|
|
Waxa daabacay:
Buuggani wuxuu wada dulmarayaa guud ahaan suugaanta Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qaybaha ay u kala baxdo. Kulligood maansada hadday ahaan lahayd gabay, guurow, jiifto, geeraar, shirib, wiglo, hirwo, dhaanto, buraanbur iyo heello. Kan ugu dambeeya, heellada laga wada askumi karo mid kasta sideeda hore midkood ama isku dhafkood. Dhinaca kale, heellada waxay ka soo jeedaa hees dhaqameed haddaan ka soo qaadano mitaalkan caanka ah ee heesaha u gaarka ah marka awrta la rarayo loo yaqaan salsal: Libaax iida ma daayo
Sidaas ay tahay waxaa ayana meesha ka maqnayn baab dhan oo ka baaraan degayo dabarka jaanjooyo maansada hadday ahaan lahayd xili (wakhti), meel (makaan) iyo saab (time, place and space) iyo qalabyada lagu isticmaalo. Aynu soo qaadano midkan:
Sida hadda ka horow la aaminsanaa, in maansada Soomaaliyeed tahay jaantaa waran. Arrintaas maanta buuggan ayaa warkaas ka dhigay wax kama jiraan. Diin god gel, Hees carruureedkan waxa loo yaqaanaa “Carrab jalqin.” Waa hees carruurta lagu baro inay ku ciyaaraan si carrabkoodu ku leylsamo afkana ku bartaan. Afafkan qalaad waxaa loo yaqaanaa khaasatan af Ingiriiska “Tongue Twisters.” Su’aalbaa imanaysa sida afkayagu ma qornee oola mid noqday afafkan aad qadiimka u ah? Sidaa waa la moodaaye, xaqiiqadu af Soomaaliga aad ayuu u fac weyn yahay afafka kalena haddii uusan ka sarreynin waxba uma oga ee ceebtiisu waxay noqotay inaan la qorin kaliya. Qoraha Naqdin Maahmaah soomaaliyeed ayaa ku soo biyo shubanaysa: “Gartaada inta aanad geedka tegin baa la naqsadaa.” Anigu haddaan is iraahdo gar cadaawe isku qaad waxaan durbaba soo saari lahaa dhowrkan soo socda: 1)-Buuggan dadka wax ka faa’idaysan karaa aad bey u kooban yihiin. Ujeeddada ugu weyn ee aan is lahaa waxaad ahayd farriintaada gaarsiisaa dadka intiisa badan waxaa ii caddaatay inaan midaa sidii aan rabay la helin. 2)- Khaladaad fara badan oo asalaan ka soo jeeda naxwaha af Soomaaliga ayaa ku jira, ha joogto midka madbacada. Kan dambe ee madbacada, khaladkeedu waa il duuf ka yimi kii saxnaa ayaa laga tegay, dambigeedana anigaa iska leh. 3)- Dulucda iyo nuxurka maansada oo ay tahay ruuxa dhageysanaya inuu la soo baxo halka ay iska eg yihiin iyo meesha iska seegan yihiin sida labadan midna guurow midka kalena gabay: Minaan dayey wax ii raaya maleh raadna kuma yaalo Waxaan soo miliilicay dhul aan maalba soo galine Anigu haddii aan is iraahdo sharax ka bixi waxaan ka tegayaa ujeeddadii hore ahayd isku miisaanka laba maanso (Comparative Analysis). Qoraha Buuggan waxaad ka heli kartaan Yurub meelahan hoos ku qoran: Sweden: Bashiir I. Osman +46-(0)858-358171 Denmark: Said A. Mohamud +45-(0)39-673126 Netherlands: Mohd Said Ali +31-(0)40-246-5466 London: A/man Gurey +44-(0)207-837-9154 London: Mohd Abdullahi +44-(0)-208-801-9457 Switzerland: Hashi Y. Osman +41-(0)-43536-2347 Italy: Mohd Abdikariim +39- 055-5357233 Adduun weynaha intiisa kale waxaad ka dalban kartan:http://www.scansom.com ____________________________ Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews Copyright © 2008 WardheerNews.com |