Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar

By Ahmed I. Yusuf


By Farah Abdulsamed

Fadhigii Dhagaxa iyo Faallo
Adduun
(Sheeko Gaaban)
Wq. Maxamed maxamud maxamed
Cashare
Jan 05, 2011

Mahad waxa uu fadhiyey gidaar. Kaas oo uu doorbiday in uu kaga gabbado cadceedda galabnimo oo ahayd mid aad u kulul. Gidaarkaasi waxa uu u yahay mid ay Mahad iyo Saaxiibadii ay fadhiistaan xili walba.

Mahad waxa uu ku lahaa meel u calaamadsan oo uu ku caan baxay in uu fadhiisto. Waxa u miciin tiirsi bidi jirey dhagax weyn oo u ahaa isaga barkimo jilicsan oo xusuladdiisu ku raaxaystaan. Waxa uu xidhnaa Mahad maalintaa dharkii uu ku soo shaqeeyey gelinkii hore oo ahaa mid uu aad ugu soo dhididey. Surwaalka uu xidhnaa labadiisa lugood mid ayaa kor u laabnayd. Taasi oo dibedda soo dhigtay mijihiisa dhuudhuubnaa. Dhafooradiisu waxay ahaayeen kuwo godan, da´la sheegaana ma hayn ee darxumaase ka muuqatey naftiisa, haddana mid lagaga naxo ma ahayn oo qaykii ayuu la qabey oo xaalkiisuba wuxuu ahaa "Wixii qayrkaa kula qabo qosolkaa ku dhan."

Waayihiisu waxay ku koobnaayeen ama fekerkiisa u weyni ahaa nolol maalmeedkiisa oo uu ka heli jirey xammaal uu maalinna helo maalinna waayo. Waxa aanu marna gafi jirin midda uu aadka u jecel yahay ee haddii waxa uu helo maalintaasi ugu qaybsami waayo haafka bariisa iyo iyada wuxuu u huri jirey wuxuu hayoba mijinta maankiisa iyo miyirkiisaba qaadday. Marka la weydiiyo, wuxuu faaíido ka helo majintan, waxaa caado u ah in uu dhoolla caddeeyo isaga oo muujinaya ilko qurux u dhashay, balse qaadku qayiray midabkoodii wacnaa, jawaabtiisuna waxay noqotaa: "qoraxda waan kaga gabbadaa, aniga iyo asxaabtaydana sheekadaa noogu baxda. Marka aan cuno waxaan ka helaa feker fiican oo mustaqbal wacan ii sawira inta ay daroogadiisu dhiigga ku jirto. Markaa kolba haddii aanaan gaadheyn nolol wacan oo aan wacyiga jira kaga baxno xaq waxaan u leennahay ayaan fili in aannu istiimka daroogada qaadka isku illowsiino runta, kuna noolaanno khayaaliga uu noo sawiro." Waxa uu tagay in uu sheego xaqiiqada dhabta ee ah marka majintaasu dhiigga ka boxdo ta u xigta ee ah qaadiro arooryaad iyo qoomamo horle. Taas oo dawada qudha ee ay leedahay ay tahay majinta oo gelinka horeba la soo xasiliyo siday doontaba ha kugu soo gashee, sidaasna ay maaliniba maalin ugu dhiibto.

Dharaar ka mid ahayd maalmihii Mahad oo ahayd maalin ciid ah, dadkuna dhammaan wada faraxsan yahay; isaguna aroortaa barakaysan halkuu majin ka cuni jirey labo isa saartay, una xusayay maalintan qiimaha leh gaarkiisa ayuu wuxuu goor casar ah soo fadhiistay gidaarkii ay ku caan baxeen isaga iyo saaxiibadii, nasiibdarose wuxuu ahaa keligii saaxiibadiina waxay u dal doorsadeen meelo kale iyagoo weyneynayey maalinta ciidda ah. Waxaan iyana meesha ka dheerayn oo gidaarka ka soo hor jeeda fadhiisata Hibo oo ah hooyo lagu furay saddex carruur ah, iyada oo ka deberta nolol maalmeedka caruurteeda kabadh yar oo ay saaran yihiin xanjo, cidiya gur, Kibriid (taraq) iyo baakidho sigaar ah oo ay deyn ku soo qaadato. Macaamiilsheeda koowaad waa Mahad iyo saaxiibadii, noloshaa adagna dan wadaag bay ku noqdeen. Deynta way siisaa, iyana kalama soo daahaan. Qaderin bay ka mudan yihiin mar walba oo ay xusuusato mar cunugteeda 3 jirka ahi ka xanuunsatay oo ay dhakhtar la gashay sidii hagar laáanta ahayd ee ay isu garab taageen markii loo qabsaday lacagtii daaweynta gabadheeda. Wax kale may heleyn, balse waxay si hagar laáan ah ugu hureen yoomiyaha ay xamaalka ka soo heleen iyagoo xitaa ku ballamay in aanay ka cunin cunno qaad haba joogee una huraan waxay helaan Hibo.

