Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Xaq Uma Laha!! (Sheeko Gaaban)
Wq. Sakariye Riiraash
April 10, 2011

Summadiisu waa maya; wuu suurad wacan yahay; sawdkiisa xabeeb buu u sameeyaa, uu raganimo ka baadh baadho. Si buu u siloonyahay. Wax kasta dhanka xun buu ka eegaa isagoo ku eegayaa indho xun, ficil kastuu samaynayona wuxuu ka horaysiiyaa maxaa iga soo galaya. Wuxuu moodayaa inuu ogyahay wax soo socda. Oo muxuu u moodi waayay, isaga wuxuu sameeyaaba makala duwana e ? wadadii uu shalay maray ayuu maanta hayaa, wuxuuna aaminsanyahay in dunida wax wanaag la yidhaahdaaba aanu jirin.

Wuxuu ku xisaabtamaa halhays si xun uu u adeegsado oo odhanaya: “ khayrba ha falin shar kuuma yimaadee”. Qofku salaamayo wuu u dhoola caddeeyaa isagoo hoosta ka xaqiraya, uguna yeedhaa, qofku wuxuu jecelyahay sida “dhakhtar, engineer ama madaxweynaba”, xisti baana ka buuxa qofna uma ogola inuu heer gaadho. Oo muxuu ugu ogolaan, Soomaalidaaba iska saasa oon wanaagaba isku ogolayne? Libintooda wuu ka gubtaa,waxyeelada soo gaadhana waa ku gam’aa! Da’ ahaan waa curdin, caqligase waa ka cajuus.

Dugsiga waa aadaa, duruustana waa bartaa, wuxuuse u bartaa sida wax laysku waydaariyo oo musuqmaasuq ku dhex jiro. Malcaamado dhawra wuu galay imikana tiisii ugu dambaystuu ku jiraa, oo uu qarka u saaran yahay in laga eryo sidii kuwii hore oo kale. Oo maxaa looga eryaa? Waxaa looga eryaa diintuu ku kaftamaa, dadkana kaga qosli yidhaah. Qofna uma qiro cilmiguu leeyahay ama wanaagiisa, isagu se waa is aqoonsan yahay, calan gaarana waa iska dul taagay, wax kastoo wanaagsanna waa isku sheekaa. Mar waa siyaasi xilalka waaweyn kala xakameeya, mar waa waaniye dadka walaaleeya, marar kalena waa suldaan beelaha colaaduhu ka dhaxeyso heshiisiiya.

Maanta wuxuu rabaa in uu xil qabto. Uma qabanayo in uu dadka baahan ku daryeelo, uma qabanayo inuu walaalahii wax ugu taro, ama inuu ummaddiisa ku taageero ee wuxuu u qabanaya dano gaar, xilka loo igmado sidiisuu uga soo baxayaa, maxayse ugu taallaa hadii aan laga anfacayn.

Waxa agtiisa ka muqadas ah ninka cad, oo uu moodo rasuul loo soo dirayba. Markuu u soo galo qof caddi fadhiguu uga kacaa, wuxuu ka dalbadana, degdeg ugu fuliyo,

Sida xoolaha ummadda loo gurto waa hawshiisa, sida xeedho looga buuxsadana waabuu ku heshiiyay, xafiiltanna waa lagu xantaa. Dadka dhibaatada ula yimaadda sida loo diido waa yaqaannaa, markuu dadka u baahdana sida loo baryootamo waaba ku xariif,

Maanta wuxuu ku taagan yahay suudh madaw oo nooca ugu qaalisan ee dalka laga helo ah. Waxaa ka amarqaata boqolaal shaqaale ah oo u jajaban eraygiisa, gole kastana nin buu dhigtay. Ganjeelkiisa waxaa ka soo baxa gawaadhi mad madow oon la arag cidda ku dhex jirta, waxaana ilaaliya nin madow oon garanayn afka, ruuxa wax waydiiyana madaxa u lula, xooggiisana waxaaba la moodaa inuu jimicsiga shahaadada ugu sareysa ka sito. Maalinba qofbaa taga golihiisa, qofkastoo muraad u yeeshana isagoo faraxsan wali ma soo noqon, waana wax aan dhicin dhawr mooyaane. Intayna isaga gaadhinba dhawr ka amar qaataa soo celiya, oo yidhaahda intuu isagu odhan lahaa oo bilaa naxariisa. Ruux kasta uu muraadkiisa ka hor istaago si buu isku ciilaa, waxoogaana wuu sii calaacala. Mid markuu salaadda dhammaysto habaar u yara quusiya, mid meelaha mareegaha si dadban uga abaarra, ka aan habaarinna waa ka yidhaahda isagoo ku qaylinaya xaq uma laha, iyo mid ka gabyoba. Waxaa cisho aan fogayn dhegahayga ku soo dhacday mid ka maansooday oo leh,

“Golihii arrimiskuu
Amarqaate joogaa
Lagu yidhi addoomaha
Aabbahood la garanayn
Arjigooda diidmee”

Sida dadka loo xado waa yaqaannaa, mase yaqaan sida dadka loo xaqdhawro; sida loo tawaawaco waa yaqaannaa mase yaqaan sida wax loo taageero; sida qof loo hunguriyeeyo waa yaqaan, mase yaqaan sida loogu hambalyeeyo. Xaaskiisu way xuub dhacsatay iyadoo aad mooddo geed qalalay. Ciyaalkiisa markuu la joogo wuu cadaadiyaa, iyaguna hoostay ka colaadiyaan. Camalkiisa waa ogyahay, wuxuuba u haystaa in sidaas inuu falo dunida loo keenay. Dagaalada wuu maal galiyaa, intii karaankiis ah ee uu dad kala gayn karana waa kala geeyaa. Waxa ugu qaalisan ee agtiisa qiimo kale waa qabyaaladda, habeenkii indho iskuma geeyo, haduu isku keeyana umaddii u dhaxalkooga cunaa, ka dhex dhawaaqda.

