|
Wefdi uu hoggaaminayo R/W xigeenka dalka Turkiga oo booqasho Muqdisho ku yimi
Muqdisho, July 17, 2012 (WDN) - Wafdi uu hoggaaminayo raysal wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Md. Bekir Buzdag, ayaa maanta booqaqsho ku yimi magaalada Muqdisho. Halkaas oo wefidgu kulamo kula yeeshay madaxda dowladda Soomaaliya.
Md. Buzdag iyo wefdigiisa waxa garoonka dayuuradaha Muqdisho ee Aaden Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ku soo dhaweeyay ra'iisal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madax kale oo ka tirsan dowladda kmg ah ee Soomaaliya.
Bekir Buzdag iyo Dr. Gaas, ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay mashruuc ku aaddan horumarinta saadaasha hawada oo laga dhisi doono garoonka Aadan Cadde. Mashruucaas ayaa waxa hirgelin doona dawladda Turkiga.
Hadal kooban oo uu raysal wasaare Gaas saxaafadda ku siiyay garoonka, ayaa waxa uu ugu baaqay dalalka kale ee doonaya inay taageeraan Soomaaliya in ay ku daydaan dalka Turkiga oo barnaamijyo wax ku ool ah ka fuliyay Soomaaliya.
Intaa ka dib waxa xubnaha wefidga loo galbiyaya xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Halkaas oo ay kula kulmeen madaxweynaha xukuumadda kmg ah Md. Sh. Shariif Sh. Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan dawladda.
Kulanka oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd, ayaa waxa markii uu dhammaaday ka dib saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Sh. Shariif iyo raysal wasaare ku xigeenka Turkiga Md. Bekir Buzdag. Waxa labada mas'uul ay sheegeen in ay ka arrinsadeen sidii loo dardar galin lahaa mashaariicda ay dalka ka waddo dawladda Turkigu. Madaxweyne Shariif, ayaa isna uga mahad celiyay dowladda Turkiga dadaalada aan kala joogsiga laheyn iyo taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaalida.
Waa markii seddexaad ee Md. Bozdag uu dalka booqasho ku yimaaddo.
Xubnaha wafdiga Turkiga, ayaa marka booqashadooda dhameystaan, ka dib la rajeynayaa inay dalkooda dib ugu noqdaan.
Jamaal Axmed Cismaan
WardheerNews, Nairobi
Copyright © 2012 WardheerNews.com |