|
![]() |
|||||
|
“Waxa uu si caajis ka muuqato u soo qaatey joornaal agtiisa yaal. Indhaha waxa uu ku dhuftey judhiiba cinwaan far waaweyn ku xardhan oo ay ku qoran tahay caddaalad darro iyo musuq baahsan oo uu soo gudbinaayo wargeyskaasi “ Nin dadku jecel yihiin ayuu ahaa. Taas waxa uu ku xaqiiqsan jirey sida ay u raadin jireen, kaftankiisa uga heli jireen asxaabtiisa gaarka ahi. Mar wal oo madal la iskugu yimaaddo isaga ayaa la jeclaa in hadalka ama sheekada laga dhuro. Isaguna waa isku ogaa libinta dadaalkiisa in dadku ku jecel yihiin. Ma ahayn nin faan badan, mana aheyn nin dadka iska weyneeya. Waxa la arki jirey isaga oo ka yar iyo ka weyn, maalqabeenka, aqoonyahanka iyo miskiinkaba si isku mid ah u soo dhaweeya. Dadka qaar ayaaba ku xaman jirey in aanu jecleyn dadka magaca iyo maamuuska leh, waliba dadka ku dhaw dhawi xan ma'aha ee waxa ay odhan jireen waa xaqiiqo inteeda le'eg. Dhaqankiisa gaarka ahi waxa uu ahaa mid aad loo jecleysan jirey. Dadka naxariista iyo kaftanka badan ayuu ahaa, mar walbaoo goob la iskugu yimaaddo waxa uu jeclaan jirey inuu ogaado waayaha iyo nolosha gaarka ah ee asxaabtiisa. Kaftankiisa wacan ka sakow, waxa uu ahaa nin deeqsi ah oo naxariis badan. Inta dadka ku xeeran maahee dadka kale xataa waa yaqiinay in uu yahay nin Alle ku maneystey karti, dadaal iyo aqoon gaar ah.
Waxa uu mar walba saaxiibadii uga sheekeyn jirey dadka inta xukunka ku jirtaa sida foosha xun ee ay u dhaqmaan. Isagu waxa uu had iyo goor ka xumaan jirey marka xanta iyo hadal hayntoodu soo gaadho qaabka foosha xun ee ay hantida, awoodda, iyo masuuliyadda loo igmadey ay dadka ugu tagrifalaan. Waxa uu asxaabtiisa kula xaman jirey halhaysyo badan oo hirgalay. Mar walbana waxa ay asxaabtiisu xasuusin jireen kuwaasi, isaguna waa ku diirsan jirey, oo libin ayuu u arki jirey uu haysto. Sanooyin badan oo kaftankii iyo haasaawihii isaga iyo filkiis sidaa ugu socdeen ayaa goor aan habeen iyo maalin aheyn waxa lagu war galiyey in la doortey. Isagu waa garan waayey markii hore sababta loo doortey, mase jecleysan inuu dalka intaas le'eg u noqdo hormood isaga oo og waayaha iyo nolosha gaarka ah ee dadku ku sugnaayeen. Waxa intaas dheer oo uu ka dharagsan yahay meesha iyo waxa yaallaa waxa uu yahay. Waxa uu wali xasuusan yahay sheekooyinkii uu asxaabtiisa uga sheekeyn jirey waxa ay ahaayeen. Waxa aan maankiisa ka bixin dhacdooyin dhif ahaa oo uu la wadaagi jirey bulshadii uu ka midka ahaa. Si kasta oo ay noqotey waxa uu aqbaley xilkii loo igmadey inuu bulshada u qabto. Inkasta oo uu ahaa nin bulshada qaybaheeda kala duwan ku dhex libdhey oo aanu aheyn nin cid gaara ku xidhan, haddana inuu ogolaado xilkan waxa dabada ka riixey dadkii uu ka soo jeedey oo u arkaayey libin u soo hoyatey. Durba warkii waxa uu gaadhey dhammaan qaybihii bulshada. Dadka qaar ayaa si dareen farxadeed u soo dhaweeyey warka xilka cusub ee saaxiibkood qabtey, halka qaar kale aad uga dayriyeen. Dadka inta soo dhaweysey waxa ugu weyn ee arrinkaasi u cuskanaayeen waxa ay ahayd iney aaminsanaayeen inuu meeshan madaw wax badan ka beddeli karo. Halka kuwa kale ee ka soo horjeedeyay rumeysnaayeen in uu meesha ku dhex milmi doono saaxiibkood, oo aanu wax la taaban karo ka soo hoyn karin.