Galabtaa ciidda ahayd aadkana loo wada faraxsanaa Mahad wuxuu fadhiyey gidaarkii uu kelida ku ahaa isagoo qaadkiisuna u fidsan yahay. Wuxuu ku foognaa oo maskaxdiisa ka falanqaynayay waayaha adduun iyo wacyiga jira ee nololeed. Inkasta oo uu faraxsanaa, haddana waxaa u muuqdey goldaloolo badan oo aanu garaneyn doc uu uga gudbo. Nolosha isaga iyo saaxiibadii iyo dhammaan inta badan dhallinta iyo dhaaxaajirka Soomaaliyeed haysata maankiisu wuxuu u qiray in ay wax qaldan yihiin, hadana dhan kasta oo uu xal ka eego waxaa isku soo xidhayey gidaarro waayeyn oo aanu ka geyoon karin. Wuxuu is wediinayey suáalo dhowr ah oo maankiisa ka guuxayey:

Nolosha ma intan uun baa uga qoran daýarta Soomaaliyeed? Xaq uma laha miyaa in ay raadsadaan xuquuqda ka maqan, yayse kaga maqan tahay oo dulmiga iyo dullinimadan baday?
Yaa ku faaíida dhibaatada Soomaali guud ahaan haysata, yaase ku dulman? Goormay cudud isku duuban oo aayaha dalkooda ka talisa noqonayaan, goormaase la isticmaali maskax iyo maan furan oo lagu gaadho horumar iyo barwaaqo caam ah oo cadaalad ku dhisan?


Mahad isaga oo hammigiisu ku fogaadey falanqayntaa ayuu ku war helay bacdii qaadku ugu jirey oo orgi intuu soo weeraray dacalka ku dhegay. Nasiib wanaagse Mahad wuxuu ku guuleystey ugu danbayntii inuu isagu u adkaado bacdii qaadku ku jirey ka dib markay aad isula rafteen orgigii weerarka ahaa. Intuu niyadda aad uga qoslay, ayuu yiri: "waxaan loo howshoon halaq lagama rito, kol ay orgi ku tahay." haddaan eegan lahaa sow lama tageen orgigu majintaan daalka ku soo helay?

Mahad wuxuu ogaa inaanu weli wax sigaar ah soo gadan xabbadihii uu haysteyna fekerkaa u macaaniyeey oo mar horay ku siibteen. Wuxuu u kacay dhankii kabadhka Hibo ka xigey. Inkasta oo ay ciid ahayd haddana duruuftu uma ay saamaxayn Hibo iyo carruurteedu in ay nastaan oo farxadda ciidda dadka kala qayb qaataan, balse iyada waxay farxaddeedu ahayd dhowr baakidh oo sigaar ah iyo xabado nacnac ah oo ay ka iibsadaan carruurta ciidaysaa oo ay ku maarayso nolosha ubadkeeda maalmaha soo socda.

Mahad markii uu uu soo gaadhay kabadhkii wuxuu kula kulmay Najma oo ahayd inanta u weyn carruurta Hibo, cimrigeedu wuxuu ahaa sagaal, ciyaartii carruurnimo iyo maanta oo ciid ahna waxaa Najma farxaddii ka xaday duruurfta adduun iyo danta haysata.

Mahad wuxuu ku yiri Najma: "Abti ii waran. Ciid wanaagsan?"
Waxay ugu jawaab celisey Najmi: "Abti wacan oo wanaagsan."
Abti maxaad akhriyaysaa ayuu weydiiyey Najma intuu buug yar oo ay haysatey ka qaaday oo eegay.
"Abti waa casharradii iskuulka oo inta hooyo maqan tahay ayaan meeshanna sii iibinayaa casharradana ku sii akhrisanayaa."

