|
![]() |
|||||
|
Waa buuggii Rashiid Sheekh Cabdillaahi ugu horreeyay ee Af-Soomaali lagu soo daabaco. Mid kan ka horreeyay “Suugaanta Nabadda iyo Colaadda” waxa uu Rashiid ka ahaa isku-dubbaride, gogoldhiggana isagaa u sameeyay.
Mar aan isku dayay inaan sheego buug, ama qoraal kaleba, oo la aqristo waxtarka ugu weyn ee laga dheefi karo, waxaan ka badin waayay inaan ku soo ururiyo siddeedan qodob:
Sidaas awgeed, ayaan talo ku gaadhay qoraalkii aan qodobbadaas giddigood, qaarkood ama ugu yaraan midkood oofinayn, in uu iska yahay ‘cantara-baqash’ waqti-lumis kuu geysta markuu ugu liitto. Hadda iska jir! Tani ma aha talo geed-ka-go’an ah oo qof kastaa ku qasban yahay in uu raaco, ee waa aniga iyo dun-hadalkayga qudha. Aniga ayaa taladaas cabbir ahaan soo qaata marka buug ama qoraal kale laga hadlayo. Imminkana Rashiid ayaan buuggiisa ‘mashqac’ gelinayaa ee bal wixii innooga soo baxa aan eegno. Rashiid waa nin waayeel ah, waa suugaan-yahan dhaqan-dhaadhi ah, waa cilmibaadhe si weyn ugu kuur gala arrintuu wax ka qorayo. Intaasi waxba yaanay indhasarcaad kugu ridin, ee aan u soo noqonno buugga iyo xil-gudashadiisa. Horta buuggu afar qaybood ayuu u kala baxayaa oo kala ah:
Qaybta Kowaad: Silsiladda Deelleey oo socotay 1980kii ugu yaraan 50 maansayahan ayaa ka qaybqaatay. Dadka raba – wayna badan yihiin- in ay kala ogaadaan sidii loo kala saftay keliya, kuwii taliska la jiray iyo kuwii ka jiray, si fudud ayay u kala sooci karaan mid walba maansadiisa markay gudagalaan. Rashiid oo maansooyinkaas dhammaantood wada aqriyay, qarkoodna dadkii curiyay ka ag dhowaa, jawigii iyo waayihii siyaasadeed ee la tiriyayna ku dhex noolaa, faalladiisa iyo dantiisu way ka durugsan yihiin sar-ka-xaadiska ah yaa mucaarad ahaa iyo yaa muxaafid ahaa. Wuxuu ku dadaalayaa in uu si cad u iftiimiyo in labada dhinacba aad ugu tegaysid sida “waabeeyadii” uu talisku adeegsanayay – qabyaaladdii- labada dhinacba saamaysay.. oo halkii boosh iyo waafi loo kala bixi lahaa arrintii isku qasantay oo isu rogtay ‘tolla’yeey’ in kastoo ay jireen siyaasad ahaan iyo qowmiyad ahaanba kuwo si qayaxan isu taagay oo mabda’ ahaan ku kala saftay, Rashiid waxuu inna tusayaa in kuwaas laftooda ay ceeryaamadii sumaysnayd ee talisku hadhaysay, daadkii soo rogmadayna uu hafiyay. Qaybta labaadna waa sidoo kale. Abwaanka Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” in kastoo aanay jirin maansooyinkiisa mid aanu Rashiid aqriyin ama ruugin, misna labadan ayuu innooga soo xulay- Dhulgariir iyo Mayaldheer - Labadaba dhinacyo dahsoon in uu innoo iftiimiyo ayuu ula qasdiyay, haddii kale, aqristaha magacyada ay xanbaarsan yihiin iyo boobsiis lagu dul maro ayaa ugu filan. Rashiid horta waa naaqid, waa falanqeeye suugaaneed, waa dadka lagu tilmaamo in ay sadarada wax ka dhex aqriyaan. Maansada “Dhulgariir”, iyadoo baaqa iyo farriinta ay gudbinayso uu abwaanka la qabo, ayuu misna kaaga digayaa inaan arrintu sidaa loo fasirayo, ama laysu farayo, ama lagu ducaysanayo wada ahayn halka mushkiladda xalkeedu ku jiro. Meel aanad filayn ayuu kuugu tilmaamayaa in cudurka naxligiisu jiifo: ‘waa kuwa iyagu wax quudhsanaya, iyagoon is ogayn in uu daadku sito’. Maansada kale ee “Mayaldheer”, abwaanka Hadraawi nolosheenna meesha ugu halista weyn ayuu farta inoogu fiiqayaa isagoo daaq iyo degaan ka hadlaya. Dhegaysiga maansadaa badanaa waxaad u qabtaa in cid kale lagula hadlayo oo arrinku adiga aanu toos kuu khusayn. Rashiid oo halka uu Hadraawi farta ku godayo la socdaa wuxuu innagu baraarujinayaa inta xil inna saaran ee agteenna ku baylahaya. Cadaadis gumaysi iyo dabiicadda qallafsanaanteeda inaad ka hortagtid, iska caabbidid, oo ka guulaysatid, waxaa kun jibbaar ka adag sidaad uga rayn lahayd turunturooyinka iyo turxaamaha ay naftaada hankeeda yar iyo hawaawigeeda gaabani ku soo hor dhigayaan ee kaaga sii darane la dhaadayn. Maansada Hadraawina digniintaa ayay bixinaysaa.
Qaybta saddexaad: Akhyaar saddex ah oo Rashiid xilliyo kala duwan la kulmay, bartay, oo la dhaqmay waxay kala ahaayeen Yuusuf Xaaji Aadan, Xaaji Aadan Axmed (Afqallooc) iyo Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin Gadhle). Saddexdaa marxuum ifka way isku soo gaadheen. Ha yeeshee, Rashiid danayntiisu waxay ka timi saddex dhinac oo uu culayska saarayo. Waa waddaninimada, suugaanyahannimada ay dhammaantood buuniga ku ahaayeen, iyo dadnimada uu saddexdooda ugu tegay. Rashiid ujeeddadiisu ma aha in uu taariikh nololeedkoodii wax ka qoro ee la kulankiisii qof ahaanneed ee uu akhyaartaas la kulmay iyo dareenka barashadoodii iyo la dhaqankoodii ku reebeen noloshiisa ayuu qiimayntoodii innoo soo gudbinayaa si aynu ula wadaagno. Qaybta afraad ee ugu dambaysaa waxay iyadu ka kooban tahay 7 maqaaladood oo dhammaantood ku wada arooraya gobanimada micnaheeda iyo sida loo higsan karo in loo gudbo muwaadinnimo dhab ah oo looga gudbo qabyaaladda iyo u dabranaanteeda oo aan marna sahal ahayn ee qofka Soomaaliyeed la soconaysa illaa intuu ka godgelayo. Maqaaladahani ma aha talooyin iyo waano mutuxan oo toos u tilmaamaya sida ‘gob’ iyo ‘waddani’ lagu noqdo, ee waa casharro waaya-aragnimo oo Rashiid nolosha iyo dhacdooyin soo maray ka soo guurinayo. Kuwaas oo aan hubo in laga wada qaadayo xiisayn, aqoon korodhsi, iyo jacayl waddaninimo ay dareenkaaga ku beeraan. Buuggan hore ayaan u sheegay in aan xaanshadihiisu 150 ka badnayn oo afsoomaali fudud, farshaxamaysan oo aan lagu marganayn uu ku qoran yahay. Qofkii isku qaadaa waa hubaal in uu maalin gelinkeed kaga soo jeesan karo isagoo weliba hadduu rabo ku taamaya in uu barbar isaga riday. Taasi waa mid dhici karta. Aniguse mid yar ayaan ka digayaa si aan loo ilduufin geeddiga dheer ee Rashiid u soo maray qoraalladan. Rashiid kolleyba ogaalkay 60 jir kama yara...waxbarashadiisu laga bilaabo dugsi Quraan uu yaraantiisii ku galay, illaa jaamacadda uu tacliinta sare ku qaatay, sidaas ayay taxnayd...caasimado adduunka loo wada qirayo da’ iyo aqoon cilmi heerkay ka gadheen qaarkood wuu soo maray xilliyadu haba kala yaraadaane – Qaahira oo uu jaamacaddeeda cilmiga bulshada ka soo qalinjabsaday, Baqdaad, Moosko, Bekiin ikk ... shaqooyinka uu soo qabtay, dalalka uu booqashooyinka ku tegay, halganka siyaasadeed ee dhamacdeeda markuu ku dhiman waayay waaya arag iyo adkaysiga ka qaaday, badaha uu isaga kala gudbay ee dantu badday ugu dambayntiina isaga iyo qoyskiisii ku furtay Boqortooyada Biriidaaniya .. iyo..iyo.. Weli lama sheegin dhawr iyo afartankii sano ee u dambeeyay maalin aqris la’aan Rashiid ku dhaaftay, meel kasta adduunka ha ka joogee.. kuma darayo dabcigiisa, dadnimadiisa iyo mabaadi’da uu aamminsan yahay oo taasi bad kale ayay innagu furaysaa...Inahaas yar ee aan Rashiid ka sheegay iyo kuwo kaloo badan, waxaad ugu tegaysaa buuggan yar “Adduun Iyo Taladii” . Midda keliya aan kaala dardaarmayaa waa miyir ku aqriso oo ha boobsiin, kuna noqnoqo ; mar walba in kaa sheellanayd ayaa kuu soo ifbixi doontee. Aqris wanaagsan Siciid Jaamac Xuseen Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyed. Waxa uu hadda ka mid yahay duqayda ururkaas. __________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com |