Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar

By Ahmed I. Yusuf


By Farah Abdulsamed

Wuu I furay !!
(Sheeko Gaaban)
Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud
(Axmed Deeq)

December 10, 2011

Keli socoshadu haddii ay dadka dhibto, in dhawaydba anigu waan dheefsadaa, oo waxa igu da'a roob aan madaxa iyo maryaha qoyn, ee maanka iyo maskaxdaba dooja. Roobkaasi inta uu i hayo waxaan halis u ahay inaan hogag iyo haadaamo ku dhaco aniga oo aan iska war-qabin. Inta badan waxaan ku war helaa biib biibta gaadhi sanka iila saaran, ama ruux i garanaya oo i horjoogsada.

Haddaba shalay ayuun bay ahayd markii aannu iska soo hor baxnay haweenay tabaalaha waqtigu tagoogaha ka jabiyeen. Gu’geedu inkasta oo uu soddonka wax yar ka gudbay haddana gabaw bayla gabax tidhi. Tallaabada sida ay midba meel ugu witiq siinayso waxaad mooddaa todobaatan jir carruur la’aan iyo caydhnimo isugu darsameen. Indhuhu way gudheenoo waxaad mooddaa ceel gofnoobay oo guyaal ka hor laga haajiray. Dhabanadu way xaalufeen oo waxa ka soo hadhay laba kood oo soo taagtaagan, halka aydabnuhuna qalayl daraadeed la qar-qarxeen. Waxay jiidanaysaa laba carruur ah oo aan muuq dhaamin, halka ay laba kale oo rif-rifanina daba ordayaan. War isuma hayso oo waxay rabto ayay ku hadaaqaysayaa iyada oo hiin-faadhaysa.

Wuu I furay

Caad igama saarna caloolyawga ay qabto, cindigayguse wuxuu soo saari la'ayahay cidda ay tahay. Waxaan ka warwareegayaa inaan idhaa isku kay sheeg. Inta aan dhab u fiiriyay oo aan maskaxda qaybta xusuusta qaabilsan aad u tuujiyay, ayaa waxa ii soo baxay sawir haydhhaydh ku jiro oo si walba uga duwan keegan maanta. Haddana yeelkeeda’e waxaan ku idhi : Ma Hindaa? Inta ay sidii wax yar naxay ii soo eegtay bay igu tidhi: Haa, miyaad i garan la'adahay Axmed? Aniga oo madax dhul ka ceshi ah ayaan ku idhi: "Kuma garan li’i ee maxaa kugudhacay?" Wuu I furay, wuu I furay, wuu I furay!! Ayay si murugo iyo maroora dilaac leh ii tidhi.

Goormuu ku furay iyo muxuu kuu furay midna aniga oo aan odhan ayaan ka dhaqaaqay oo aan dhabbada qaadey. Xataa inaan ka dhaqaaqay war isuma hayn ee sidii aan u sii xiimayay waxaan is arkay aniga oo dalaq idhi bakhaarkii oday ku sheegeedu lahaa. Intii aan dhexda ku sii jiray waxaan go’aan ku gaadhay in midkaayo maanta lafaha laga guro. Nasiib daro iyo nasiib wanaag mid ay ahaydba meesha uguma tegin isagii. Ku yar oo u shaqaynayay ayaan ku idhi aniga oo xayraansan: "Mee kii Cismaan?" Ma Sheekh Cismaan? Ayuu si hal haleela ii waydiiyay. "Sheekhna ma'aha ee shaydaanka gadhka dheeri halkee buu ka baxay?" Ayaan si kacsan ugu jawaabay. Subxaana-laah, qadafku ma fiicnee, wuu soo noqonayaa ayuu si dejin iyo duridi ku jirto ii yidhi. Waayahay adeer intaan ku idhi, ayaan meel bannaanayd salka la helay oo aan xiiq gooyay. Kii yaraana shaah uu hore u cabayay ayuu halkeer firi-riqda kaga saaray. Cabaar intaan xaraarada xajistay ayaan markii danbe is hayn waayay oo aan kii yaraa ku halgaadey: Waar garashada Ilaahay kaa qaadye shaah noogu yeedh. Inta uu naxay ayuu maqaaxi hortooda ahayd iiga dalbay, iigana soo qaaday.Waad mahadsan tahay adeer inta aan ku idhi ayaan dhabanada qabsaday oo uu dhididku I hooray.