Mahad aad ayuu niyadda uga murugoodey isaga oo ka xumaaday ayaan darrada haysata Najma iyo dhammaan ubadka Soomaaliyeed. Wuxuu xusuustay halaaggii Soomaaliya maantuu bilowday ee uu dhiganaayey fasalka shanaad fekerkiisuna ahaa inuu noqdo "Baylood ama Duuliye". Dhibtii dhacday xilligaa ee mustaqbalkiisa iyo fekerkiisiiba ku baaba'ay wuxuu ogyahay in kumanyaal Soomaaliya oo la mid ahi la qabaan mid walbina sidiisa gaarka ah u dareemayo.

"Najmaay abti waad dadaalaysaaye Eebbe ha ku ilaaliyo, dhibtii annaga xaqayagii naga xoortayna ha inaga saaro, weli way inna haysataaye, Ilaahay dowlad khayr qabta oo baahiyaheena wada daboosha ha inoo dhaliyo." ayuu Mahad Najma ku guubaabiyay.

Najma ma wada fahmin Mahad wuxuu uga jeedo hadaladiisa, waxayse ka fahantey inuu u duceeyey. Waayo, ma oga Najmi wax hore u dhacay, adduunkana waxay u haysataa inuu u shaqeeyo una shaqayn jirey una shaqayn doono sida iyada maskaxdeeda ugu sawiran ee ay ku kortay, mana oga oo ma keeni karto sida Mahad wax u ogayahay.

"Abti Najmaay hoo lacagtani waa xaqal ciidkiinii adiga iyo walaalo Nawaal iyo Nuura, baakidh sigaar ahna isii."

Abti aad ayaad u mahadsantahay ayay Najmi ugu war celisey Mahad.
Mahad markii uu qaatay sigaarkiisii ayay Najmi ku tiri:
Abti xisaabtan ma ii sheegi kartaa si´aan uga shaqeeyo?
Mahad intuu fadhiistay ayuu Najma ka caawiyey xisaabtii. Markuu fahansiiyey ayuu weydiiyey waxay Najma rabto inay barato mustaqbalka.
Abti waxaan rabaa in aan barto caarimaadka oo dadka caawiyo ayay Najma ugu jawaabtey.
Oo maxaad abti u jeclaatay caafimaadka? ayuu haddana weydiiyey mahad Najma.
"Abti waxaan ku jeclaaday, markaan arkay walaashay Nuura oo aad u xanuunsata hooyona dhakhtarka geyso oo lacag badan la weydiiyo oo ay haddana oydo hooyo habeen walba oo ay xanuunsato Nuuri." "Sidaa ayaan ku jeclaaday inaan barto caafimaadka si aan walaashay iyo wixii la mid ahba u daaweeyo."
Mahad fadhigii buu ka kacay isaga oo codkiisa xabeebi xidhay ayuu intuu Najma madaxa u salaaxay ku yiri: "Abti Eebbe ha kugu guuleeyo jeedadaada wax fiican baad doorataye."

Mahad waxa uu dib ugu laabtay gidaarkuu ku qayilayey isaga oo xusulka saartay dhagaxii illaa maalintii uu balwadda qaadka bilaabay u ahaa barkimo uu ku tiirsado. Sidiisaba dhagaxaa la'atii si fiican uma murqaamo. Hadduu ka dheeraado oo meel kale ku qayilo waxa uu dareemi jirey in wax ka maqan yihiin oo deganaan uma fadhiyi kari jirin, balse galabta dhagixii Mahad wuxuu ku noqday mid aanu ugu raaxaysan suu u ahaan jirey. Tuuro waaweyn ayuu ku yeeshay kuurkuursigiisaa batay, xusulkiina waaba qaban la' yahay oo wuu xanuujinayaa:
Kor intuu uga kacay dhagixii oo eegay ayuu ku yiri isaga oo la hadlaya:

Dhagax yahow dhib baad igu qabtaa tan iyo dhalashadaydiiye
Dhacadiid ayaan kugu diliyo dhego adkaantay e
Aniguna dhankaygaan u tebi dhiiladaan qabo e
Dharaartii timaadaba adduun waa war soo dhiciye


Dhabarka iyo waaxyaha iyo ninkii dherer laxaad waaya
Dhaayaha ninkii beela oo dhibina ay hayso
Dhabanna mid dhooldhooliyiyo dhagar mid loo geystey
Dhudhumadu miday diiranyiin dhididna uu qooyey


