ROGE:
Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Waxa Gorfeeyay : Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"
September 23, 2008

Print Friendly

Saddex sannadood ayaa laga joogaa maalintii aan akhriyey sheeko aan aad ula dhacay oo magaceedu ahaa Ladh. Faallo aan maalintaa ka qoray waxaan ku saadaaliyey Cabdillaahi Cawed Cige oo ah qoraaga sheekadaas in ay wacdaro sheeko qorista ahi ka soo curteen. Taasi waxay ii dhabowday dhowaan kolkii aan akhriyey sheekadiisa labaad ee lagu magacaabo ROGE. Iyadana maanta ayaan halkan wax kaga odhanayaa.

Roge. WQ. C.C. Cige

Intase aanan buugga gudagelin aan halabuurrada soomaalida ee xilligan guud ahaanba u cudurdaaro. Cudurdaarku waa in muddo soddon sano ku siman isirka soomaaligu ku sugnaa xaalad lagu tilmaami karo "yoomalqiyaame". Run ahaantii waxaa loo eg yahay ummad la rogay inta noolina dirqi ku soo badbaadday. Taasi waxay keentay suugaantii muddadaas la curiyey in ay ahaato wax aad u xanuun badan aadna u qallafsan oo waayaheeda ka turjumaysa. Sheekadan ROGE waayahaas ayaa dhalay. Waa sheeko ka kooban 416 bog oo sadar waliba maddane cad ka kulul yahay. Haa, afar boqol lix iyo toban bog oo sadar waliba maddane halcaya ka daran yahay. Kolka aad dhammaysana waxaad isweydiinaysaa in aad sheeko dheer akhriday iyo in aad cadaab dhex lugaysay oo dhanka kale uga baxday. Run ahaantii dunida laga hadlayaa bilaw iyo dhammaad waa caynkaas.
 
Halkee ayeynu ka bilawnaa? Waxaynu ka bilaabaynaa meeshii ay wax waliba ka soo bilawdeen. Waa Soomaaliya oo mid ah xilli ku beegan badhtamihii 80-nadii. Waa dawladnimo ismoodsiis ah iyo ismoodsiis dawladnimo ah. Waa car iyo wir iyo keeb-la-yuurur. Waa askari iyo jabhad; faqash iyo qurmis. Rasaas baa dhan walba u farraqan. Xabbadda aadan adigu cid ku dhufani adiga ayey kugu dhacday. Fagaaraha Burco ugu weyn waxa keliya ee lagu soo bandhiggaa waa gumaadka barbaarta oo reer hebelka ay yihiin loo deldelo. Baabuur waaweyn inta laga soo buuxiyo oo koox koox looga soo rogo ayaa kolba xayn tiirarka lagu xidhaa oo tacshiirad lagu furaa. Rasaasta gumaadkana xabbad walba qaraxeedu wuxuu baraarujiyaa naf daacad u ahayd dawladnimo ismoodsiis ah. Waa halkii uu nin taas ogi ka lahaa:

Deldelaadda boqol boqol
Kala daran isugu xidha
Dacartaa ku shidantee
Ha darrooro hilibkuye
Daldaloosha xididdada

 Tuducaasi malaha wuxuu la hadlay Keenadiid. Wuxuu ahaa barbaar dugsi bare ka ah dharaartii walaalkii Casayr oo aan dembi lahayn hortiisa dhegta dhiigga loo daray. Agoon  iyo oori aan sababta loo sheegin ayuu Casayr ifka kaga tegay. Dabadeed xabbaddii ninkaa dishay iyo tii isaga loogu aaray dhexdooda ayey Soomaaliya ku luntay. Taas intaa ha u dhaafin.

Waxaa se jirta arrin markii koowaad sheekadan lagaga garaabay, taas oo ah in ay jireen askar masaakiin ah oo dagaallada lagu soo jujuubay. Dadkaas in badan oo ka mid ah waxaa iyaga oo xabbad dhafoorka lagaga hayo laga soo qafaalay gobollo fogfog, mana ay haysan doorasho ay ciidanka kaga baxaan ama ku baxsadaan. Waxay ahaayeen dad beerato iyo raacato ah oo aan wax badan kala ogayn. Duulkaas ayey sheekadani markii koowaad dad ku sheegaysaa. Waxay ahaayeen noole dulman oo qudhoodu ka dhimanayey dad ay jeclaayeen iyagana jeclaa. Fiidow-Tooxow markii ay xabbadda mucaaradku madaxa fujisay agoontii uu ka tegay iyo kuwii uu qudhiisu markaas ka hor agoomeeyey waa isku cuqubo.