Anniga oo gagab gooyay ayuu Sh. Cismaan soo galay. Ladnaan baa dushiisa ka muuqata, labeenina wajigiisa ayay ku dahaadhan tahay. Rays buu cagaha kula jiraa, roob lacagina waa ku da’ayaa. Xaydh buu sidii dibida yeeshay, xalusna sidii dumarka. Qosol aan dabnaha dhaafsiisnayn haddii uu igu bariidiyay, kama qaadinee waxaan si adag ugu idhi: maxaad sidaa u samaysay? Inta uu I fahmay ayuu bannaanka iila baxay. Markaasuu si jees jees ah ii yidhi: Way kibirtay oo waan iska furay. Intaan madoobaaday ayaan haddana cadaaday; intaan qiirooday ayaan haddana qaracmay; intaan xayraamay ayaan haddana xanaaqay. Hase yeeshee anniga oo aan eray u celin, warna isu hayn ayaan hortiisii ka huleelay. Haddii ay xaaskiisii hore ku hadaaqaysay wuu I furay,wuu I furay, waxaan is arkay aniga oo ku hadaaqaya: Waqtigu nacasaysanaa; waqtigu nacasaysanaa.. Waqtigu nacasaysanaa.

Keli

Aniga oo baydkaa ku tasbiixsanaya ayaan bannaan iska fadhiistay. Cajaladda xusuusta ayaan dalaq rikoodhka siiyay. Dib baan u celiyay oo waxay socotaba dhalinyarnimo markii ay gaadhay ayaan istaajiyay. Aniga oo aan iska war hayn ayaan Aaah… Aaah ku waashay. Waxaannu ahayn dhalinyar dhib iyo dheefba wada qaybsada. Waannu wada ciyaari jirnay, waananu wada cawayn jirnay. Waannu wada haasaawi jirnay, waananu kala haasaawi jirnay. Hindi waxay ka mid ahaan jirtay hablaha bilic iyo bilig lagu majeerto ee xaadafaddayada. Asluub badnaanteeda iyo edeb samaanteeda waxaad moodaysay culimadii hore ee Soomaaliyeed, dhawrsanaanteeda iyo dhibir-sanaanteedana waxaaad ekayd dhal awliyaad. Qof dulqaad badan bay ahayd oo haddii gacanta afka laga galiyo aan ku qaniinayn. Kalsooni buuxda ayay ka haysatay bulshadii ay la noolayd, haba ugu sii badnaadeen reerkooduye. Inkasta oo ay nala ayni ahayd, haddana annaga waxay noo ahayd walaal iyo wehel rumaad. Hablaha ayay na bari jirtay, mararna nooba haasaawin jirtay, oo hadda xaaskanaanu wada joogno is jamashadayadii iyo is jeclaanshahayagiiba iyada ayaa doorwayn ka qaadatay qaadirku ha ka abaal mariyee.

Imisa nin oo sidii ay hanashadeeda u heli lahaayeen habeenno u dhafray ayaan garanayaa! Bashiir miyaanu ku hadaaqi jirin marka ay maqan tahay, marka ay timaadna miyaanu hiban jirin? Cabdi Faynuus miyaanu caashaqeeda cuntada beryo uga go’in? Faysal Faqash miyaanu ka fikirkeeda maalmo la foorarin? Miyaanaan kor iyo hoosba u odhan jirin walee tan ninka helaa nasiib badanaa.

Calafku waa caleemo daad wado e dhabcaalka aan kor ku soo sheegnay ee lahaa: "Way kibirtay" ayay reerkooda ula timid. Aqoon guud oo aan u lahaa ayaan hadlayaaye, wuxuu ahaa nin danyara oo dadkiisa isaga dhex jira. Han iyo hirasho toona ma lahayn. Haddii uu fikiro waxa uu ka werweri jiray wax uu cuno iyo wax uu cabbo, dhoohniduna dhafoorkiisa ayay ka muuqatay.

