Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar

By Ahmed I. Yusuf


By Farah Abdulsamed

Haad Duceeyay: Sheeko
Gaaban

WQ: Idiris M. Cali
Jan 06, 2012

Waa laba hablood, oo isku da' ah, oo isku dherer ah, oo isku midab ah, oo kala si wax u arka. Xagaafkii dugsiga ayey soo hayaan. Maalin kasta, hawlaha ay gurigooda ka qabtaan oo aan yarayn daraaddood, immikay layligii shalaytoole carrabkooda kaga shaqaynayaan.

Waxaa mudh ku soo dhahaya, oo dundumo ballaaran uga soo loox-baxaya, laba wiil, oo kala da' ah, oo kala dherer ah, oo kala midab ah, oo isku si wax u arka. Shaqadoodu waa ku-dhufoo-ka-dhaqaaq; iin iyo inkaar bay intaa dhuxul-reebaan, mooggana waabay soo muusoonayaan.

Is haleele, halaag se ma dhicin, oo hadal baa horreeya. Waxa kolkiiba baas soo furaya hablihii; balse rasaastu meel u dhaxaysa labadii wiil ayey ku gororaysaa. Wiilashii iyaguna kaayahoodii ayey baaskii soo furayaan; balse rasaastu hablihii ayuun bay labada hareerood ka maraysaa.

Labadii hablood ayaa isku noqonaya; waxayna is oranayaan:

“Haddaynu ku midownay in aynu wada fushanno teenna, maxaynu xabbad xabbad ahna ula heli weynay wiilashan?”

Wiilashiina sidoo kale ayey isku weydiinayaan:

“Haddii uu midkaayaba tiisii keligiis meel-marsaday, muxuu midkeennuba xabbad xabbad ahna ula heli waayey middiisii?”

Haad haatifyahan ah oo dusha sare wax ka og-hela ayaa intuu qoslo, oo uu qosal-gariirkiisuna dhulka garabka u soo dhigo, ayuu wiilashii ku oranayaa: “Oo go’aankiinnii midaysnaa, ma midnimada hablaha ayaa kala dhuftay, waakanoo wiilal labada daafood ayaad kala aaddiseen shiishkiinniiye? Mise miyey ba tahay in hablahanu ayan ahayn cadka ragga walaaleeya?!?”

 “Maya Haadow. Habluhu waa laboo waa in aan kala lahaannaa, oo waa dambi  inaan wada lahaanno! Marka, hunguri mid ah iskuma hayno!” ayey isku raacayaan wiilashu.

Inta uu haadku hablihii ku soo jeesto, ayuu su’aalayaa sababta ay diiraddooda u mideeyeen, waa tii ay kala liishaanka ahaayeenne. Hablihii na waxay ku war-celinayaan:

“Maya Haadow. Wiilashu waa isla mid oo kala saar-saarid ma laha, oo caqligooda ay nagula haasaaween ayaa sidaas ka marag kacaya!”

Haadkii inta uu boqornimadii haatifyahan iska xayuubsho ayuu samada u haadayaa. Isaga oo aan sii libdhin ayuu soo halwinayaa erayadan:

Waxaad , duniyeey, ogaataan:
Hadday midnimadu is diiddo
Is diiddadu inay midowdo
Midkoodna darkii run mooda
Haddeeyan ku deerin adkaysi
Ineeyan gelinna ku diirsan!

Ducadaas haadka, afartii is hayey dux ayey u reebaysaa. Waxayna garwaaqsanayaan in ay midnimadu khadhaadh amma macaan u leedahay dar kasta oo dacalkeeda haysta; asii aysan midnimadu dan-ku-galis iyo dan-kaga-bixis ba geyin: Qof kastaana ay tahay siduu u difaacdo iyo deexadkiis.

Idiris M. Cali
Dhanjac: idiris.m.cali@gmail.com

---------------------

Qaar ka mid ah sheekooyinka kale ee degelkan lagu soo daabacay

* Abu Jihaad Wq. Ismaaciil C. Xasan (Khaliil)
* Wuu I Furay!! Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
* Yaa Dhalay… Muxuu ku dhintay? Wq. Cabdulqaadir Diiriye
* Guur-doon adduun waayay Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud
* Gubtaanyo Wq. Xasan C. Madar
* Nin la doortay Wq Khaalid Jaamac Qodax
* Xaq Uma Laha!! Wq. Riiraash

________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.



Copyright © 2011 WardheerNews.com