Maleeshiyo  ka tirsan Ururka ONLF oo dil iyo bililiqo ka geystay magaalada Garloogube


Jigjiga, Dec. 21, 2008 (WDN)-  Wararka laga helayo gobolka Wardheer ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya, ayaa sheegaya in bishan 18keedii goor habeen ah ay maleeshiyo taabacsan ururka ONLF weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen magaalada Garloogube ay ku dileen 5 qof oo rayid ah oo aan waxba galabsan.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in ay sidoo kale maleeshiyakaasi bililiqo xooggan u geysteen hantidii dadka shacabka ah ee deegaankaas ku dhaqan.

Weerarkan ay ONLF ku qaaday Garloogube ayaa la sheegayaa in uu ahaa mid ay si gaara ugu bartilmaameedsanayeen beesha Reer Sheekh Abayoonis ee Geri deegaankaas ku dhaqan.

Sida ay WardheerNews u xaqiijiyeen ilo ku sugan magaalada Wardheer waxaa la sheegayaa in maleeshiyadkaasi maalmo ka hor markii ay weerarka soo qaadeen ay waraaqo ku daadiyeen magaalada, kuwaas oo ay ku qornaayeen hanjabaado ah in beelaha aan taabacsanayn ururka ONLF ay ka guuraan deegaankaas.

Falalka foosha xun ee ay ka wado ONLF deegaanka Wardheer ayaa dadka badankiisu u arkaan kuwo ujeedaddoodu tahay sidii ay colaad uga dhex hurin lahayd beelaha walaalaha ah ee kuwada dhaqan deegaankaas.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ONLF ay weeraro salka ku haya dareen iyo nacayb qabiil ay kula kacdo beeesh reer Sh. Abayoonis iyadoo aynu hore ula soconay culumadii iyo dadkii birimagaydada ahaa ee ay ku xasuuqee meesha lagu magacaabo Gole dhawr bilood ka hor.

WardheerNews, Jigjiga.

 

Copyright © 2008 Wardheernews.com