Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Isimada SSC oo maanta shir jaraa'id ku
qabtay ku qabtay Taleex

WardheerNews Jan 15, 2012 - Isimada Dhulbahante oo dhammaan hadda ku sugan magaalada Taleex, una jooga halkaas ka qaybgalka shirka Khaatumo II ee magaaladaas ka socda ayaa maanta ku qabtay shir jaraa'id halkaas. Isimada Dhulbahante oo dhammaantood goobta fadhiyay ayaa waxa u hadlay Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

Isimadu waxa si kulul ay u cambaareeyeen weerarka ay ciidamada Somaliland saaka ku soo qaadeen magaalada Buuhoodle, iyaga oo isla markaana ugu baaqay shacabka reer SSC meel kasta oo ay joogaan in ay difaacaan degaanadooda. Labada Garaad waxa ay tilmaameen in difaaca degaankoodu uu waajib ku yahay qof kasta oo u dhashay beesha Dhulbahante. Waxa ay iyana ugu baaqeen xukuumadda Somaliland in ay kala baxdo ciidamadeeda dhammaan degaanada meelaha kaga sugan yihiin degaanada SSC.

Wararka kale ee naga soo gaadhaya Buuhoodle ayaa sheegaya in gebi ahaanba ay magaaladu hadda gacanta ugu jirto SSC, ciidamadii Somaliland ee halkaas soo galayna laga saaray.

Ciidamada Somaliland ayaa saaka weerar ku soo qaaday Buuhoodle, gudaha magaaladana kula dagaalamay ciidamada degaanka iyo kuwa SSC.

WardheerNews

Copyright © 2012 WardheerNews.com