|
|
Xafiisyada Telefishanka HCTV ee Magaalada Hargeysa
oo la xidhay
|
 |
Hargeysa, Jan. 14, 2012, (WDN) – Ciidamada booliska ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo warramayaa in ay caawa xidheen xafiisyadii telefiishanka Horn Cable TV (HCTV). Sida wararka na soo gaadhayaa xaqiijinayaan waxa caawa fiidkii la keenay ciidamo boolis ah oo aad u farabadan xarumaha telefishanka HCTV ee magaalada Hargeysa. Kuwaas oo xidhay labada xarumood ee telefishanka HCTV ku leeyahay badhtamaha magaalada ee kala ah xafiisyada suuqgeynta iyo warbaahimta.
Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii maanta uu madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ku weeraray telefishanka HCTV khudbad uu u jeediyay xubnaha goleyaasha barlamaanka Somaliland (Golaha Wakiilada iyo Guurtida), isaga oo ku sifeeyay in uu telefishankaasi yahay qaran dumis, faafiyona wax uu ku tilmaamay borobagaando.
Qaar ka mid ah weriyeyaasha ka hawgala telefishanka HCTV ayaa sheegay in ciidamada booliska ay la wareegeen guud ahaanba xafiisyada telefishanka, joojiyeenna dhammaan hawlihii halkaas ka socday.
Ciidamada booliska ee ku sugan xarumaha HCTV ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan sababaha dhaliyay in ay xidhaan, joojiyaanna hawlaha telefishanka oo ah mid laga daawado goobo badan oo ka mid ah caalamka. Sidoo kale maareeyaha telefeshinka Md. Maxamed Ilig oo u warramay qaar ka mid saxaafadda, ayaa isna sheegay in aanu ka warqabin sababta dhalisay xidhitaanka xarumaha HCTV ee magaalada Hargeysa. Xukuumadda Somaliland ayaan iyana illaa hadda ka soo saarin war rasmiya sababaha dhaliyay in ay ku dhaqaaqdo falkan.
Dhacdadan lagu xidhay Telefishanka HCTV ayaa noqonaysa tii labaad ee lagu horjoogsado hawlaha telefishanka tan iyo intii la aasaasay. Xukuumaddii hore ee Somaliland ee uu madaxda ka ahaa Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa iyana sidoo kale mar u xidhay telefishanka.
C. C. Xasan
WardheerNews, Hargeysa
Copyright © 2012 WardheerNews.com |