Dadka intii taqaannay barigaa way yaabeen. Ninba dhan buu arrinta u fasirtay. Koox aan ku jiray waxaannu ka gayn waynay: "Waa miskiin, Hindina dadka tabaalaysan way iska jeclayd." Wuxuu doonaba ha ahaadee, mashaqadii ugu darnayd waxay ka timid Hinda reerkoodii oo si walba u diiday ninka. Waxayna kala doorran-siiyeen in ay iyaga u go’do ama ay Sh. Cisman Gadh Dheere raacdo (Bariga gadhka wuu xiiri jiraye). Talo ayaa ku caddaatay oo dhulka ayaa cidhiidhi ku noqday. Asxaabtii ay soo ciirsatay ayaan ka mid ahaaye, waxaannu isku taxalujinnay in aannu reerkooda ku qancino in ay inanta dookheeda u tixgaliyaan. Arrinkaas waannu ku hungawnay oo way nagu gacan saydheen. Waxaannu samaynno ayaannu garan waynay, markaannu aragnay Hinda oo talo ku ciirsan tahay iyo Cismaan oo halkeer dacayda laa-laadinaya. Mar baannu is nidhi Hinda ma ku tidhaahdaan reerkiina maqal oo ninkan isaga hadh, haddana waxaannu xasuusanay maahmaahdii ahayd “Walaashaa ma hubtide seedigaa ha colaysan.” Waxay ku soo ururtay in aannu ku nidhaa: "Hinda arrinta go’aan ka gaadhideeda adiga ayaa iska leh." Sidaas baannu faryaro bidix kaga baxnay. Haddii ay arrintii cabbaar rogrogtay waxay is tustay in ninkan reerkoodu ku diidan yahay xoolo la’aan oo kaliya. Waxay is tidhi: Haddii aad la dedaasho oo uu xoolo yeesho reerkiinnu wuu iska ogolaan. Sidii baanay talo ku daysatay oo isaga raacday.

Aroos

Maalmo dhawra ka dib, ayaannu maqalnay arrinkaa. Af kala qaad ha nagu ahaato, haddana arooskeedii kama aannu baaqan ee waannu tagnay oo si wanaagsan baannu uga soo tunnay. Run ahaantii markii aan habeenkaa wajigeeda si fiican u dhugtay way faraxsanayd, wayna murugaysnayd; way deganayd, wayna didsanayd; way joogtay, wayna maqnayd. Isna halkeer buu ciridka faydayay caashana taagayay cuqubo ku dhacdaygu (Waa annagaa sidii dumarka u habaartanaye).

Arooskoodii ka dib, inta ay dhexda marada ku xidhatay ayay ku dhiiri galisay in uu dhididkiisa dheefsado, oo uu shaqo adag bilaabo .Hoodalay bay ahayde, markiiba shaqo ku filan ayuu helay. Waxay si dad-ban u dareensiisay waxa lagu diidayaa in ay xoolo yaraan tahay. Waxay ku dhalisay qorshe mustaqbaleedyo badan oo ay ka mid tahay sidii ay guri lahaansho ah u dhisan lahaayeen, taasina ay ku iman karto dedaal dheeri ah oo uu sameeyo iyo xakame bir ah oo ay naftooda ku qabtaan. Waxa kale oo ay xil dheeri ah iska saartay hagaajinta qaab dhismeedkiisii xumaa. Jidhkiisii wada kurtinka ahaa ee ku xaganayay ayay daleed iyo wax xalay la dhalay ka dhigtay. Surwaalkii dhuubnaa iyo shaadhkii balaadhnaa ee uu isku xidhan jiray ayay ka dhigtay, oo dharku sida uu isu leeyahay ayay isugu dul dhigtay. Ilaah baa na dilayee dhawr bilood ka dib arooskoodii, waxaannu aragnay ninkii oo aan Cismaanba ahayn. Oo inta uu hagaaskii ka ba’ay hilaacay; inta ay qoloftii ka dhacday quruxaystay; inta ay tuura-tuurihii ka ba’een toosay. Waxaannu mar kaliya wada nidhi: Waar illayn wuxu qof dumar ah oo dhaqaalaysa uun buu u baahnaa.

Waa la isku wada baahan yahaye, Hindi waxay halgan adag u gashay sidii ay duruufaha nololeed ee ku xeeran uga gudbi lahaayeen. Waxay dhitaysay biil maalmeedkii nolosheeda, iyada oo iska ilowday waxa inta badan dumarku wajigooda ku dhamuuqaan, lacagahana ku kharash gareeyaan. Xataa haddii ay xanuun qabto way qarsan jirtay oo qofkii il dheer ayuun baa foolkeeda ka dareemi jiray. Cismaan Gadh dheerana inta uu halkaa soo fadhiisto ayuu marka uu ugu roon yahay odhan jiray: "Maanta waad yar caajisantahay Hinda." Mayanee, waan yar daalanahay inta ay tidhaa ayay kici jirtay oo ay cunto iyo cabid u keeni jirtay. Aah, Haddii uu soo dhinac fadhiisto oo uu xanuunka la qaybsado ma ciil bay qabi lahayd.

