Guriga Cabdi Qaybdiid uu Gaalkacyo ka deggen yahay oo la isku qarxiyay
|
Salaasa, Jan. 31, 2011 (WDN) - Illaa 5 qof, oo laba ka mid ahi ay ahaayen dad isa soo miidaamiyay ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmen, ka dib markii qarax ismiidaamin ah maanta lagu qaadey hoyga uu magaalada Gaalkacyo ka deggen yahay taliyihii hore ee ciidamada booliska dowladda kmg ah ee Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).
Cabdi Qaybdiid, oo warbaahinta kula hadlay hoygiisa, ka dib qaraxaasi, ayaa ku eedeeyay in weerarkaasi ay ka dambeeyaan kooxaha al-Qaacidda iyo al-Shabaab.
Cabdi Qaybdiid waxa uu sheegey in 2 qof oo isa soo miidaamiyay ay albaabka hoygiisa ka soo galeen duhurki maanta, ka dibna ay toogteen mid ka mid ah ilaaladi guriga, dabadeedna uu iska hor imaad ku dhex marey halkaas ilaalada guriga iyo labadii ruux ee guriga soo weeraray. dagaalkaas oo mid ka mid ah ay ilaaladu ku dileen ka hor inta aanu is qarxin. Qaybdiid waxa uu intaas ku darey qofka labaad ee guriga soo weeraray in ay markii dambe xabadihii ka dhammaadeen, dabadeedna uu is qarxiyay.
Khasaaraha halkaas ka dhacay ayaa uu Md. Qaybdiid ku sheegay in ay goobta ku dhinteen 2 qof oo ilaaladiisa ka mid ahaa oo uu ku jiro nin sarkaal ahaa.
Qaraxan ismiidaaminta ahaa ayaa Qaybdiid ku tilmaamay in uu ahaa mid la rabay in isaga lagu dilo. Taas oo uu sheegay in ay ku sii dhiiri gelinayso oo kelya sii wadidda dagaalka ka dhanka ah kooxha al-Qaacida iyo al-Shabaab.
Al-Shabab oo weerarrada noocan oo kale looga bartey ayaan wax war ah illaa hadda ka soo saarin isqarxintan maanta loo geystay guriga Cabdi Qaybdiid ee magaalada Gaalkacayo.
Jamaal A. Cismaan
WardheerNews
Copyright © 2012 WardheerNews.com |