Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Yaa Dhalay… Muxuu ku dhintay?
(Sheeko Gaaban)
Wq. Cabdulqaadir Diiriye
May 30, 2011

Carruurta dagaalka sokeeye loo adeegsado
Carruurta Soomaaliyeed ee maanta dagaalada sokeeye loo adeegsado
Warqad ay ku taxan yihiin magacyo ayaa la soo hordhigay kornayl Hafiye. "waa liiskii dadkii nagaga shahiiday dagaalkii dorraad" ayuu yiri wiilkii warqadda keenay.

Hafiye warqaddii ayuu hoos u eegay, magacyadu waa illaa dhawr iyo labaatan. Dhalinta qoyska u dagaalanta magacyadooda ma wada yaqaan oo intooda badani waxay dhasheen intuu waddanka ka maqnaa. Hal hal ayuu u akhriyey isagoo isku deyaya bal inuu aabayaashood garto. Laakiin maya, midna waa ka garan waayey. Dhawr goor hadduu ku noqnoqday oo uu weli wax ka garan la' yahay ayaa wiil meesha taagnaa ku yiri "kornayl wiilka u horreeya soow ma taqaanid?" "Een… waxaan u malaynayaa… Haa waa aqaan laakiin…waxaa dhalay miyaa… een" Wiilkii ayaa is yiri xusuusi oo ku yiri "waa ina Xasan, odaygii askarta ahaan jirey ee dagaalkii hore ku curyaamay" Hafiye waa garan waayey odayga iyo wiilkiisa midna.

Wiilkii ayaa mar kale ku celiyey "Soow ma xusuusatid maalintii aad dibedda ka soo noqotay, ee aan garoonka diyaaradaha kuugu nimi odaygii ku xambaarayey?"

"Maxaan ka naqaan… maalin walba mid aanan aqoon baa na xambaaree!"

Si walba oo la isugu dayey in la xusuusiyo waa lagu guulaysan waayey in Hafiye la xusuusiyo odayga wiilka dhalay.

Muuse oo meesha fadhiyey ayaa yiri "Kornayl dadkani sow adiga kuuma dagaalamaan oo hoggaamiyahoodi ma tihid? Nabad ayaan ku noolayn… markii aad noo timi ayaa dagaal noogu horraysay dhawr iyo toban sano ayaad naga maqnayd. Hadda waxaad garan la'dahay…"

Hafiye ayaa hadalkii ka soo dhex galay "Adeer mar horaan idiin soo noqon lahaaye carruurta ayaan is lahaa inta ay ka weynaanayaan oo waxbarashadoodu ka hagaagayso ha soo cidlayn. Carruurta xil baa naga saaran."

Waa la aamusay. Raggii meesha fadhiyey mid walibaa hoos ayuu isula hadlayey, haddii xoogaa la aamusnaa ayuu Hafiye damcay inuu sheekada danab-tiro oo yiri "kolley wiilashan dhintay waa naftood hurayaal… een shihiidiin, … muxuu ahaayeey… wax ka fiican in qofku isagoo dantiisa difaacaya dhinto ma jirto.. diinta waa wada taqaannaan ayaan u malaynayaa"

Warlord
Xuseen oo ka mid ah dhallinyaradii meesha joogaty ayaa yiri "oo kuwaan dagaalamaya iyaga in wax la baro ma aha miyaa? Sow waalidkood xil kama saarna inay wax baraan?"

Hafiye ayaa yiri "Maya waa sax weeye… sax weeye in carruurta wax la baro, .. illaa maalintaan imi waxaad markhaati iiga tihiin in aan wiilasha reerka wax barayey… waad ogtihiin maanta nikaan hubka isticmaali aqoon inuu khatar ku jiro, hadda si fiican ayey u wada yaqaanaan noocyada kala duwan ee hubka, bar tilmaameedka cadawga siday u beegsan lahaayeen.. yacnii.. hadda waa is difaaci karaan"

Muusaa yiri "wiilashaadu hubka wax ma ka yaqaannaan?"

"Sidee iila hadlaysaa? … maxay hub ku falayaan waa niman qalin iyo buug ku macaashee? Ilmahaygu meel kalay joogaan… ilmahaygu kuwiinna waa ka duwan yihiin"

Xuseen ayaa yiri "oo maxay kaga duwan yihiin? Sow isku tol ma'aha…  isku dan ma'aha?

Hafiye oo hadalku dhibayo ayaa yiri "Haa… laakiin kuwaygu ma aha consumables*."

Muuse ayaa yiri "ereygaas ma garan.. ma af qalaad baa… waa maxay?"

Hafiye  oo sii kacaya ayaa yiri "Iska daa… waxba ma'aha…iska daa!"

Arrintii waa sii murugtay, dadkii waxaa u muuqday in sheekadu meel iska qaban la' dahay. Muxuu Hafiye carruurtiisa hubka u bari waayey oo jaamcadaha dibedda u geeyey? Haddii in dagaal lagu dhinto khayr tahay muxuu wiilashiisa qaangaarka ah mid ama labo u keeni waayey dagaalka? Wiilashii uu dagaalka geliyey magacyadooda see u garan waayey?

Raggii meesha joogay waxay is moodeen in ay hadda riyo ka soo kaceen. Qof waliba wuxuu si gaara uga fekerayey siduu ilmihiisa iyo kuwuu adeerka u yahay ugu tashan lahaa. Waxay hoos iska lahaayeen "dadku isku tolna waa yihiin kala danna waa yihiin, oo Hafiye markay carruurtiisii u qaan gaareen waxna u barteen ayuu jago iyo hanti inuu helo u soo noqday. Illaa maalintuu yimi boqol iyo soddon wiil ayaa dagaalada uu bilaabay ku dhintay. Wiilashaasi waxay u dhinteen danta Hafiye. Dhammaan reerihii deriksa nala ahaa waa kala go'nay oo la isuma gudbo, baadidana la isuma celiyo. Nin walba oo reerka ah xoolihiisii wax badan ayuu u huray sidii dagaalada loogu gulaysan lahaa ama siyaasadaha Hafiye loogu taageeri lahaa!"

Mid-mid ayaa meeshii looga kacay iyadoo murugo iyo is ciil-kaambi hoos la wada eegayo. Hafiye markii horeba wuxuu ka yaabbanaa waxa dadku ku raaceen, hadda laakiin waxa u muuqatay in ay adag tahay in mar dambe uu reerka olole dagaal geliyo. Waxaa u caddaatay in la gaaray waqtigii uu dib ugu noqon lahaa qurbihii uu ka yimi. Halkaasna waxaa ku burburay xamaasaddii indhaha la'ayd ee reerka dhawrka sano heehaabinaysay.

Cabdulqaadir Diiriye
E-Mail: awjaamac2000@gmail.com

*Consumable: waa erey qalaad oo micnihiisu yahay (wax la isticmaalo oo markuu wasakhoobo ama dhammaado la iska tuuro, sida warqadaha afka lagu tirtirto, filterka gaariga, IWM)

___________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2011 WardheerNews.com