Mid dhittadi u tiiliyo la dhacay dharab wuxuu haystey
Oo degelki dhaameel fadhiya cududna dhowraynin
Dhallaan ooman, dhaaxaajir dagan, iyo hooyo dhaxamaysan
iyo ubad dhafoorkii go' too dhimasho ooyaaya

Mid waliba dhib waa tabanayaa dhaawucuu qabo e
Qarankaygi oo dhiig baxoo dhinacna loo tuuray
Dhoollaha inaan muujiyaa waa mid aan dhicine

Dhaaxaan sugaayoon wakhtiga xaajo dheef bidaye
Ii dhega nuglow adiga oon igu dhaliilaynin
Maantayna ugu dhowdohoo dhoolkii soo baxaye
Dhaxantiyo haddaan kaa dugsadey dhidarka rooraaya
Ha dhibin dharaaraha dan baan dhowrayaa weliye !!!


Dhankastoo aad eegtaba wallaan dhinac u noolayne
Dhaameelki howdkiyo, dhirtiyo, dhebigi may dhaafin
Dhamastiyo dharkaynkii shidoo lay susoo dhigaye
Sunbaa lagu dhuraa aan dhammaan badihi dhowraaye


Dhulka wixii dul yiilliyo dhammaan xoolohii dhaqasho
Dhagaxyahow aduun baa ka hadhay idil dhadhaabtiiye
Nin dhintiyo, nimuu mowdku dhigay, iyo mid aan dhaamin
Mid waliba taluu dhaabayoo dhuuxayoo rabeye

Aniguna waxaan dheegayiyo dhowrtaday imane
Isma dhiibo anigoo aan dhiccin xaqa la dhaandhaamay
Mana dhaafo dhaar waxaan ku maray ruuxda oon dhimane
Inta aan dhuddii igu habboon helayo dhuubkeeda

Dhaaxaana sugayoon wakhtiga xaajo dheef bidaye
Ii dhega nuglow adiga oon igu dhaliilaynin
Maantayna ugu dhowdohoo dhoolki soo baxaye
Dhaxantiyo haddaan kaa dugsadey dhidarka rooraaya
Ha dhibin dharaaraha danbaan dhowrayaa weliye !!!

 
Dhaax baan adduunyadan dhugtoo dhaafay oo sugaye
Dhaax baan inay dhaanto iri dhiidhiyoo kaca e
Dhaax baan dhawaaq aan yarayn dhiibtey taladay e
Dhaax baan inay dheef helaan soo dhacshooy iriye
Dhaax baan dhurwaayadi la tegey daba dhaguugnaaye


Dhudda bari dhankaa koonfurtiyo dhinaca Buuhoodle
Dharkeynley dusheediyo Berbera dhuudimiyo howdka
War dhan baa Nugaaliyo dhul dheer Dhahar ka soo muuqda
Hiiraan dhawaaq baa ka yimi oo dhowr beraa hadhaye
Laasqoray dhanbaalkaan ka helay dooji dhaayaha e

Dhoobley warmihi soo dhufsade xamarna waan dhowri
Dhanka Caabud waaq iyo haddaan Iimey kor u dhaafo
Dhittadaan u sii loogayaa dhayda iyo xoorka
Dhawaaqii Taleex waan helee dhega u sii yeesha

Boorame dhammaan waw diyaar maalintaa dhigane
Baydhabi dhug wow leedehee dhamaska ii heela
Dhaxdin uun ayay soo jiraan oo maalin baa dhimane
Fardahana dhankaa hoose iyo dhagaxa siigeeya

Raas raas ma uu dhicin karee cudud dhan baan eegi
Dhammaanna dhaladka Soomaal dareen dhaawicii jireye
Ninka maanta dheel xun u wadow dhuuxe taladiiye
Ha is dhihin adaa dhiiranee maal ka dhaqo maanta

Dhaaxaan sugaayoon wakhtiga xaajo dheef bidaye
Ii dhega nuglow adiga oon igu dhalliilaynin
Maantayna ugu dhowdohoo dhoolki soo baxaye
Dhaxantiyo haddaan kaa dugsadey dhidarka rooraaya
Ha dhibin dharaaraha dan baan dhowrayaa weliye !!!


Markuu mahad dhammeeyey gabaygii ayuu ku war helay Hibo oo fadhida dhiniciisa.

