amba qaadaysay, waaqica iyo wakhtiga la joogo, xumaan iyo samaan, halkaasuu markaa wixii ku habboon tilmaami jirey.

Isagoo waayihiisa cabiraya, wuxuna tiriyey maanso fara badan intii u dhexaysay 1969-1978, waxa ka mida haa: Aqalkeeda Leegada, Waxa Xiga, Dood Maraykan, Qabyaaladii oo hadlaysa, Hoga Tus, Huteel Taleex, Afka Hooyo1972 :oo uu ku tilmaamayey in afafkii shisheeyaha laga maarmay: Master iyo Sinyooreba waxa bedelay magaca Jaallaa’e iyo qaar kale oo fara badan.

Xaaji Aadan Axmed ‘Af Qallooc’ wuxuu inooga tegay dhaxal ma guuraan ah oo qaali ah, talo siin muc weyn, waayo aragnimo, run sheegid, qiiro wadaninnimo, dadnimo, iyo dal jacayl. Arrimahan oo maanta aynu si weyn ugu baahanahay.

Qoraaga

In laga faaloodaa oo wax laga qoraa shakhsiyad sida: Xaaji Aadan ‘Af qallooc’ oo kale ahi waxay ka dhigan tahay nin fananaya buurta dheer ee ‘Surad’ oo kale. judhii horeba waxaan is waydiiyey tolow siduu Maxamed Baashe u abaari doona? hawsha baaxaddan leh ma maareyn karayaa? Halkee buu ka bilaabi doonaa? Waayo qof kasta oo yaqaan Xaaji Aadan Af-Qallooc ama wax ka maqlay taariikhdiisa iyo gabayadiisa wuxuu qiyaasi karaa hawsha la gudboon qofka u babacdhiga inuu soo tebiyo taariikh, halgan iyo suugaan soo taxneyd in ku dhaw nus qarni. Laakiin Maxamed Baashe wuu ka soo dhalaalay hawshii uu qalinka u qaaday laba sano ka hor ilaahayna waa ku guuleeyey.

Gebegebo

Guud ahaan buuggani waa buug aad u tayo sarreeya si heer sare ahna la isugu dubariday Maxamed Baashe X. Xasan, qoraa keliya ma aha e ee waa suugaan yahan.

Taana waxaad ka arki kartaa sida farshaxinimada ah ee uu maansooyinka sidii tusbax isugu xiriiriyey, raatub iyo dhextaalna uu uga dhigay dhacdooyinka iyo wakhtiga ay maanso waliba ka waramayso. Waxa intaa dheer eray bixin iyo sharaxaad macnaha erayada tirada badan ee ku jira gabayada Xaajiga, taasoo ku tusaya aqoonta balaadhan ee Xaajigu u lahaa af Soomaaliga, iyo afafaka shishiiyahaba. Gaar ahaan Af Carabiga. Buuggani waa ka nabad galay khaladaad madbacadeed iyo mid higaadba.

Hal Aan Tebeyey: waa raasamaal kale oo ku soo biiray maktabadda Af soomaaliga ee soo koraysa, waana mid uu u baahan yahay qof walba oo raba in uu aqoontiisa hore u mariyo inuu mar iyo laba iyo in ka badanba akhriyo.

Buugga ‘Hal Aan Tebeyey’ ee Xaaji Aadan ‘Af Qallooc’, waa kii ugu horreeyey, waana bilaw wax ku ool ah, waxaanan rajeynayaa in hal doorka kale iyo qalinlayda Soomaaliyeed sii kobciyaan oo halkaa ka sii anba qaadaan si uu u noqdo kayd dhaxal gal ah oo ay ka dhimbiil qaataan jiilasha danbe.

Qoraaga Maxamed Baashe. X. Xasana Waxa uu mudan yahay Ammaan iyo Bogaadin uu ku mutaystay dadaalka uu u galay hawshan culus ee aynu wada tebeyney.

W/Q Faarax X. Maxamed
EmaiL:canbaashe1@hotmail.com

---------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews


Copyright 2008 Wardheernews.com