Idaacada La iska arko ee San Diego SomaliTV oo laga furay Magaalada San Diego

Cali Cartan & Cabdikarim C/raxmaan
_____________________

San Diego, 19 April, 2008 (WDN) - San Diego SomaliTV oo ah Idaacada la iska arko tii u horeysey ee laga hir geliyo gobolka Kalifornia, gaar ahaanna magaalada San Diego ee dalkan Maraykanka, ayaa mareegta WardheerNews oo mar walba u heelan danaysana arrimaha la xidhiidha warbaahinta,  isla markaana fadhigeedu yahay isla magaalada San Diego ay u suurta gashay in ay wax ka ogaato aasaaskii Idaacada la iska arko ee San Diego SomaliTV, sababhii dhaliyay in adeeg noocan oo kale ahi abuurmo iyo faa’iidooyinka uu ku soo kordhin karo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada San Diego iyo nawaaxigeeda.
Maxamed, C/salaam & Abukar


Haddaba waxaa bahda WardheerNews u suurta gashay inay waraysi si heer sare ah loo soo agaasimay la yeeshaan bahda San Diego Somali TV. oo kal ah :

1-Cabdisalaam Saciid Faarax, oo ah soo saaraha barnaamijyada
2- Abukar Cali Xaaji, oo ah maareeyaha TV-ga iyo
3- Maxmaned Calaajawaan, oo ah madaxa xaga farsamada.


Cali Cartan iyo Cabdikarim Cabdiraxmaan oo ka tirsan bahda WardheerNews ayaa haddaba booqasho ku tegay Studiyaha San Diego SomaliTV maalin Arbaca ah,  bishuna ahayd April 02, 2008 iyagoo waraysi la yeeshay bahhda San Dieog SomaliTV. Waraysigaasi oo ka dhacay xarunta San Diego SomaliTV oo cinwaankeedu yahay 1277 Cuyamaca, Al Cajon, Kalifornia markay saacadu ahayd 6:00AM (PST). Bahda WardheerNews markii ay gaadheen xarunta San Diego SomaliTV, waxaa isla markiiba si diiran u soo dhoweeyey Cabdisalan  Saciid, Maxamed Calaajawaan  iyo Abuukar Xaaji Cali.

Xaqiiqadii waxay hawlwadeenada TV-gu soo bandhigeen xirfad iyo hawl karnimo heer sare ah marka loo eego muddada gaaban ee uu TV-gu shaqaynayey. Anaga oo ku beeganay xili ay bahda SomaliTV ku guda jireen hawl maalmoodkoodii caadiga ahaa, iyaga oo isku dubbaridayay barnaamijyada ay ugu talagaleen daawadyaashooda maalintaas.

Qolka Masraxa
Qolka isku bedelka
Isla markiiba  waxaa bahda San Diego SomaliTV-ga oo uu hor kacayo Abdisalaam na siiyeen kormeer guud, waxayna na tuseen qololka kala duwan ee Xarunta, iyo qol walba waxa hawshiisa gaar ahaaneed tahay, sida:
a) Qolka dib u daabicida cajeladaha(Editing Room),
b) Qolka masraxa (The Stage),
c) Qolka ilaalinta (Control Room) iyo
d) Qolka  isku bedbedelka (Dubbing Room) noocyada cajeladaha ee kala duwan.

Markii aanu dhamaysanay kormeerka xarunta, waxaanu guda galay waraysi aanu la yeelanay Bahda San Diego Somali TV, waraysigiina wuxuuna u dhacay sidan.
Abukar, Maxamed, C/karim & C/salaam


WardheerNews:: Marka hore waad ku mahadsan tihiin fursadan qaaliga ah ee ad na siiseen si aanu wax uga ogaano hawsha Idaacada la iska arko ee San Diego iyo dadaalka xoogan ee aad samayseen si markaasi aad dhidibada ugu taagtaan Idaacad la iska karo tii u horeysa ee laga dhiso magaaladan San Dieogo. Hadaba maxay ahayd sababihii idinku kelifay inaad bilowdaan San Diego Somali TV?
Abdisalaam: Waxaan marka hore u mahad naqayaa bahda WardheerNews booqashada qiimaha leh ee ay noogu yimaadeen iyo dadaalka wacan ay ugu jiraan sidii ay ula socodsiin lahaayeen shacbi weynaha Soomaaliyeed warbaahinta ku aadan dhacdooyinka Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrikaba. Intasi kadib waxa jirta in magaalada San Diego ay hoy u tahay dad Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 10,000.  Iyada oo ay jirto muhiimadda ay leedahay warbaahintu iyo baahida loo qabo sidii markaas dadweynaha Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen madal lagu soo bandhigo dhaqanka, aqoon isweydaarsiga iyo barnaamijyada la xidhiidha diinta iyo wacyigalinta dadweynaha, ayaa waxay noola muuqatay in aan aasaasno idaacada la iska arko ee San Diego SomaliTV. Taasi oo u adeegta bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaldan San Diego iyo agagaarkeeda.

