|
|
Faallo: Xaaladda waxbarashada Deegaanka Soomaalida
Axmed Cabdiraxman Xasan |
WardheerNews (WDN) – Mustaqbalka iyo horumarka ummadi waxa uu ku xidhan yahay heerka aqooneed iyo waxabarasho ee jiilalka soo koraya. Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxa uu ka mid yahay goobaha uu sida ba’an ugu habsaday jahligu. Taas oo ka muuqata dhammaan qaybaha bulshada kala duwan ee ku dhaqan deegaankaas.
![]() |
| Axmed C. Haybe (midig) Guddoomiye, Asad Cabdirisaq (dhexe) Madaxa Dhaqaalaha iyo Cabdullahi Ibraahim Caydiid (bidix) Guddoomiye xigeen - Qorahay Education Foundation. |
Sida laga dheehan karo natiijooyinka imtixaanada fasalka 10 aad ee sannad dugsiyeedka waxbarashada ee dhawaan la soo gabagabeeyay, waxa cad in weli tayada waxbarasho iyo tirada dugsiyada ee ardayda Soomaaliyeed ee Deegaanku ay aad u hoosayso, inkasta oo uu ka jiray deegaankaas maamul hoosaad 16 kii sano ee la soo dhaafay.
Waxa runtii muuqata horumar la’aanta ka jirta Deegaanka Soomaalidu in ay salka ku hayso aqoonta iyo waxbarashada dadka deegaanka oo aad u liidata, kana hoosaysa marka la barbardhigo tan deegaanada kale ee Itoobiya. Waxa ay dhammaan maamuladii kala dambeeyay ee Deegaanka soo maray 16 kii sano ee la soo dhaafay ku guuldarraysteen in ay wax la taaban karo ka qabtaan waxbarashada iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha sida jidadka, caafimaadka, isgaadhsiinta iwm. Tusaale waxa inoogu filan in jidadka laamiga ah ee ku yaalla magaalada Dir Dhabe oo keli ahi ay ka badan yihiin dhammaan jidadka Deegaanka Soomaalida oo dhan ku yaalla oo la isku daray.
![]() |
| Qaar ka mid ah maamulka, xubnaha & taageerayaasha Mashruuca Horumarinta Waxabarshada Qabridaharre ee Qorahay Education Foundation. |
Haddaba si arrintaas ay xukuumaddu gabtay wax looga qabto ayaa dhawrkii sano ee u dambeeyay waxa deegaanka ka hanaqaaday hay’ado aan dawli ahayn oo dhammaantood taageero dhaqaale ay u fidiyaan jaaliyadaha u dhashay Deegaanka Soomaalida ee ku dhaqan qurbaha. Waxa ay haya’dahaasi hirgaliyeen mashaariic ku aaddan tayaynta waxabarshada oo laga dhaqan geliyay magaalooyinka ay ka midka yihiin Qabridaharre, Dhagax Buur, Dhanaan, Fiiq iyo magaalooyin kale oo dhawr ah. Si kaalinta ay ka qaateen mashaariicdaasi horumarinta waxbarashada ee deegaanka aynu wax uga ogaanno waxa aan si kooban qormadan ugu soo qaadanayaa Mashruuca Horumarinta Waxbarshada ee Qabridaharre. Kaas oo aan si kooban ugu eegi doono raadka uu illaa hadda ku yeeshay tayada waxabarshada degmadaas.
Mashruuca Horumarinta ee Qabridharre oo ah kan ugu da’da weyn hay'adaha aan dawliga ahayn ee waxbarshada taageera ayaa laga aasaasay magaalada San Diego bishii Juun ee 2004. Kaas oo markii dambe ku baahay dhammaan dalalka iyo magaalooyinka ay tiro wax ku ool ahi ka daggen yihiin dadweynaha ka soo jeeda gobolka Qorrahay.
![]() |
| Ardayda dugsiyada Qabridaharre oo dayac badani ka muuqdo ka hor intaan la bilaabin Mashruuca Horumarinta Waxabarashada ee ay maalgeliso Qorahay Education Foundation (QEF) |
Waxa fikradda mashruucu ay ka dhalatay ka dib markii qaar ka mid ah qurbajoogga ku dhaqan San Diego ee ka soo jeeda degmada Qabridaharre ay safar ku tageen magaaladaasi. Waxa fajac iyo argagax ku dhalisay dareenka jaaliyadaha gobolka Qorraxay ka dib markii loo soo bandhigay sawiro laga soo qaadday xaaladda ardayda dugsiyada Qardidaharre wax ka barataa ay ku sugan yihiin. Waxa la soo bandhigay warbixin tafaasiil wanaagsan ka bixinaysa waxbarshada degmada Qabridaharre. Taas oo ay weheliyeen sawirro iyo Fiidiyow (video) muujinaya ardayda dugsiyada magaalada oo ku fadhiya dhagxaan iyo daasado kuraas la’aan awgeed. Waxa kale oo ay warbixintaasi tilmaantay in sannad dugsiyeedkii 2003/2004 ay laba arday oo keli ahi ay ka gudubtay imtixaanka faslaka 10 aad, halka sannadkii xigayna uu imtixaankaas ka gudbay 1 arday degmada Qabridaharre oo dhan. Waxa imtixaanadaas u kala fadhiisatay sannadahaas 430 arday (2003/2004) iyo 460 arday (2004/2005). Runtii waa arrin aad u naxdin badan oo ku dhalisay werwer iyo u qaadan waa, kuna abuurtay cabsi ku aaddan mustaqbalka qurbajoogga deegaanka u dhashay iyo inta ay u muuqato tilmaanta cad ee ay warbxintaasu ka bixisay rajo xumada ay ku sugan yihiin dhallinta soo koraysa ee Deegaank Soomaalidu.
