Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Dablay Muqdisho ku dishey caawa
Jilaaga Marshaale

Muqdisho July 31, 2012 (WDN)- Ilaah naxariistii janno ha ka waraabiyee waxaa caawa magaalada Muqdisho ay kooxo hubeysani ku dileen majaajilistihii caanka ahaa Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) oo Soomaaliya guud ahaanba laga yaqiin.

Dad ku sugan degmada Waaberi oo ah halkii lagu dilay Marshaale, ayaa warbaahinta u sheegey in marxuumka xilli uu xaafaddiisa u afur doonanayay ay dhexda u galeen laba nin oo dhalin yaro ah, iyagoo islamarkaana  rasaas la dhacay.

Marxuum Marshaale ayaa la sheegayaa markii rasaastu ku dhacday in uu isku dayay  in uu isdifaaco haseyeeshee dableydii ayaa sadeex xabbadood oo kale madaxa kaga dhuftay sida ay dad goobjoogayaal ahi xaqiijiyeen.

Kooxdii weererka geysatayay ayaa la sheegayaa in ay goobta ka baxsadeen, iyadoo Marshaale Eebbe ha u naxariistee loola cararay cisbitaalka Madiina, oo la sheegay in uu ku geeriyooday markii dambe.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaase uu qeyb ka yahay weerarada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo qeybaha kale bulshada oo muddooyinkan ka dhacayay Muqdisho.

Jamaal Cismaan
WardheerNews, Nairobi

Copyright © 2012 WardheerNews.com