|
![]() |
|||||
Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan yeeshay, wakiillada Somaliland oo dood yeeshay iyo Xisbul Islaam oo shaaciyay inay ka noqdeen la midowgii al-ShabaabNayroobi, September 24, 2012 (WDN) -Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyey yeeshay tan iyo markii ay u doorteen 2 toddobaad ka hor madaxweynaha Jamhuurriyadda Soomaaliya in uu noqdo Md. Xasan Sheekh Maxamuud. Kullankan, oo uu shir guddoominaayay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, amniga dalka, howsha baarlamaanka iyo sameynta guddi hoosaadyada baarlamaanka. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa magacaabay guddi shan xubnood ka kooban. Kuwaas oo ka soo baaran degi doona sameynta guddi hoosaadyada baarlamaanka. Waxa xubnaha baarlamaanka lagu wargaliyay in ay ka taxaddaraan amnigooda, iyagoo sidoo kale ka tacsiyey geeridii ku timid xildhibaan Mustaf Maxamed C/laahi, oo maalmo ka hor Muqdisho ay kooxda Al Shabaab ku dileen. Sidoo kale baarlamaanka, ayaa maana lagu hor dhaariyay laba mudane, oo la sheegay in ay ka harsanaayeen 275-tii xildhibaan ee baarlamaanka dalka uu leeyahay. Dhinaca kale golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta dood socon doonta maalmaha inagu soo aaddan ay uga bilaabatay xaruntooda Hargeysa. Kulanmadaas ayaa looga doodayaa xeerka guddiga maamul-wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Golaha wakiiladda ayaa soo jeediyey in toddoba xubnood ay noqdaan guddigaasi, isla markaana madaxweynuhu soo magacaabo, xilkana ka qaadi karo, laakiin labadda jeerba ay ansixinteeda ay leeyihiin baarlamaanku oo ay diidi karaan, ogolaan karaana. Waxa kale oo la tilmaamay in sidii wasiir oo kale aanay u shaqayn doonin, balse ay ka madax bannaan yihiin. 1- In xisbul Islaam uu si buuxda uga laabtay midnimadii ku ekeyd warbaahinta ee Al-Shabaab uu horay ula galay. 2-In xisbul Islaam horeba uusan Shabaab ula midoobin siyaasad ahaan iyo manhajka shareecada Islaamkaba. 3- In xisbul Islaam uu hadda diyaar u yahay in wada hadal lagu xalinayo mushkilada Soomaaliya uu galo. 4- In xisbigu uu Aaminsan yahay Muqdasnimada Midnimada Soomaaliya. 5- In xisbigu uusann ka laaban doonin dalka in lagu dhaqo Shareecada Islaamka. 6- In xisbigu uu aaminsan yahay in qalad ay ku joogaan dalka Soomaaliya ciidamadda AMISOM. Copyright © 2012 WardheerNews.com |