Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Hiiraan oo xabsiga dhigay taliyihii Ciidamada ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
January 7, 2007
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya ay kaxaysteen taliyaha Ciidamada dawladda kmg ah ee Soomaaliya ee gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe mudane Mukhtar Xuseen Afrax. Arrintaas oo la sheegay in ay ka dambaysay ka dib markii uu taliyuhu ku gacan seyray dalab ay Ciidamada Itoobiya ay u soo jeediyeen in uu usoo gacan geliyo Guddoomiyihii Maxkamada Hiiraan Sh. Faarax Macalim Max'ud xilligii ay Maxaakliimtu ka talin jireen gobolkaas. Sh. Maxamud ayaa maalmo ka hor lagu qabtay isla gobolka Hiiraan.
Sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan gobolka Hiraan waxaaCiidamada Itoobiya ay amar ku siiyeen Taliyaha in uu agabkiisa iska dhigo isla markaana uu soo raaco askar gaar ah oo la sheegay in ay usoo direen qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaas.
Illaa hadda lama oga halka loo qafaashay taliye Mukhtaar Xuseen. Waxa hadda la sheegayaa in ay jirto incabsi laga qabo in xariga masuulkaasi uu dhibaato ka kala dhex dhaliyo maamulka dawladda kmg ah iyo masuuliyinta ciidamada Itoobiya ee ku hawlan ugaarsashada masuuliyiinta Maxaakimta.
Taliyaha ciidamada dawladda ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa la sheegay in ciidamada Itoobiya uu tusiyay waraaq uu ku qornaa heshiis ay maamulka iyo duqayda reer Hiiraan ka gaareen Sh. Faarax. Qoraalkaas oo lagu sheegay in Sh. Faarax ku sugnaado magaalada Belet Weyne muddo 3 bilood ah. Waraaqdaas waxa kale oo ku qornaa in haddii jiraan cid dambi u haysata Sheekha la hor keeno sharciga.
Sh.Faarax Macalim Max'ud oo shir jaraa'id la qabtay shalay maamulka cusub ee gobolka Hiiraan ayaa isna sheegay in gobolkiisa Hiiraan uu dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka war helay in xukuumadda kmg ahi u fidisay dhammaan dadkii Maxaakimta ka tirsanaa ee aan ku lug laheyn arrimo Argagixiso.
Warar soo baxaya ayaa iyana sheegaya in laga yaabo maalmahan soo socda in lasii daayo taliyahaasi. Hase yeeshee wararkaas oo tibaaxaya in ciidmada Itoobiya ku adkaysanayso in loo soo gacan galiyo Sheekh Faarax. Taas oo ay sheegeen shacbiga reer Hiiraan in talaabooyinkaasi ay dhibaato u geysan karaan kalsoonida looga hayo dawladda kmg ee gobolka Hiiraan.
Copyright © 2006 Wardheernews.com |