|
![]() |
|||||
Shaki kuma jiro in dagaalada iyo xasilooni darrada muddada dheer ka jirtay Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay dib u dhac weyn u keentay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulkaas. Niyad samida iyo taageerada ay u muujiyeen shacabku ka dib markii qaar ka mid ah kooxaha hubaysan ee dagaalada ka waday dhulkaasi ay heshiisyada nabadeed la saxiixdeen dawladda Itoobiya, waxay inoo muujinaysaa baahida weyn ee ay shacabku u qabaan in nabadgelyo lagu soo dabbaalo deegaankooda iyo sida ay uga daaleen dagaaladaas muddada dheer ka aloosnaa dalkooda ee dib u dhaca iyo nolol xumadana u keenay, iyadoo islamarkaana illaa hadda aan wax natiijo ah laga gaadhin. Haddaba waxaa jirta in waayadan dambe halkudhegyada aan had iyo jeer ka maqalno madaxda dawladda deegaanka Soomaalidu ay ku soo koobmeen laba eray oo ah Nabad iyo Horumar. Madaxweynaha Dawladda deegaanka Soomaalida oo dhawaaan booqasho ku yimid dalka Maraykanka iyo Biritan, ayaa labadaas qoddob ka gadaya qurbajoogta u dhalatay deegaanka ee ku dhaqan dalalkaas. Waa hubaal in nabad la’aanteed aanay nolol habboon iyo horumar midna la gaadhayn, hase yeeshee waxaa iyana lagama maarmaan ah in shacabku ay helaan caddaalad iyo xoriyad, isla markaana ay si sharaf, xurmo iyo cabsi la’aan ah ugu noolaadaan dhulkooda. Waxaa lagama maarmaan ah in uu maamulku hirgeliyo isbedel iyo furfurnaan dhab ah oo ku jihaysan qaabka uu ula dhaqmo shacabkiisa. Nabad iyo horumar midna wax macno ah samayn maayaan inta ay deegaanka ka jirto caddaalad darro, cabsi gelinta iyo cabudhinta lagula dhaqmayo shacabka. Waa in la kala saaraa nabad diid iyo mucaarad. Ma jirto adduunyada shacab dhinac keliya u wada jeeda oo isku wada aragti ah, sidaa darteed waa in muwaadinku helaa xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku cabiri karo aragtidiisa (Xorriyadda hadalka) xataa haddii ay lid ku tahay midda maamulka talada haya. Maanta taasi kama jirto deegaanka. Shacabka waxaa haysa cabsi aad u weyn iyadoo qofku marka uu hadlayo hareeraha iska fiiriyo, maadaama wax aan macno weyn ku fadhiyin uu xabsi ku geli karo. Qofku xaq buu u leeyahay isagoo wadankiisa jooga in uu mucaarad noqdo. Waa ayaan darro in maanta aanu ka jirin deegaanka garsoor madax bannaan oo u taagan ilaalinta shurruucda. Hay'adaha garsoorku waa qalab ay xukuumaddu u adeegsato cabudhiinta shacabka. Taasi oo u suurta gelisay in Xukuumadda iyo hay’adaheeda nabad gelyadu:.
Ma jiraan mucaarid xoog leh oo nidaamsan iyo saxaafad xor ah midna. Sidaaa darteed waxaa meesha ka maqan ciddii la xisaabtami lahayd xukuumadda talada haysa. Waa in shacabku awood u yeeeshaan in ay iyagu si xor ah u doortaan ciddii ay rabaan, lana joojiyo fargelinta aan sharciga iyo dastuurka midna waafaqsanayn ee dawladda dhexe iyo madaxda ciidamada Federaalku ku hayaan maamulka deegaanka. Waa in deegaanku Soomaalidu helaa xuquuqda uu u jidaynayo dastuurka Federaalka Itoobiya. Nabad iyo horumar keliya kuma koobna tabashooyinka shacabku. ________________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|