Xaq waxaad u leedahay inaad ila yaabtid, ood igula yaabtid ninkan bilaa wanaagga ah een dadka u soo bandhigayo, isaguse xaq uma laha in uu inna maamulo. Xaq waxaad u leedahay inaad ninka noocan ogaatid si aad iskaga dhex qabatid, isaguse xaq uma laha inuu isku keen dhex qariyo. Xaq waxaan u leeyahay inaan ninkan sheego, adna xaq waxaad u leedahay inaad shaacisid, isaguse xaq uma laha inuu ku shakaalo, oo aad shib tidhaahdid.

Haddaad dhab ahaan rabtid, inaad ogaatid, gadaashaada eeg iyo afarta geesood, yayna ku dagin qosolkiisa iyo qawlkiisa dabacsan. Waadigaa judhiiba indhaha qac, ku siiyay adayse kuu taallaa waxaad ka yeeleyso. Aan kala jeediyo shaydaankaan idiin waday. Wuxuu jeedaalinayaa hareerihiisa. Wuxuu isku quulaaminayaa sharaabbo kala duduwan, cuntana hadalkeedaba daa. Wuxuu isku haystaa inuu figta sare saaran yahay, markay dadka damiirka lihi qiimeeyaana isagaa ugu dullaysan, aakhiriyo aduunba aan waxba u dhigan. Wadaaddada wax u sheeg is yidhaah wuu quudhsadaa. Qunyar qunyar buu arkayaa oo xoolihiisii u sii baaba’ayaan, xilalkiina laga xayuubinayo.

Haddeer jeebkiisu waa madhan yahay, maamuuskii iyo magacuu lahaana hawaday raaceen. Xoolihii iyo xilalkuu hayay ma jiraan, oo miyuu ku waarayay? Maya, ilaahii siiyaa imikaba ka qaaday. Wuxuu afka ku hayaa, xabbad sigaara wuxuu dib u milicsanayaa waayihiisii hore, iyo siduu dadka u waxyeelayn jiray. Xaaskiisii iyo carruurtiisii waa horay ka carareen. Wuxuu arkayaa aqalkiisii iyo agabkiisii oo lagu dul xaraashayo. Wax calala intaa u huwanyah buu haystaa, waliba deynbaa dib loogu sii leeyey, maxkamad kasta oo dalka ka jirtaana waa laga rabaa. Cishaba meel buu isku qaadaa isagoo quud ka eegaaya. Isagoon waxba ku jirin ayay laba xoog waaweyni garbaha laalaadiyaan, laamigana afka u saaraan. Wax waydiintii wuu ka rajo beelay, waayo wuu sii og yahay war celinta. Wuxuu galaa buulyaroo ka dhex qotoma kharaabad dagaaladii sokeeye ku aafowday. Maryahiisa uu kabkabay buul socda ayay u egaadeen, caruurtuna waxayba ku yidhaahdaan ninka waalan. Wuu doorsoomay wajigiisa haddaad eegtidna isagii aad garanaysayba maaha, dad badani in uu dhintay u haystaan, aniguse inuu damiirkiisu dhintaad ogahay.

Wuxuu dib u xasuusanayaa, maalin isaga maalmaha uga duwanayd, oy waalidkii dhalay ay caawimo, ugu soo carareen. Isagoo qalbigiisa naxariis uga baadh baadhayaa, ayuu si dabacsan ugu sheegay waashmaankii, inuu dibadda uga saaro. Maalintaasay xaafaddoodu tirtirtay, liiska xaafaddana ka masaxeen.

Intii uu tusaale u ahaa, ee tilmaamsanaysay, waxay ku baroordiiqaan geesi naga baxuu ahaa. Imika ma hadlo, hadduuse hadli lahaa wax khayrleh kumuu hadleen. Isagoo meelahaa marmaraya ayay dhagahiisu soo qabteen maanso uu islahaaba malaha adigaa laguu jeedaa:

Xeerbeegti baa tiri
Kolka aad xabaal gasho
Xaalkaagu meel maro
Xukunkana laguu jaro

Markuu intaas ka dhagaystay ayuu ka cararay waayo wuu ogyahay inta u xigi lahayd intaas. Noloshu waa u gabaabsi, gabbalkii u dhacaaba waa u dhiilo, dhaayahiisuna way basaaseen, Habeenba wuxuu isku eegaa daroogada cusub ee magaalada soo gasha. Oo talow miyuu iibsadaa? Mayee wuu xadaa. Maalintii dambe waxaa maydkiisa laga helay luuq ku xiga buulkiisa oo uu ku miyir beelay halkaasna naftu kaga haaday, lagana baahiyay war sidayaasha.

Wuu sii tawaawacay ilbidhiqsiyadii ugu dambeysay ee noloshiisa isagoo leh:

Dharaarti qiyaame mooji
Halkuu Rabbi ii dhaqaajin
Siraadka halkaan ka dhaafi
Markuu dhididkaygu hooro
Cadceedda la soo dhaweeyo
Mayl iyo dhudhun lay jirsiiyo

Waraaqaha laysu dhiibo
Mid dhawrsani igu yidhaahdo
Nafeyba camalkaaga dheeho
Maxaan dhahayaa jawaabta?

Sakariye Riiraash
EMAIL:sakariyerirash@hotmail.com

_____________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com