Wararkii u dambeeyay
ee Buuhoodle
|
Jan 15, 2012 (WDN) - Xaaladda magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn, oo saaka ay dagaallo ka dhaceen, ayaa wali kacsan, inkasta oo uu hadda yara qaboobey dagaalka saaka barqadii halkaas ka bilowday.
Dhinacyadii saaka ku dagallamay degmada Buuhoodle ee maamulka Somaliland iyo ciidamada deegaanka, ayaa hadda isku hor fadhiya meel qiyaastii 7 KM u jirta magaalada Buuhoodle, ka dib markii ciidamada deegaanka ay mar kale u suuragashey in ay dib ula wareegaan magaalada, oo saaka gacan ku heynteeda ay lumiyeen.
Wasiirka warfaafinta ee maamulka Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa sheegey in ciidankooda weerarka lagu soo qaadey saaka, ayna u suuragashey in ay magaalada Buuhoodle ka saaraan dhinaca maleeshiyada deegaanka Buuhoodle. Dhinaca kale saraakiil u hadashey SSC, ayaa iyana sheegey in dagaalka iyaga lagu soo qaadey, ayna iska caabbiyeen ciidamadii Somaliland ee ku soo duuley. Hase yeeshee wararka aannu ka helayno degaanka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay saaka subaxdii hore iyagu dagaalka ku soo qaadeen magaalada Buuhoodle, muddo koobanna gacanta ku dhigeen.
Dadka dhintay, ayay warar qaar sheegayan in ay illaa gaarayaan toban ruux oo dhinacyadii dagaallamay iyo dad kale oo rayid ahiba ay ku jiraan.
Goobihii ganacsiga, ee magaalada ayaan maanta la furin, dadka qaarna waxa ay u barakaceen tuulooyinka ku dhow Buuhoodle.
Dagaalkan ayaa wuxu dhacaya ka dib markii shalay uu madaxweynaha maamulka Somaliland uu sheegay in aysan u dul qaadan Karin go'aamada ka soo baxaya shirka Khaatuma II ee Taleex ka socda. Kaas oo uu ku tilmaamay inaysan ka soo bixi doonin natiijo lagu farxo.
Dhinaca kale shirkii Taleex, ayaa isna maanta hakad galey, iyadoo ergadii shirkaasi isku wada raaceen in la difaaco deegaannada shacabka reer SSC.
Sidoo kale dibad baxyo looga soo horjeedo dagaalka Buuhoodle, ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarrunta gobalka Sool. Kuwaas oo dadka dibad baxyadaas sameynayay ay ku tagersanaayeen shirka Taleex.
Ciidamada booliska Somaliland ee Laas caanood, ayaa laba ruux ku dhaawacay gudaha magaalada, ka dib markii rasaas ay u adeegsadeen kala ceyrinta dibad baxayaashii maanta.
Isimada beesha Dhulbahante ayaa iyana maanta shir jaraa'id oo ay kaga dagalada ka dhacay ku qabtay magaalada Taleex ee shirka Khaatumo ka socdo. Isimadaas oo ay u hadleen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, ayaa waxay ugu baaqeen maamulka Somaliland guud ahaanba in ay isaga baxaan deegaannada SSC.
ShirkaTaleex, ayaa maanta sida qorshuhu uu ahaa, waxa la rajeynaayay in looga doodo magaca maamul goboleedka cusub ee deegaanada SSC uu qaadan doono iyo astaantiisa.
Jamaal Axmed Cisman
WardheerNews
Copyright © 2012 WardheerNews.com |