Abaal

Waxa Curiyay Maxamed Hirad
August 12, 2007

Abaal waa maanso cusub oo dhinacayo badan taabanaysa uuna  curiyay abwaan Maxamed Hirad bishii July 16, 2007.  Waxa uu abwaan Hirad maansadan ku cabirrayaa xusuustiisii dhibaatadii iyo burburkii Soomaaliya ka dhacay iyo waayo aragnimadii laga dhaxlay.

Mohamed Hirad
Abwaan Maxamed Hirad
Waxa uu abwaanku si murtiyaysan u soo bandhigyaa dhibaatadii kala gaadhay dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah iyo firxadkii iyo qaxootigii ay sababeen dagaalada sokeeye. Waxaa kale oo uu abwaanku maansadan ku eegayaa shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu soo gaadhay iyo beesha caalamka wixii ay kala kulmeen. Yaa Soomaalida abaal ka galabsaday, yaase kaalintii ay ka filayeen gabay? Waa su’aal uu abwaanku maansadan jawaabteeda ku soo bandhigayo.

Abwaanka oo hadda ku nool carriga Maraykanku waxa uu aaminsan yahay in Carabi ay ka masuugtay Soomaalidu wixii ay ka filaysay halka gaalo iyo reer galbeed ay u galeen abaal aanay weligood gudi karin.

Waxa uu abwaanku si gaara ugu xusayaa gabaygan xiisaha leh daryeelka ay Soomaalidu ku haysato wadamada reer galbeedka ee qaabilay siiba Maraykanka. Taas oo uu ugu hayo abaal weyn, isagoo dhinaca kalena la yaabban kuwa indhaha ka laliya waxtarkaas loo geystay iyo nolosha cusub ee ay ku naaloonayaan ee ku faruuryo xidhan  arrimo kale oo aanay dani ugu jirin.

Ugu dambeystiina abwaan Hirad waxa uu ballan qaadayaa in aanu marnaba ka mid noqon doonin kuwa loo wakiisho waxyeelaynta dadka aan waxba galabsan.

Haddaba abwaanka oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlayaa waxa uu gabaygiisii
Abaal
ku yidhi:-

Nin weyn oo wisiisiyey    wixii nolol ku soo maray
Weedhuu ka sheegaa    aarmay idin wareentaa

Markii duul washaysiyi  waleecaad ha raacee                                    
waddenkeenna gubayeen   koonfur iyo waqooyiba

Dawlidnimo la waayaye   ciidan waabiyaa jirin
Jabhaduhu wax reebayn   wiilal faydan taliyeen
Qaar wadaadda sheegtana   ku waafaqay halaaggii
Wershedihii la dumiyaye   wasiiradii la gawracay
Nin waliba walaalkii iyo   kii xigay wadnaha jaray
Dadkoo meel ku wada nool   qaar waa kan la lahaa

Hantiday  wareejeen iyo   maydkii wadhnaa daa
Wahsi li’i markay orod   naftu wehel ka dhigataye

Waaqlihiyo rasaastii   dheguhu wiifta na hayeen
Wedka ka cararkiisii   webiyada ku jiidhnaye
Wadiiqada habaarwaalid   ku weydoowney toban godol
Waxaan sii waraaqnaba   xadka Kiiniya walam nidhi

Maalintaan walaalnimo   Carabtii ka weynaye
Islaamnimo wadaaggii    weyrax noogu imanine
Wiswis diinta qaar galay   wacdi lagu daweeyaye
Qaarna ay ku waasheen   weerarkiyo xasuuqii

Wakiiladii Maraykanee   waabahaanu jiifniyo
Welwelkii qaxootiga   naga soo walwaalaye
Waraaqaha na siiyaye  dalka nala wadaag yidhi
Kii weligii joogiyo    kii waagaa soo galay
Xuquuq inay wadaagaan   warkeedii na siiyoo
Warasadiyo dumarkii   wahabkii ka qaadoo
Waqtigay yimaadeen   intii ay wakilayeen
Waayuhu u kala bixin    wig iyo welfeer hele                                                        

Dhalintana wax barashiyo,  shaqo waasac uga dhigay

Waayeelka daalana,  waalidkood sidaan nahay
Lacag aan la waayeyn,  oo la waabin noo qoray
Waxtarkiyo xanaanada,  naga weecanaynine
Waagii guduutaba,  caafimaadka noo wada

Adduunyada wixii dhaca   Waaxid kaa qadarayoo
Maalin waad wacnaataa   midna waad wareertaa
Dadna waa wabiin jaan    midna waa wadeygaa
Waxaad kala ogaataa   markii wegerad kuu go’o

Runta lagama waabtoo   been looma weecdee
Wedenkeer Maraykaan   waa hoy walaalnimo
Haddaan walax abaal guda   waafi looga dhigi Karin
Wargaysyada in lagu qoro   waajib bay inagu tahay

Kuwa weger yidhaahdee   wanaaggaa illaawee
Dalal kale warkood iyo   wiglo noo cayaaree
Walaahowga beenta ah    dadka ku la wareegaa
Keenana ku wiiqaa   na walaaqi maayaan

Kuwa walafku qaadaye     wada hadalka diidane
Diintii wacnayd iyo    waanadeed maqlaynine
Weliyaal Ilaah iyo    warjeefyada carruuraha
Dadka wadar u laynta noo wakiilan maayaan

Weedhii abwaanadu    horay noogu weriyeen
Waatii ahayd hadal badan weel ma buuxshee
Duul kastoo wax dilisiyo   fidmo iyo wareer wada
Waa weled ibliisoo    na walaashan maayaan


Maxamed Hirad
San Diego California
E-mail:xagar2000@sbcglobal.net

Copyright 2007 Wardheernews.com