Soomaaliya iyo Eretereya oo eedeymo isu jeediyay
|
Jamal Cismaan
_______________
Mudisho, May 04, 2009 (WDN)- Wasiirka arrimaha ammaanka dowladda Soomaaliya u qaabilsan Kolonel Cumar Xaashi Aadan ayaa dawladda Eritereya ku eedeeyay in ay hub ku soo daabuleyso dalka Soomaaliya. Md. Cumar ayaa sheegay in Eritereya isbuucii la soo dhaafay ay labo jeer hub ka soo dejisay garoonka Ballidoogle, ay haddana qorsheyneyso in kuwa kale ay keento.
Wasiirka, ayaa sheegay in adduunka dowladaha oo idil ay dowladdan aqoonsan yihiin laakiin Ereteriya aysan Soomaaliya la rabin inay degto oo ay dooneyso fadqalo iyo qalalaase inay ku sii jirto, si taasi ay ugu suura gashana ay hubeyneyso Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Ereteriya Cali Cadbow oo oo isna BBC-da la hadlay ayaa eeddaasi mid aan waxba ka jirin ku tilmaamay, waxaana uu sheegay in dowladdan aanay iyagu aqoonsaneyn, laakiin Soomaaliya aanay jirin wax hub ah oo ay soo galiyeen.
Mar la weydiiyay Wasiirka Warfaafinta Eritereya in ay taageerayaan kooxaha islaamiyiinta ee ka soo horjeeda dowladda KMG, ayaa waxaa uu sheegay in aysan taageersanayn koox ka mid ah dhinacyadaasi balse waxaa uu tilmaamay in ay taageersanyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed ayna danaynayaan in Soomaaliya ay isku timaado si ay u dhammeyso ismari waaga Siyaasadeed ee ka dhextaagnaa sannadihii ugu dambeeyay.
Dhanka kale Sheekh Xasan Daahir Aways, hogaamiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyay kulamo kala duwan oo maalmihii ugu dambeeyay uu la yeeshay waxgaradka, siyaasiyiinta, dhaqanka, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno ka tirsan beesha Mudullood iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.
“Sheekh Shariif war nama dhex yaallo, wuxuu na dhex yaallaa annaga iyo beesha caalamka oo raba inay nagu wadaan dariiqa ay rabaan, annagana waxaan rabnaa inaan samaysano dariiq aan heshiis ku nahay oo aan beesha caalamka kula heshiino, Shariifka beesha caalamka ayuu la safan yahay, annagana waanu ka soo horjeednaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aways oo dhinaca kale kula dardaarmay walaalaha Mujaahidiinta inay cadowga wajahaan oo aanay iyaga isku soo noqon.
Sheekh Xasan ayaa intaa ku darray in uu wada hadallo la yeelanaayay odayaasha Muqdisho iyo wax garadka kale ee magaalada ku dhaqan.
“Sidaan magaalada Muqdisho u imidba, waxaan kulan la yeelanayay dadwaynaha, odayaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo mutacalimiinta si aan u ogaado jawigooda, garaadkooda iyo sida ay u fakarayaan kaddibna aan wax ku biiriyo, waxa la og yahay inaan xornimo soo wadnay, xornimadaasi aan soo wadnay weli kama harin, laakiin waxaan diidaynaa in Mujaahidiinta ay isku noqdaan” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.
Hogaamiye diimeedka Sheekh Xasan Daahir Aways wuxuu shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday mowqifkiisa ku aaddan dawladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuusan marnaba wada xaajood la geli doonin madaxda dawladdaasi oo uu sheegay inay la safan yihiin beesha caalamka, iyagana ay taasi ka soo horjeedaan, wuxuuna intaasi ku daray in xalka uu shacabka Soomaaliyeed gacmahooda uu ku jiro.
Jamaal Cismaan
WardheerNews, Muqdisho
Copyright © 2009 Wardheernews.com
|