|
Ra’iisul wasaaraha DFKMG Md. CabdiWali oo dalka dib ugu
soo laabtay
Muqdisho, January 14, 2012-Ra’’iisul Wasaaraha DFKM ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib booqasho ay ku soo mareen dalalka Kenya iyo Jabuuti. Halkaasi oo ay kulamo iyo wadahadalo kula soo qaateen madaxda dalalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa maanta garoonka ku soo dhoweeyey Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen iyo boqolaal ruux oo isugu jirtay Wasiiro, Xildhibaano, saraakiisha dowladda, haweenka iyo fanaaniin, wuxuuna ra'iisal wasaaruhu salaam gacan qaaday mas’uuliyiintaasi.
Intaasi kadib ra’iisul wasaaraha ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka isaga oo xusay in safaradii uu ku tegay dalalka Kenya iyo Jabuuti ay ahaayeen kuwo miro dhal ah, isla markaana ay wadahadalo la soo qaateen madaxda dalalkaasi.
“Dalka Jabuuti waxaa ina qaabilay madaxweynaha Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Mudane Dileyte Maxamed Dileyte, waxaana ka wadahadalnay sidii loo xasilin lahaa dalka, waadna ogtihiin dowladda Jabuuti inay ciidamo ku soo biirisay howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, waxaana isla meel dhignay waxyaabo badan” ayuu yiri r/wasaaruhu isaga oo uga mahadceliyay ciidamada ay ku biiriyeen howlgalka nabad soo celinta dalka.
Muqdishu, Soomaaliya
Copyright © 2012 WardheerNews.com |