|
Sarkaal katirsana Al-Qaacidda oo duledka Muqdisho
lagu diley
Muqdisho an 21, 2011 ( WDN) Sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-Qaacidda, ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacdey duleedka magaalada Muqdisho galinkii dambe ee Sabtida, halkaas oo ay ka arrimiyaan kooxda Al-Shabab.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu shegeey Bilaal Al-Barjaawi, ayaa heystay dhalashada dalka Ingiriiska, waxana afhayeenka Al-Shabab oo xaqiijiyay geerida sarkaalkaasi uu shegey in Bilaal uu Soomaaliya soo gaarey bilowgii aas’aaska maxkamadihii Islaamka ee beri Muqdisho mar ka arrimin jirey.
Sarkaalkan ayaa gaari uu la socdey waxa lala eegtey gantaal la sheegay in laga soo ridey dayaaradaha aan cidina wadin, kuwaas oo loo maleynaayo in laga leeyahay dalka Mareykanka.
Bilaal Al-Barjaawi , ayaa asal ahaan ka soo jeedey dalka Lubnaan, waxaana sanadihii dambe uu ka mid ahaa saraakisha Al-Qaacidda ee bariga Afrika, isagoo Al-Shabab-na ka taageerayay dhinaca howl gallada iyo dagaallada.
Waxa la sheegey in uu ka bad baaday isku day dil oo sanadkii tagey ka dhacay gudaha degmada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, markaas oo isla dayaaradaha iis wada ay duqeeyeen meel uu kaga sugnaa Al-Barjaawi.
Gantaalo seddex ah ayaa galinkii dambe ee Sabtida, waxa ay ku dhaceen gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo mid ka mid ah lala eegtey gaarigii uu la socdey sarkaalkan.
Dowladda Biritan ayaanan illaa iyo hadda ka hadlin dilka Bilaal Al-Barjaawi oo sida la sheegey sitey baasaboor dalka Ingiriiska ah.
Jamaal Cismaan
WardheerNews.
Copyright © 2012 WardheerNews.com |