Geed Sare Waab

Maxamed Hirad
December 12, 2007

Maansadan waxa aan tiriyay bishii December 7 deedii ee 2007. Waxa ay jawaab u tahay maanso hore oo tiriyay Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd oo magaceeda la yidhaahdo Geeska bari ma lays galay. Maasnada iyo macnaha waxaan jecelahay in akhristayaashu ay si wacan u dhuuxaan.

Maansadiina waa tan:

Geeska bari dhibkaa jira
Dadka uma gudboonee
Sii bari u gudub oo
Geyigaa gubanayee
Soomaalida u gaarka ah
In gaal soo gabraar tegey
Gumaad iyo xasuuq wado
Qaxoontigu  gawaan iyo
Geed  hoosti jiifaan
Cidi ugu gargaarayn
Dadku waa u goob joog

Baddan lagu gurmaayee
Ummaddoo gudaysaa
Gawsaha yaxaaskiyo
Libaax loogu elayaa                                                                                                        
Dadku waa u goob joog

Cirku inuu ka gudho jeer
Abaar gaag ma reebta ah
Xooluhu go'aayaan
Wax la gooyo waayaan
Geeduhu qallalayaan
Marna daad gufaaca ah
Webiyada ku gaacshoo
Gebiyada ka jabiyaan
Dhulku soo gabaabsiyo
Meel lagu gam'aa jirin
Dadku waa u goob joog

Cudurada gurbood iyo
Waayeel gembiyayee
Daawana la gaadhsiin
Cidna ay gunaanadin
Dadku waa u goob joog

Xaaladahan is daba gala
Mid markaad ka gudubtaba
Kii kale u geleysaa
Qof  walowba gaarkaa
Ama laba is garabsaday
Iyagaan gadood iyo
Qabiil nagu gulaalayn
Hor Ilaah garaadkaa
Runta geesta laga marin
Gooni maxaa innoo ahoo
Guryaheen ku ba'ayaan

Ani garashadaydii
Wixii aan garwaaqsado
Ama guud caddaalahu
Gooni iigu sheegeen
Ama gabayo lagu yidhi
Soomaali gabigeed
Iyagaa is gabay oo
Iyagaa is gabawaray
Mid gardaran xumaantii
Qaar garab ku siiyaan
Qaar ganafka taagaan
Garow laga helayn oo
Gar diidnimo ku faanaa
iyagaa is gawraca
Midkii laga gol roon yahay
Gaalada u yeedhaa
Waxa ina galaaftaye
Guul darradu ka joogtaa
Waa galabsigeennoo
Gasab xumo la galay oo                                                                                      Gacmaheennu gaysteen

Rabbina waa garsooroo
Ma geddiyin dhukeennee
Gef badan buu tirtiray oo
 In yar  innaga gooyoo
Qaarna wuu gadaal dhigay
Kii galay u gooniya
Godka maalituu tago
La gurguuran doonaa
Intaasi waa gundhigid iyo
Maanso gogol u xaadhkii

Hawdow gocashadaadiyo
Guubaabadaad tidhi
Kula garanay maandhe
Hayeeshee mid gara eeg
Geed saraad ku waabtoo
Gondahaaga maad deyin
Maroodiga garbaha weyn
Takarta guudka kaga raran
Indhihiis ma gaadhaan
Wuxuu geesta ka arkaa
Mid kaloo ka gooniya
Midda garabka kaga taal

Gaalkan Xamar gubaayaa
Godankaa Hargaysiyo
Goboladaa Waqooyiba
Goor horuu hantiyey oo
Indhaha ugu guduudshoo
Soo go'a ku yidhiyoo
Go'aankiisa qaateen
Dowladdeeni  la gembiyey
Calankeeni lagu gubay
Goob cad oo fagaara ah

Dekaddaa u gooniya
Gibir iyo gunnaba u leh  
Dadba waakan garab maray

Wiilal goomanayoo
Gacaltooyo soo biday
Garba duub la xidhay oo
Xabashi loo gudbinayaa

Garaado biri mageyda ah
Xabsi lagu garaangiri oo
Jeel gudihi lagu tuur

Shacab gaajo qabay oo
Gobol kale ka yimi baa
Sidii uu giniis yahay
Guure lagu tarxiiloo
Gawaadhidii la dhacay bay
Geeridu ku badataye

Geesta bari dagaalada
Gulufkiyo colaadaha
Gurmadkiyo tola'aydaa
Laas Caanooka lays galay
Gubniyadu ku duuleen
Dul gawdiida maatada
Qaxootiga gurmaayee
Guryahoodu madhan yahay
Gabdhahaa baroortaye
Rasaas lagu garaacaye
Go'ayeyda ku hayaan
Af xumo goor walbaba taal
Golihii la joogaba
Gocorradu ka jeedshaan
Waa talo gumaysigu
Sidii gooshashkii hore
isticmaarkii guunka ahaa
Ingiriis geddiisii
Markaan guulo keenaba
Qaar garabka siin jiray
Iminkana dar gaaye ah
Maamulkaa galoofta ah
U guntaday halkoodii
intaasoo la wada galay
Gadood shacabna maan arag
Adna gabay kamaad tirin
Guubaabadaaduna
Ima geleyso anigoo
Geem kalaad ka wadataa

Gabagabada hadalkii
Haddaan soo gudbinayaa
Nin baa gooh la soo kacay
Habeen gelin dhexaadkii
Mid gadhkii caddaadoo
Goobta joogay baa yidhi
Waar ma godob sokeeyaa
Gurigiisa kaga maqan
Mise qodax galoolaa
Ciddi gunteeda kaga go'an

Markii ay golaha tahay
Niman baa gabada oo
La gaaf wareega xaajada
Xumo laga garmaamayn
Misna gaatin socodkii
Dabin guudka ubax ka ah
Guduhuna dalluun yahay
Kugu sii garbinayoo
Kula  goobayaa jira

Anigana gucle orodkii
Soomaali goobkii
Gogol wacan u dhigiddii;
Goolal shilis u qaliddii
Si kastaba gadh yigilkii
Gar aan lahaa duudsigeedii
Gaalo aynab doonkii
Gamasyada u qaadkii
Sarkaal gibil caddaala ah
Gacan midig ka gooyntii
Guutooyin jariddii
Gobanimo u dirirkii
Soomaali garan waydoo
Abaal nooma gudaysee
Waa duni gurracantaye
Giraan baa wareegtaye
Kuwa gaalka nagu diraayaa
Misna noo gabyaayee

Kuwaan gacal ahayn baa
maanta laba gardaaqoo
Warmo nagu ganaayee
Gumaradeeda noosheeg.

Mohamed Hirad
E-Mail: xagar2000@sbcglobal.net

---------------------------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews      

Copyright 2007 Wardheernews.com