![]() |
| Ardayda dugsiyada Qabridaharre ka dib markii la hirgaliyay Mashruuca Horumarinta Waxbarashada ee QEF |
Markii xog la helo ayaa xal la helaaye, waxa warbxintaas ka dib la aasaasay Mashruuca Horumarinta Warabarashada ee Qabridaharre oo hadda loo yaqaanno Qoraxay Education Foundation. Kaas oo hawshii ugu horraysay ee uu qabto ay noqotay in marka hore laga taageero dugsiyada Qabridaharre dhinaca qalabaynta. Waxa uu isla sannadkaas ku tallaabsaday mashruucu in uu kuraas dhigo dhammaan dugsiyada magaalada Qabridaharre oo dhan shan dugsi oo ay dhiganayeen 8600 oo arday.
Hawshaas ka dib sida magaca mashruucu uu tilmaamayo waxa maamulkiisu isu xilsaaray in la guda galo tayaynta waxabarshada degmada. Waxa ay hay’addu hiragalisay mashaariic isugu jira in la hawlgeliyo ardayda ka soo jeedda gobolka ee dhigta jaamacadaha Itoobiya. Kuwaas oo xilliyada fasaxa ay ku jiraan bilaabay in ay wax baraan (tutoring) ardayda dugsiyada magaalada Qabridaharre iyo in la kobciyo tirada iyo tayada buugaagta taalla dugsiyada. Waxa mashruucu uu gaadhsiiyay dugsiyada maagaalada Qabridaharre in ka badan 7000 oo ah kutub waxabarasho oo manhajkoodu gaadhsiisan yahay illaa heer dugsi sare.
Waxa kale oo uu mashruucu ku tallaabsaday dayactirka dhismaha dugsiyada, nadaafadda guud, biyo gelin seddex dugsi iyo gunno siin 12 macallin iyo 5 ta maamule ee dugsiyada Qabridaharre.
Bishii September ee 2006 waxa mashruuca QEF uu hirgaliyay in laga furo magaalada Qabridharre fasalada 11 aad iyo 12 aad ee loogu diyaar gareeyo ardayda waxbarshada heerka jamaacadeed. Waxa dugsigaas lagu furay 156 arday oo ka gudbay imtixaanadii fasalka 10aad ee isla sannad dugsiyeedkaas. Sida natiijada ku cad waxa sannad dugsiyeedka dhawaan dhammaaday iyana ka gudbay fasalka 10 aad 262 arday oo iyana sannadkan bilaabi doona fasalka 11 aad. Guushaas la taaban karo waxa mudadaas 4 sano ka yar uu mashruucu ku soo hooyay iyada oo kharash aad u kooban uu geliyay dugsiyada magaalada Qabridaharre.
Warbixinta sannad dugsiyeedka hadda dhammaaday waxa kale oo ay tilmaamaysaa in uu dib u dhac weyni weli ka jiro gobolada iyo degmooyinka aanay ka hawl gelin mashaariicda tayaynta waxbarashada ee ay wadaan hay’adaha aan dawliga ahayni. Tusaale ahaan waxa gobolka Wardheer, Godey iyo degmada Shilaabo sannadkan u gudbay faslaka 11 aad 86 arday oo keli ah. Taas oo tilmaamaysa caqabadaha weli horyaalla mustaqbalka Deegaanka Soomaalida. Mudada kooban ee mashruuca QEF uu jiray iyo kuwa la midka ah ee iyana laga bilabaay gobolada qaar waxa aan ka baran karnaa in haddii la is xilqaamo aanay wax badan u baahnayn in si mug leh wax looga bedelo tayada iyo tirada ardayda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Runtii xilligan aynu joogno laguma hallayn karo hawshaas muhiimka ah maamulka tabarta iyo tayada daran ee ka jira deegaanka iyo kan dawladda dhexe oo aad mooddo in aanayba dan ka lahayn.
Waxa aanu hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin usoo jeedinaynaa hawlwadeenada iyo xubnaha mashruuca Qorahay Education Foundation. Hambalyadaas oo ku aaddan hawlaha guulaha midho dhalka ah ee ay mudada gaaban ku soo hooyeen. Waxa aanu sidoo kale ku dhiirigelinaynaa jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed in ay ku daydaan hawshaas qiimaha leh, kana fuliyaan deegaandooda.
Waxa aanu sidoo kale mujtamaca ku dhaqan Deegaanka ku adkaynaynaa in xoogga ay saaraan waxbarashada iyo aqoonta jiilalka soo kacaya ee Deegaanka Soomaalida, kulana xisaabtamaan xukuumadda iyo dadweynahaba. Taas oo ah arrinta keliya ee ay kaga gudbi karaan saboolnimada iyo hurumar darrada ka jirta degaankooda. Horaa loo yidhi: "Dunidani Maskax ayay Magan u Tahay."
Axmed Cabdiraxmaan Xasan
WardheerNews, San Diego
E-Mail:admin@wardheernews.com
------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews