Home Articles Somali Songs About us  

 

Sheekh Xasan Daahir oo saxaafadda ka soo hormuuqday, sheegeyna in dagaalku socon doono

Jamal Cismaan
_______________
Muqdisho, June 08, 2009 (WDN) – Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo saxaafadda qaar ay hadal heysay in uu dhintay ama dhaawacmay, ayaa maanta markii ugu horeysay ka soo hor muuqday saxaafadda isagoo bad qaba.

Sheekha, ayaa beeniyay warka ay sheegatay Ahlu Sunnah Waljameecah oo maleeshiyadiisa ay iska soo horjeedaan. Isagoo xiran dharka futashaariyada loo yaqaan oo madow iyo Awkiyaale, ayuu wacad ku maray in dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan isagoo humaag galiyay sheegashada dowladda ee dhaqan galinta shareecada.

Waxa uu yiri “ Dagaal waxan kula jirnaa ciidamadaasi Afrikaanka ah ee dalkeena ku soo duulay, dowlad ku sheeguna waxay difaacayaan kuwaa, markaa waa qasab in dagaalku uu socdo”. Sheekha, ayaa intaasi ku darray, in ay dagaalka wadayaan tan iyo intay ka xaqiijinayaan iyaga inay shareecada dhaqan galiyaan.

“Haddii gabar ay suuqa ka doonato dahab, ay bulkaato soo iibsato micnahdeedu ma ahan inay dahab soo ibsatayee, ee waa u eke, ayuu yiri oo uu ula jeeday dowladda inaanay aheyn mid Islaami ah islamarkaasina ku eedeeyay in laga xakumo xarunta QM ee New York.

Dowladda Soomaaliya, ayaan wali ka hadal eeddan cusub ee kaga timid mid kamid ah mucaaradkeeda waaweyn ee dagaalka kula jira.

Dagaal Jimcihii ka dhacay deeganka Wabxo ee gobalka Galgadud, ayay Ahlu Sunnah ku sheegatay inay ku dileen hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, taas oo hadal henteeda ay si weyn dadku u hadal hayeen waayadan dambe.

Jamaal Cismaan
WardheerNews, Muqdisho


Copyright © 2009 Wardheernews.com