|
![]() |
|||||
London, UK, Oktober 13, 2009 (WDN) - Kulan suugaaneed si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maalintii sabtida ee taariikhdu ku beegnayd 10/10/09, lagu qabtay xaafadda Wembley ee galbeedka magaaladan London. Kulankan oo loogu magac daray Hal Abuurka Hirgalay ayaa ahaa mid noociisa oo kale aan hore loo qaban. Waxa uu ahaa kulan suugaaneed ay ka soo qayb galeen dad weyne tiradoodu kor u dhaaftay illaa 200 qof. Kuwaas oo aad u xiiseeyay barnaamijyadii suugaanta ahaa ee goobta lagu soo bandhigay.
Waxa kale oo barnaamijka ujeedadiisa waqtiga dheeri ay tahay in la kobciyo lana dhiiri geliyo suugaanta da' yarta Soomaaliyeed ee qurbaha ku kortay. Kuwaas oo mustaqblka noqon kara kuwo ka tarjuma dhaqanka, asalka, iyo degaanka ay ka soo jeedaan ee taariikhdu ku tilmaantay dhulkii gabayaaga "The land of Poets". Waxa barnmaajikan sida madasha laga xusay saldhig u ah, abuurista hirgalinta iyo dhiirgelinta Hal Abuurka berrito. Cabdiraxmaan Ibraahim Abees waxa uu goobta ku soo bandhigay maansooyin la yaab leh oo aad iyo aad ay tayadoodu u sarraysay. Kuwaas oo ka hadlayay mawduucyo ay ka mid yihiin qiimaha Afku quruumaha ugu fadhiyo, nabadgelyada, jacaylka iyo nolosha qaybaheeda kale, gaar ahaan hawaale warranka iyo hogatuska guud.
C/raxmaan waxa loo aqoonsaday habeenkaas hal abuur rajo wayni ka soo ifayso oo haya jid wanaagsan oo da'diisa iyo awoodda hal abuurkiisu kala weyn yihiin. Nin da' yar iyo suugaan meel dheer dhawaqeedu ku dhacayo oo leh farshaxan dhinaca afka, hummaagaynta iyo dhacdo ahaanba. Kulanka oo uu daadihinayay Maxamed Baashe X.Xasan ayna guddoonka fadhiyeen aqoonyahannada iyo abwaanada kala ahaa Dr Martin Orwin, Siciid Jaamac Xuseen, Maxamed Xasan Alto, Cali Axmed Raabbi (Seenyo), ayaa ahaaa mid dadkii ka soo qayb galay ay si aad ah ugu riyaaqeen. Suugaanyahanka kale ee madasha wacdaraha ka muujiayay waxaa ka mid ahaa Caasha Luul Maxamuud oo soo bandhigtay maanso dadkii goobta joogey aad u qiiro gelisay. Taas oo ka hadlaysey xaqa iyo xaquuqda suxufiga, qiimaha hal-abuurka iyo abwaanku bulshada dhexdeeda ku leeyihiin iyo xaqdhawrka ay dadka ka mudan yihiin.
Faysal Aw Cabdi Cambalaash ayaa isna maanso hambalyo ah Cabdiraxmaan Ibraahim Abees madasha ku guddoonsiiyey. Ururka Dhallinyarada Somaliland ee London Koonfurteeda, ayaa iyana Cabdiraxmaan u hibeeyey abaal-marin. Xafladdan oo ay iska kaashadeen hirgelinteeda shirkadda Dahabshiil Transfer Services Ltd iyo London Somali Youth Forum, ayaa ahayd mid aad u xiisa badnayd, iyadoo dadkii ka soo qayb galay ay codsadeen in la joogteeyo. Waxaa la isla gartay in saddexdii biloodba mar la qabto barnaamijkan loogu magacdaray Hal Abuurka Hirgalay.
Caasha Luul Maxamuud ayaa loo doortay in lagu faaqido hal abuurkeeda xafladda labaad ee la filayo in la qabto sannadka dambe bishiisa koowaad. Bandhig suugaaneedkan ayaa guud ahaan u dhacay si heer sare ah oo dadweynihii barnaamijka ka soo qayb galay aad u raalli gelisay. WardheerNews, London
|