Taasi waa Soomaaliya oo mid ah oo is eedday. Imikana waa Somaliland oo gaar ah. Waayihii hore haddii la sheegi jiray warshadda xumaanta soo saartaa in ay Xamar ku taal, imika waxaa la malaynayaa warshaddaasi in ay Hargeysa ku taal. Xumaantuna laamiga dheer ee koonfureed ma soo raacdo waxay se ka soo baxdaa dhulka. Kala duwanaanta labada marxaladoodna waxaa ka oogan weydiin aad u culus oo jawaabteeda laga wada baqo. Qof dhiirrani wuxuu odhan karaa "ma jiraan wax isdooriyey aan ahayn dadgumaadkii oo laga xoroobay". Qof kalena wuxuu ku jawaabi karaa "labada marxaladood in la isu eego ayaaba godob ah". Kol walba se waxaa door ah in la isweydiiyo maanta in la haysto hannaan dawladeed oo ay bulsho hagaagsani ku dhaqnaan karto, iyo haddii aan la haysan sida lagu heli karo. Markaas oo qudh ah ayey taariikhdu waxtar yeelan kartaa.

Taariihduna ma aha wax iska dhaca ee waxaa wada falalka dadka. Ta sheekadanina waxay lahayd dadkeeda. Waa reer Axmed Qaalib iyo reer Yuusuf Qaalib oo isku qoys ah. Waa qoys habaaran ama ku dhaqan duni habaaran. Silsilad dheer oo hoog ah ayey dacalka haystaan. Hoogga koowaad waa askari xabbad ku hubaysan. Hoogga labaadna waa Heneri Beyle oo jeermi ku hubaysan. Koos oo ah gabadha keli aha ee reerka kolkii ay Ingiriiska u qaxday sidii ay wax u baranaysay ayey nasiibxumo lamafilaan ahi ku dhacday. Loogama horrayn macallinkeeda jaamacadda oo ah maraykan madow. Habeen keliya iyo booqasho aanay mahadin ayaa laga raacay. Waxaa afduubay Roge, waxayna gashay ayaandarro gaadhsiisay in ay sidii Dhegdheer ragga qalato. Koos sidaas ayey waxbarashdii kaga saaqidday noloshana kaga dhacday. Warkeeda waxaa inoogu dambaysa iyada oo Roge iyo garac la legdamaysa.

Isla jeerkaas ayuu walaalkeed Xaad galaabaxayaa Togdheer iyo Hawd oo qaddiyad uu rumaysan yahay u raamaystay. Isla markaa ayuu walaakooda kale ee Kaahin Ingiriiska qaad la yuururaa oo eydhis xoogsanayaa. Isla markaas ayuu walaalkooda afraad ee Qaalib dhakhtarnimo aayo leh Hindiya ka baranayaa, kolka uu dalkii ku noqdana wax rag kale xumeeyeen hagaajinayaa. Ina adeerkood Keenadiid ee Burco macallinka ka ahaa isagana markii walaalkii Casayr gacan ka gardarani nafta ka goysoy halgan ayuu nidar ku galay. Wuxuu caadaystay in uu askarta madaxa ka toogtoogto. Nin walba se wadku wuu dilaaye, inta uu rag ku maqan yahay isagana waa lagu maqan yahay.

Keenadiid inta aanu fallaagoobin wuxuu si anshaxumo ah buul uga dhistay caloosha Nuura, taas oo awelba bulshada ka faquuqnayd. Wax ay galabsatay ma jiraane waxaa la yidhaahdaa ‘dhiiggeeda ayaa sabnimo ku jirtaa'. Iyada oo awelba xaalkeedu sidaas ahaa ayey haddana ubad aan aabbihii la aqoon ifka keentay. Kolkaa tamarta keliya ee ay ku soo noolaan kartaa waa yididiilo ay ka qabto nabsibax. Niyadsamida kuma ay hungoobin oo ninka geyiga ugu halyeysan ayey marwo maamuus leh u noqotay. Ha yeeshee reer Qaalibka ay u dhaxday sida aynu aragnay waa qoys ayaandarradu deris la tahay. Awood nacab ah oo Roge lagu magacaabaa in ay jirto iyaga ayaa baray. Waxay ugu curatay Ayaan oo lagu naanaysi karo ‘Ayaandaran’.