Abukar, C/salaam, Cali & Maxamed

WDN: Wax ma nooga sheegi kartaa marxaladihii kala duwuanaa ee uu soo maray San Diego SomaliTV, si markaasi aad dhidibada ugu taagtaan?
Abukar: Waxa jirta in aan ka soo marnay aasaaska San Diego SomaliTV  hawlo kala gedisan. Mida ugu horeysa oo ahayd anaga oo aan markaasi haysan wax maalgelin ah iyo dad aqoon u leh xirfada TV-ga. Taasi oo runtii leh dhibaatateeda. Laakiin waa Rabbi mahadii oo way noo suurta gashay in aan dhisno San Diego Somali TV- oo oo suura geliyey inay hawada  naga daawadadaan dadweynaha Soomaaliyeed ee reer San Diego.
Cabdisalaam: Waxa jirta sida uu sheegay saaxiibkey Abuukar in San Diego SomaliTV uu soo maray marxalado kala duwan, markii u horeysayna waxaanu bilownay hawsha bishii 04/25/2007. Kadibna waxaa na loo furay laba bilood oo tababar ah iyo saddex bilood oo kale oo aan markaasi sugaynay in aanu hawada soo galno. Waa Ilaah mahadiiye taariikhdu markay ku beegnayd 09/18/2007 ayaanu soo galnay hawada, oo dadweynaha Soomaaliyeed ee reer San Diego fursad u heleen in ay daawadaan barnaamijyo ku baxaya afkooda hooyo markii ugu horeysay.

WDN: Maxay yihiin barnaamijyada aad markaasi u soo gudbisaan daawadayaashiina?
Maxamed; Barnaamijyada aan hadda u soo tebino daawadayaashayada waxaa ka mid ah kuwa la xidhiidha xaga arrimaha bushada sida Diinta, Dhaqanka, Waxbarashada, Ciyaaraha iyo waraysiyo aan ka qaadno qaar ka mid ah dadweynaaha Soomaaliyeed ee degan magaalada San Diego.

WDN: Barnaamijyada aad soo tabisaan maadaama ay Soomaalidu hadda aad u xiiseeyaan arimaha siyaasada, maxaa ka reebay qorshihiina?
Abdisalaam: Waa ay jirtaa in aanaan tebin wax khuseeya siyaasada, anaga oo  u aragna in aysan wax faa’iido ah keenayn oo ay  sababi karto sii kala fogeynta shacbiga Soomaaliyeed ee walaalaha ah, markaasi taas daraadeed anagu waxaanu xoogga saarnaa barnaanmijyada ku aadan xagga arrimaha bulshada ee aan markaasi isleenahay waxaa ka faa’iidaysn kara dhalinyarada iyo guud ahaanba bulsho weynta Soomaaliyeed.

WDN: Maadaama aad hadda jirteen ilaa muddo 6 bilood ah, sidee ayay u arkaan reer San Diego TV?
Abukar: Runtii waxaanu ka helnaa dadweynaha Soomaaliyeed ee reer San Dieog dhiiri gelin iyo amaan fara badan weynu ku mahadsan yihiin, si aadana waa loo daawadaa.

WDN: Muxuu yahay qorshayaasha aad wadaan si aad u sii balaadhisaan San Diego SomaliTV?
Cabdisalaam: Waxaanu ku dadaalnaa inaanu badino barnaamijyada aan soo saarno tiradooda, tayadooda iyo wakhtiga aan hawda ku jirnaba, mar kasta oo ay noo suuro gashoba.

Abukar, C/Salaam, Maxamed, & Ken

WDN: Ugu danbayn maxaad kula dardaarmaysaa dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool San Diego iyo nawaaxigeeda haddaad tihiin bahda San Diego SomaliTV?
Cabdisalaam: Ugu horayn Rabbaa mahad leh. Intaas dabadeed aad iyo aad baan uga mahadcelinayaa dhammaanba dadkii gacanta sida tooska ah iyo sida dadbanba uga geystey suura gelinta warbaahintan maqalka iyo muuqaalka ah. Waxaa kaloo intaa noo dheer, oo aan la ilaawi karin shacabweynihiii isugu jiray yar iyo weynba ee hambalyooyinka iyo mahadnaqyada aan kala go’a lahayn noo soo diray. Waxaa iyana aan mahad la koobi karin u gudbinaynan Bahda Cox Cable oo noo suurta galiyay in aanu aasaasno idaacada haday noqoto xaga tababarka iyo farsamada kaalin wanaagsan noo geystay, gaar ahaan Ken iyo Merry.

Waxaana u sheegaynaa qurba joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan San Diego iyo agagaarkeeda in loo baahan yahay inay la yeeshaan wada shaqayn joogto ah Bahda San Diego SomaliTV maxaa yeelay ulajeedada loo abuuray TV-gan waxay ahayd sidii loo wacyi gelin lahaa bulsho weynteena, loogana haqab tiri lahaa wixii xog ah ee hadba shacabkeenu u baahan yahay sidaas darteed ka qayb qaadashadiinu waxay suura gelinaysaa in la gaadho himilooyinkii loo abuuray San Diego SomaliTV.

Waxaa kale oo iyana mudan in la xuso, qaybaha warbaahineed ee kala gedisan ee ka jira deegaanka San Diego tusaale ahaan San Diego SomaliTV, WardheerNews iyo kuwa kale ee la midka ahiba iska kaashadaan sidii ay ugu adeegi lahaayeen bulsho weynta Soomaaliyeed. Waxaa kaloo lagama maarmaan ah inay yeeshaan doodo aqoon is weydaarsi oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada warbaahineed ee deegaanka Koonfurta Kalifoorniya.

Gebagebadii aniga (Cabdisalaam) oo ah madaxa San Diego SomaliTV waxaan halkan ka caddaynayaa, anigoo fursadan dahabiga ka faa’iidaysanaya, in hawlwadeenada San Diego SomaliTV sida Maxamed iyo Abuukar Shiikh la’aantood aanay waxba  noo suuro galeen. Sidaa darteed mahad gaara bay ka mudan yihiin  bahda San Diego SomaliTV iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta Kalifoorniya.

Wxii xiriir ah waxaad kala yeelan kartaan bahda San Diego SomaliTV
Email: sdsomalitv@hotmail.com

Cali Cartan & Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan
WardheerNews, San Diego.

 

Copyright © 2008 Wardheernews.com