Shan sano oo ay afar carruur ah ugu dhashay haddii ay nolosha caynkaa ah ku jireen, mar kaliya ayaa albaabadii risiqu isu wada ballaqeen. Odaygeedii wuxuu ku hilaaciyay bakhaar laba af leh oo bagaashka lagu soo rogo, laguna gado. Lacag sun-sumaysa ayaa sanka uga soo gashay. Adduun la iskuma haleeyee, sannadkii ku xigayba ilmahoodii shanaad wuxuu ugu dhashay guri ay leeyihiin oo ay dhisteen.

Dhixirkii ay Hindi dhexda ku xidhatay maalintii ay aqal galeen, waxay dhigtay maalintii ay gurigooda ku hoydeen. Muraayadda markii ay isku eegtay waxay is aragtay dakharadii waayuhu ku dhufteen oo wajigeeda wax aad qaarado mooddo ku sameeyay. Waxa kale oo ay aragtay timaheedii kala rognaan jiray oo rifrifmay iyo dhabankeedii dhaylada ahaa oo qolofi fuushay. Inta ay muuqaalkaa ka murugootay ayay haddana aragtay carruurteedii oo ku ag ciyaaraysa, markaasay daraadood dhib kasta ku ilowday, oo ay la faraxday, la muraaqootay, lana ilmaysay. Waxay cindiga ka jeclaysatay odaygeeda oo galabtaa la joogi lahaa, lana wadaagi lahaa jawigaa barakada iyo barkhadda leh.

Gadh Dheere

Bilo haddii ay ku jireen nimcadaa aan lagu waarayn, Hindi waxay dareentay doogo iyo dakharo waayihii adkaa ee soo maray kaga tageen oo ku soo kacdoomaya. Maantana inay qarsato waxay ka doorbidday in ay is dawayso, maadaama uu waqtigu u saamaxayo. Sidaas bayna ku dhaqaaqday oo ay dawooyin ugu bilaabmeen. War la isuma hayee, intii ay Hindi ku foognayd is dawaynteeda, Cismaan Gah Dheer wuxuu isna ku gaaf wareegayay hablaha cusub ee hadda soo kacay isaga oo asxaabtiisa ku qancinaya in xaasku muddaba ka xanuunsanayd, oo uu iska sabrayay. Maalmahaa wuxuu la soo baxay dabeecado yaab leh oo aanu lahaan jirin. Waxa arrimahaas ka mid ahaa cadho badnaan, canaan aad ah iyo saluug badan oo uu ka muujinayay wax kasta oo loo keeno. Waxa uu uga dan lahaa xaalad abuurnimo, s iuu hadhaw ugu qiil helo guurka labaad ee uu cindiga ku hayo. Hadalkiisu ma badnayn guriga marka uu yimaad, indhihiisuna waxay ku mashquulsanaan jireen raadinta wax baylahsan oo meel yaal, halka dhegahiisuna u dheg taagi jireen maqalka jabaq yar oo aan macno buuran lahayn. Islaantiisa waxa ku dhacay u qaadan waa iyo amakaag, waxaanay is tidhi: Malaha waayihii adkaa ee idin soo maray baa raadadkan kaga tegay, oo wuxuu u baahan yahay dhakhtar iyo dawooyin. Arrintaa markii ay la soo qaaday inta uu dar Ilaahay isaga xanaajiyay ayuu ku yidhi: Bidco iyo adiga la idinma kala ag waayo waligiin. Wuxuu gaal sameeyay baad afar iyo labaatanka saacadood la soo taagan tahay, ee waxa ka bax oo carruurtu maxay salaaddii subax masaajidka u tegi waayeen? Inta ay naxday ayayku tidhi: Way yar yar yihiin, waana jiilaal oo guriga ayay ku tukadaan. Inta uu hanqalka la soo kacay, Kitaab agtiisa yaalayna soo qaaday ayuu ku yidhi: Adigu Qu'raankii Madarasadda maxaad u joojisay?. Markasay iyada oo afka haysata tidhi: Ma dayn ee waanigii xanuunsanayay, haddana waan bilaabi doonaa. Insha Alla dheh inta uu yidhi, ayuu kitaabkii halkiisii isaga celiyay markii ay baxday. Nin dar Ilaahay u seexday ayuuna iska dhigay. Daartu ku duntaygu (waannagaa haddana mar kale sidii dumarka u habaartannee).