Ayaan waa curadda horgalka ah ee Nuura, waa agoonta Keenadiid, waa indhadeeqda Xaad, waa fadeexadda Kaahin, waana foolxumada madaxda Somaliland. Intaba. Ayaan sidii ay ku dhalatay lagama sheekayn karo, fursadda nolosheeduna waxay la itaal ahayd xuubka caarada. Haddana qaddarka iyo dadkii jeclaa dadaalkooda ayaa ka dhigay qofka habboon ee ay noqotay. Kolkii ay hanaqaadday hankeeda iyo hiyigeedu waxay ku wadeen xiddigaha, nacab baa se legday. Waxay sababsatay damaceeda sarreeya, waxay eedday tegista Hargeysa, waxayna eersatay madaxda dalkeeda. Markii ay jabtayna waxay nidar ku gashay guuldarradeeda in ay guul u rogto. Waxay goosatay in ay qaaddo halgan u dhigma kii aabbaheed iyo adeerkeed. Waxay goosatay in ay Roge iyo ciidankiisa nacabka ah cagta mariso.

Madaxweynaha Somaliland isaguna wuxuu nidar ku galay in uu dad aad u tayo liita hawlaha umadda u dirto. Sidaas oo keliya ayuu rumaysan yahay in uu madaxweyne ku sii ahaan karo. Si kale ma yaqaan ama dooni maayo. Dadka bulshada ku dul kaaja waxaa ka mid ah  Cabdi Jirikaankii waallaa ee caanka ahaa ee waddooyinka Hargeysa ka qaylin jiray. Waxaa kale oo ka mid ah Kaahinkii qaadku dilooday ee cudurka halista ah qurbaha kala yimid. Labaduba waxay noqdeen wasiirro uu madaxweynuhu ku indhakuusho.

Siyaasi, qof caadi ah iyo bulshada oo dhamiba aayaxumada masuul waa ay ka yihiin, haddana uunkaasi idilkood waa ay yeeshaan xumo iyo samo, iyo dhisid iyo duminba. Se Roge abuurtiisa iyo dhaqankiisu waa in uu wax rogo oo keliya. Taas oo qudha ah ayuu weligiiba ku hawllan yahay. Rogis ayuu u socdaa haddii aan la iska qaban, welina laguma heshiin in la iska qabto. Maxaa la iska qabtaa waaba lagu muransan yahay jiritaankiisa iyo haddii uu jiro cidda uu cadawga u yahaye.

Roge ma kala jecla hodanka iyo saboolka. Ma kala jecla ragga iyo dumarka. Mana kala jecla carruurta iyo cirroolaha. Kolkaa xitaa wedka wuu ka xun yahay, waayo wedku badanaa wuxuu raacaa xeerka nolosha ee la isla yaqaan, sida bukaanka iyo gabowga. Se Roge wuxuu ku hawlgalaa xeer cusub oo argaggax leh oo u baahan in la barto. Wadku sida caadiga ah wuxuu ugaadhsadaa dadka jilicsan, wuxuuna ka qawlaystaa meelaha lagu dayacan yahay. Laakiin Roge dabinnada meel walba wuu dhigtaa, xitaa golayaasha lagu ladan yahay ee farxadda iyo raaxada leh. Waxaa ka badbaadi kara qof sida tukaha u feejigan oo dabindhuudka yaqaan.

