Jawaari iyo Dr. Galeydh oo Isku Soo Haray Wareegga Labaad ee Doorashada Guddoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya
|
Nayroobi, August 28, 2012 (WDN) - Magaalada Muqdisho, waxa ka soconaya doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya. Taas oo wareegeeddii koowaad ay ka soo qayb galeen xildhibaano 236 gaaraya. Kuwaas oo codadkooda ka dhiibtay madashii shirka uu ka soconayay ee dugsiga tababarka ciidamada booliska ee magaalada Muqdisho.
Waxa hadda dhammaaday tirinta codadka wareeggii koowad. Kaas oo ay musharaxiintu u kala heleen sidan:
Jawari: 119
Galeydh:- 77
Cabdi Xaashi: 23
C/rashid Xiddig:10
Xasan Abshir: 5
Laba cod ayaa la sheegay in ay xumaadeen, tirada guud ee codaysanna waxa ay noqotay 236.
Ka dib markii uu natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha kmg ah ee barlamaanku waxa madasha kaga dhawaaqay in ay ka tanaasuleen oo aysan wareegga labaad ka qayb gali doonin musharaxyada Cabdirashiid Xiddig, Xasan Abshir iyo Cabdi Xaashi oo sheegay in codadkooda ay siin doonaan Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Wareegga labaad ayaa hadda bilowdey waxaana ku tartamaya Dr. Cali Khaliif Galeydh iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, natiijadana gadaal baannu idiinka soo gudbin doonnaa.
Jamaal Cismaan
WardheerNews, Nairobi
Copyright © 2012 WardheerNews.com |