Godadle

Dhawr bilood ka dib, ayuun bay markii aannu maqalnay wuu guursaday, af kala qaad aan ka yarayn kii guurkiisii hore nagu dhacay. Hinda waxaan uga baqnay wareer iyo waalli, isna cuqubo iyo cidhib xumaan, ubadkoodiina baylah iyo basan-baas. Waxaan aad u jeclaystay la kulankiisa, bal si aan dareenkiisa arrintan ku aaddan wax uga ogaado. Maalmo ka dib, haddii aannu is aragnay waxaan ku idhi: Maxaa kugu kalifay inaad xaaskaagii waqtiga adag kula soo martay la guursato? Waxaan eegayay inuu yidhaa: qof xun bay noqotay, wuxuuse yidhi: Waan awoodaa inaan laba xaas wada qabo adduun ahaan. Midda kale Hindi waa iska yara xan- xanuunsanaysaa. Waxaan si qiiro leh ugu idhi: Hindi miyaanay kugu raacin xoolo yaraan, miyaanay reerkoodii kaaga soo gu’in, maxaad abaalkeedii ka dhigtay? Wuxuu si ay mannasheegasho ka muuqato iigu yidhi: Abaalkeedii guri wayn iyo biil ku filan ayaan ka dhigay. Markaan arkay isaga oo isla qumman, ayaan nabad galyeeyay, inta aan madaxa ruxay, shantana dhabanada saaray, ayaan ka huleelay meeshii.

Toddobaad ka dib, waxaanu si ku talogal la’aana u kulannay Hinda oo Dukaan ka soo baxday, aragtideeda waan ku farxayoo waxay i xasuusisay beri-samaad, haddana waan ka naxay xaaladda adag ee foolkeeda ka muuqatay. Is nabdaadin ka dib, aniga oo aan waxba waydiin ayay igu bilowday: “Axmadaw abaal raaga rag ma leh." Wixii aan ehel iyo asxaaba uga go’ay; wixii u jidhkaygu u qayirmay, jamaalkayguna u qallalay, wixii aan habeenno u seexan waayay, maalmana u silcay, wixii aan naf hurka u sameeyay ee Eebbe igu ogaa, waxa abaal la iiga dhigay minyaro iyo manna sheegasho. Waxaa weliba la ii sii raaciyay canaan iyo cag juglayn. Haddii aan la iba furina waxaan taaganahay Alxamdu Lilaah. Waxaanse ku leeyahay walaalkay baad tahaye: Xaaskaaga dulmiga iyo deel-qaafka waligaa ka ilaali, debeca iyo dulqaadkana la ogow. Aaaaah, Erayadan calaacalka iyo caqli badnaanta isugu jiraa waxay igu rideen miyir door-soon, waxaanay iga keeneen illin. Iyadana neefsi bay u noqdeen oo way yar nafistay sida foolkeeda iiga muuqatay. Hadalba inta aan cabbaar la aamusnaa ayaan mar danbe ku idhi: Walaal sabir oo dul-qaado. Haye, ee nabadeey reerkiina igu salaan, bay i tidhi.

Maalintaa iyo shalay markii aannu kulanay ee aan garan la’aa waxa u dhexaysay wax sannad ka yar. Hinda abaalkeedu ma wuxuu ahaa in Taj Maxaal loo dhiso, mise in minyaro lala guursado? Xanuunada duruufuhu ku keeneen ma in loogu dulqaato ayay ahayd mise in lagu deedafeeyo? Ma in la furaa bay istaahishay mise in lagu faano? Naf hurka ay samaysay ma in lagu nacaa bay ahayd mise inl agu majeerto? Adduunka ay beeridiisa lahayd ma in loogu manna sheegtaa bay ahayd mise in lagu maamuuso? Diinta Ilaahay ma wuxuu u soo dejiyay in Hinda lagu addoonsado mise in lagu darajeeyo?

Annaaniyad ka wayni miyay jirtaa in ninku naagtiisa oo bukta inta uu ka tago mid kale oo caafimaad qabta garabkeeda seexdo? Bal adba !!

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
E-Mail: awliyo177@hotmail.com

Qaar ka mid ah sheekooyinka kale ee degelkan lagu soo daabacay

* Yaa Dhalay… Muxuu ku dhintay? Wq. Cabdulqaadir Diiriye
* Guur-doon adduun waayay Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud
* Gubtaanyo Wq. Xasan C. Madar
* Nin la doortay Wq Khaalid Jaamac Qodax
* Xaq Uma Laha!! Wq. Riiraash

________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright 2011 WardheerNews.com