Haa, waa taa dunida sheekadani inooga sheekaynaysaa. Cabdillaahi Cawed Cige sidii hore iyo si ka daran ayuu waallida iyo miyirqabka ka dhigayaa wax qudh ah oo laba magac leh. Riyada, qarowga, soojeed'hurudka iyo islahadalku waxay qayb ka yihiin waxqabadka iyo hawlaha adduun. Fooxinta, faalka iyo xiddigisku iyaguna waa aqoon sugan. Arrimahaas oo dhami ma aha hummaagyo ay maskax garasho liidataa silic ku aragto, waa se xaqiiqo leh kutalagal iyo kudhaqan. Sheekadan, sida tii ka horraysay ee Ladh, riyadu waa dhab, dhabtuna waa riyo. Dhimashada iyo noloshu soohdin ay ku kala baxaan ma leh. Reer if iyo reer aakhiro ayaa wada dhaqan. Waa ay wada shiraan, wada tashadaan, isuna hiiliyaan ama kala aarsadaan. Waa halkii uu nin yaabay ka lahaa:

Wuxu yidhi degmadayada
Ruuxii la duugaa
Marka laga dareeruu
Dib u soo dhashaayoo
Durba loo mashxaradaa

Qoraagan sheekooyinkiisa sidoodaba waxaa u gaar ah oo ay wadaagaan astaamaha ah: 1) khayaali hodan ah oo mararka qaarkood mooska jabsada; 2) dunida dhabta iyo dunida dhalanteedka nafsiga oo aad isugu milan kala saariddooduna akhristaha uga baahan tahay dadaal; 3) foolxumada iyo xanuunka oo aad uga baaxad weyn wanaagga iyo liibaanta.

Taas oo jirta haddana muuqaal walba oo foolxun oo buuggan la inagu tusayo waa la qirayaa in uu dhab u jiro. Dabadeed waxaa hadhay sidii looga bixi lahaa, qof iyo qaranba. Waxba tari maayo dhalanteedka la qabatimay. Kaas oo ay ugu horrayso, shalay iyo maantaba, dawladnimada qaladka laga fahmay iyada oo aan waxa ay tahay lagula dhaqmin dawgeedana la marin. Waxbana tari mayso in carrabka la iskaga soo celceliyo ”dawlad, dawlad, dawlad” iyada oo lagu jiro xaalad ka liidata tii tolalka iyo geeljirenimada. Masuulka xun, cudurka xun, dulmiga xun, gaajada xun iyo dibudhaca xun intuba waa ay iswataan, waxayna la socdaan tayo xumada iyo xilkasnimo darrada dadka talada haya, gun iyo baarba. Dadkaas ay dunida sidaas u fooshaxumi ku xilka lee dahayna, maalin hore iyo maantaba, sadarrada madow ee siiyaalka magacxumo ayey kaga tegayaan. Waxaa se furan toobad iyo dembidhaaf. Xitaa inta eydhiska qabta dhuuxooda waxaa ka soo bixi kara dhal fayow. Gunaanadka sheekadan ayey yididiiladaasi ka muuqataa.

Xagga daabacaadda, run ahaantii ROGE waxay ka mid tahay kuwa ugu dhammaystiran ee ilaa imika af soomaaliga ku soo baxay. Dhaliilo badan oo xagga farsamada, higgaadda iyo tifatirka ah oo tii iyada ka horraysay ka muuqday si buuxda ayey tani uga horumartay. Dhanka hab-qoraalka af soomaaligana, in kasta oo aan weli la hayn qaab la isku wada raacsan yahay, sheekadani waxay u qoran tahay si aad u qurux badan. Ha yeeshee lama dayn karo in la isxusuusiyo weydiin awelba arrintaas ka oognayd oo ah: qoraa waliba haddii uu dadaal badan u sameeyo in uu sida isaga ula habboon wax u qoro, qoraa kalena dadaal kaa la mid ah sameeyo, dabadeed labadii natiijo kala duwanaadaan, sidee loo midayn karaa si afku hab-qoraal la wada raaci karo u yeesho? Waa weydiin muhiim ah haddana masuulka xilkeeda leh weli ka gabbanaadan.

Gabagabdii aan idhaahdo, sheeko faneed wanaagsani waa in ay sidan ahaataa; sidan ROGE.

________________________________

Sifaha buugga:

Magaca: ROGE
Qoraaga: Cabdilaahi Cawed Cige
Soosaaraha: Ponte Invisibile
Daabacaadda: 2008
Magaalada: London
Taxanaha: Cirsankayeedh
Xajmiga: 13x20cm; 416 bog.
Ka arag: Red Sea Online

Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"
E-Mail: Ibraahinhawd@hotmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright 2008 Wardheernews.com