Si kasta oo ay tahay xilkii qaad, meeshii tag, dadkii ka dhex bax uu markii hore ku jirey. Waxa uu abuuray nolol cusub oo aannu hore aqoon fiicna ugu laheyn. Waxa uu ku dhex milmey waayihii adkaa ee uu meesha ugu tagey. Waxa markii hore niyadda kaga soo dhacey, maahmaahdii khaladka uu u yaqaaney ee ahayd ‘Haddii aad tagto mee llagu indha la' yahay indhahaa leyska ridaa”. Taasi oo uu in badan kala hadli jirey dadka ay sheeko wadaaga ahaayeen. Waxa aannu ilaabin maalin ay faaqideen dareenka isbeddel ee ku dhacey nin ay yaqaaneen oo markii xilka loo magacaabey, laga waayey gurigiisii, iyo goobihii kale ee lagu yaqaanney. Isaga oo og, oo si fiican u garawsanaya xusuustaasi halka ay abaareyso, ayuu isaga oo is diidsiinaya, waxa uu degdeg uga baxay meel uu ku jirey. Intii hore meesha waa uu la qabsan kari waayey, wax uu sameeyo ayuu garan waayey, meel uu ka bilaabo ayuu fahmi waayey. Talo ayaa ku ciirtey dhinac walba ah. Tallaabo kasta oo la qaadaa ma'aha mid sax ah. Waxa uu meeshii kala kulmey intii hore jahwareer laxaad leh, oo gayeysiiyey inuu la qabsan kari waayo dhacdooyinkii maamul ee madasha ka socdey. Aakhirkiise waa iskala qabsadey oo waxa dantu ku qasabtey in uu iyaga isku ekeysiiyo Waxa dhaboobey in uu meeshii ku dhex milmey. Waxa laga waayey gurigiisii, waxa uu iman waayey goobihii ay ku kulmi jireen isaga iyoa sxaabtiisu. Waxa uu beddalay telefoonkii laga heli jirey. waxa uu beddalay gaadhigii lagu yaqaanney, waxa waxa uu uuu……… Taas baddelkeeda waxa uu bartey dad cusub, waxa uu tagaa goobo cusub, waxa uu u dhaqmaa si ka duwan sidii markii hore uu ahaa. Maxaa keeny isbeddalka intaa leeg? Ma garan karo isagu, waxase uu ku sababeeyaa uun waayaha iyo wakhtiga cusub ee uu foodsaarey. Asxaabtiisu se dareen kale ayay kaga jawaabaan marka la weydiiyo isbeddalka ku dhacey saaxiibkood
Muddo badan oo uu ku dhex jirey dhacdooyinkaasi, waxa uu u adkeysan waayey sida xaalku marba marka ka dambeysa isku sii beddalaayo. Fikir iyo werwer badan ayaa ku batey. Muddoyinkan dambe, waxa uu hadh iyo habeen walba ka fikiraa sidii uu uga bixi lahaa meeshan jaan ee uu cagaha la galay. Waxa uu garan waayey meel jid u noqota oo uu ka baxo. Meeshu ileyn maba aha meel laga baxo, ee waa meel la soo galo uun. Waxa uu ka fekereyaa sidii iyo habkii uu meeshan xun uga bixi lahaa. Inta uu dhacdooyinkaa ka fakiraayo, waxa kaga weyn halka uu ku noqon doono, iyo wax ka horreeya. Waxa mar walba xusuustiisa hor taal asxaabtiisii uu dayacay, dadkii uu jeclaa ee uu ka dhexbaxay, iyo bulshadii uu hormoodka u ahaa ee aan hadda waxba ka dhageysaneynin. Ciil iyo cadho weynaa. Waxa uu iskula faqayaa haddii aan ogaan lahaa, miyaan xilkan qaban lahaa, haddii aan ogaan lahaa miyaan sameyn lahaa waxa aan sameeyey Maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo oo fadhiya xafiiskiisa, ayuu damcey wargeysyo badan oo loo keeni jirey in uu maanta akhriyo. Maalmihii hore ma akhrin jirin, oo fursad uma heli jirin, maantase wakhti fiican ayuu haystaa oo uu ku akhrisan karo dhacdooyinka ay qoreen. Waxa uu si caajis ka muuqdo u soo qaatey joornaal agtiisa yaal. Indhaha waxa uu ku dhuftey judhiiba cinwaan farwaaweyn ku qoran oo ay ku xardhan tahay caddaalad darro iyo musuq baahsan oo uu soo gudbinaayo wargeyskaasi. Mid kale ayuu haddana halacsadey wax uu ku arkeywax ka weyn kii hore waxa uu qorey. Mid kale ayuu mar kale u holoday inuu akhriyo, ka dar oo dibi dhal. Inta uu dag-dag meeshii uga kacay, ayuu isaga oo aan is ogeyn gaadhigiisii oo hor yaalla xafiiskiisii uu dag-dag u istaadhey,waxa uu jihada saarey waddo aan illaa hadda la garan. Khaalid Jaamac Qodax __________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com |