Mahad hadalkaaga iyo murankii idin dhex marayey adigiyo dhagaxa waan maqlayey ee ma wax cusub baa jira?

Mahad intuu qoslay ayuu ugu jawaabey Hibo, walaal arintaad iga maqashay iyo dareenkaan qabaa midna wax ii gaara ma'aha qof walba oo Soomaali ah gobol kasta oo uu joogo iyo xaalad kasta oo uu ku sugan yahay waa mid uu dareemayo, dhibi inay jirto xalna loo baahan yahay.

Wallaahay waa runtaa ayay Hibo raacisay iyadoo aad mooddo in hadalkaasi murugo dareen ay qabtey sii xoojiyey, waxayna raacisay: "Oo Mahadow ma u malaynaysaa in haddaadba is tiraahdid wax daacad u doon in sax loo wada arkayo oo dhammaan Soomaalida gobolada iyo tuulo tuulooyinka u sii kala go'aysaa cid dareenkaa qabta laga helayo?"

"Mid aad ila fahmi waayeysid maaha jawaabtaan kaa siinayaa suáashaadan. Waxaan ku leeyahay haa way ila wada qabaan dareenka dhibta dhammaan Soomaaliyi, waxaanse ku sababaynayaa, aniga iyo adiga oo kale uun weeye Soomaaliyi gobol ay jooganba, sida xaqaygii wax barasho u lumay ayaa qof walba oo Soomaaliya xaqiisii u lumay, iskaba daa kuwii hore ee kuwaan sii dhalay iyo kuway dhali doonaan. Bal iyagana ka waran hadaynaan u kicin hadda oo mustaqbal iyaga iyo inagaba wax ina tara aynaan ugu samayn?"

"Runtaa weeye Mahadoow, oo haddaan wax laga bedelin sidan xaalku waa xun yahay."

"Hibo I fahan markaan ku leeyahay dareenka wax bedelayaa aniga iyo adiga qudha maahee waa mid ay inala qabaan dhammaan inta Soomaali ku abtirsataa, macnahaygu waa intaas oo la isku daray aayahooda way ka tashan karaan. Waayo dacartii dagaalkii Soomaaliya waxay noqotay mid la wada dhadhamiyey qadhaadhkeedii, dhibtii laga dhaxlayna qof walba way taabatay. waxaana kuugu bushaarayn haduu dhagaxaan ku fadhiyey xittaa I dhibsaday in ay jiraan kuwa badan oo iyana u diyaara in ay heeryada hadimo tuuraan."

Hibo iyadoo aan wax jawaab ah soo celin, lana dhacday warka Mahad ayay u kacday dhankii kabadhkeeda si ay carruuro badan oo inay wax ka iibsadaan rabey ugu tagto.

Mahadoow Khayr baynu isku ognahay ayay Hibo ku sii macasalaamaysey Mahad. Eebbana haynoo aqbalo fekerkaad waddo ee wacani waa kay Soomaaliyi wada jir ugu guulaysan lahayd. Aniga oo sidaad ogtahay ah hooyo Soomaaliyeed waxaan naftayda u huri aayaha danbe ee ubadkayga aan cidina u naxayn. Hooyo kasta oo Soomaaliyeed waxaan ku guubaabin oo ogeysiin gobolkay doonto ha u dhalatee in ay isu taagto halganka heerya tuurka hooyooyinka Soomaaliyeed.

Aamiin Ayuu isna ku gunaanadey.

Hadaba hadal lay yiraahdaa ma hadhin halis baynuna ku jirraa Soomaaliyey, ee aan heeryada hadimo iska tuuro illayn inagaa awelba isa saaraye.

Maxamed maxamud maxamed Cashare
E-Mail: Email coon_igge@hotmail.com

Qaar ka mid ah sheekooyinka kale ee degelkan lagu soo daabacay

* Haad Duceeyay Wq. Idiris M. Cali
* Abu Jihaad Wq. Ismaaciil C. Xasan (Khaliil)
* Wuu I Furay!! Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
* Yaa Dhalay… Muxuu ku dhintay? Wq. Cabdulqaadir Diiriye
* Guur-doon adduun waayay Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud
* Gubtaanyo Wq. Xasan C. Madar
* Nin la doortay Wq Khaalid Jaamac Qodax
* Xaq Uma Laha!! Wq. Riiraash

________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2011 WardheerNews.com