Hanfade

Waxa Curiyay Mohamed Hirad
August 31,, 2007
Print Friendly

Gabaygan waxa aan tiriyay bishan aynu ku jirno ee August 26 keedii. Ujeedada maansadu waa hoga tusaalayn iyo talo aan tolkay u gudbinayo. Waxa ii muuqatay in dagaalka maanta ka socda gudaha Soomaali Galbeed oo ah mid aan Soomaaliyi u dhammayni uu yahay mid lagu halaagmaayo. Waxa cad in gumeysiga xabashida iyo tacadiyadooda lagaga hortegi karo oo keliya dagaal loo dhan yahay iyo midnimo. Sida hadda muuqata dagaalkan waxa xooggiisa keli ku ah Maxamed Subeer. Taas oo ay caddahay sida cadceedda in ay ku heermayaan haddii aanay isdaba qaban.

Waxa intaas dheer xilliga maanta Soomaaliyi ku jirto oo ah mid ay u qaybqaybsan tahay reero iyo weliba Itoobiya oo kala daadsanaantaas awgeed maanta gacanta ku dhigtay Soomaali oo dhan. Caqli marka  ma’aha in la yidhaa Itoobiyada noocaas ah baan qaab qabiil kula dirirayaa.

Waxa ay maansadu reer tolkay oo dhulka aanu wadaagno usoo jeedinaysaa in xilligan maanta lagu jiro aanay dan ahayn in dagaal la galo, balse loo baahan yahay in xeel iyo garaad la isticmaalo. Horaa loo yidhi: colka wadhaf ma lagu dayay ee waxa ay ila tahay in bal maanta nabad wax lagu raadiyo, islamarkaanna la isdiyaariyo, Soomaalina la isla doonno.  Waxa weliba loo baahan yahay in Soomaali Galbeed qowmiyado badan bay kula dhaqan tahay Itoobiya ee in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa midnimadeeda.

Xilligan waxa loo baahan yahay in dagaal aan hub ahayn lala galo Itoobiya. Kaas oo aynu xuquuqdeenna ku raadasanaynno innagga oo aan irbad u dhaafin qolyaha maanta gacanta ku haya Itoobiya. Waxa maanta dunida galbeedka ku dhaqan kumaankum u dhashay degaanka Soomaali Galbeed oo qaddiyaddeenna iyo xuquuqdeenna si hufan usoo bandhigi kara. Waxa la marayaa xilli wax kasta oo caalamka dacaladiisa ka dhaca lagu ogaan karo daqiiqado. Dagaalkaas ayaa aragtidayda ku habboon in aynu xilligan galno.

Waxa iyana waajib ah in aqoonta, horumarka iyo nolosha dadkaba lagu tala galo in wakhti kooban kor loogu soo qaado. Waa in mar walba lagu dedaalaa in aynu xoojinno midnimada.

Waxa ay maansada Hanfade loogu magac daray tidhi iyada hogatusalaynaysa tolkay:

  1. Axmedow ninkii hoorriyaa   talo ka hoostaaye
  2. Habeen buu gudaa maalinimo  ay hadhkii tahaye
  3. Ma haleeelo waanada markii   hoo la leeyahaye
  1. Duul aan hareeraha wax jira   halista dhawraynin
  2. Oo hoos u deyahayn kobtii   lagu halaagmaayo
  3. Haadaan buu ka duulaa tashigaan  loo hubsanahayne
  1. Haddaan talada madax haybadliyo  odayo haaneedin
  2. Oo hadafka aayaha la rabo  hilin cad loo jeexin
  3. Waa hagar naftii laga galoo  lagu hanqaarmaaye
  1. Haddaan hoos u daadego  waxay hibatay laabtaydu
  2. Dhaaxay hubqaadeen tolkay  hawlgal dirireede
  3. Dhaaxay hujuumeen kufriga  xabashna heereene
  4. Dhaaxay habeen iyo dharaar  weerar humayeene
  5. Dhaaxaa waraabuhu hirqaday  hanaddadoodiiye
  6. Dhaaxay habkii dowladnimo  u hanqal taageene
  1. Ha yeeshee waxay ku hamiyeen haakah may odhane
  2. Hannaankaa ka liitiyo siday  u hindisoodeene
  3. Haasaasahaa laga gartaa tay  hadhow noqone
  1. Afartaa ha’dii gabayga iyo  erayadii Hawd dheh
  2. Horay waxaan u soo joogay iyo  hubantideedii dheh
  3. Hawraarihii Samatar iyo  Cali habkiisii dheh
  4. Hadal kalana waa haatan iyo   hawsha soconaysa

  5. Halgankay wadaan reer Subeer  waa habawnimo e
  6. Hawiraad naftooday galeen   hadimo xeel dheere
  7. Xabashkaa hawada duulayee  badaha soo haabtay
  8. Ee Soomaalidii heellanayd  halabsadee fuulay
  9. Anaa keligay heensaynayoo   soo hoggaan baraya
  10. Waa riyo hurdadu keentay iyo  qaar habsaanihiye
  1. Bal inay dagaalkay humeen   lagu halaagmaayo
  2. Ma hayaan hub iyo saanad iyo   ciidan heeganahe
  3. Ma hayaan cid hiil iyo wax qabad   ay kula heshiiyeene
  4. Kuwii hayb u xigay baan haddeer   hoyga gelinayne
  5. Dar baa magaca haaraamayoo   kaaga haayiraye
  1. Harti iyo Bah Geri baan hadayn   ficil horseedkiise
  2. Hareertaa galbeed qaar jiraan   soo hinqanahayne
  1. Geri iyo jidwaaq la hubsayoo   waa hamranayaane
  2. Cawliyahan hub soo qaatay   baan lagu hallaynayne
  3. Reer Aw habaar bay wadaan   nama haleeshaane
  4. Hawiyaan hadh kuu jiidahayn  waa ku hodayaane
  5. Isaaq hadalkii daayoo dhammaan  waa hundhudhayaane
  6. Markii adiga hoobiye madfaca  lagu huluuqsiiyo
  7. Hambadii dhulkeennii ka hadhay   wada hantiyaayaane
  8. Annagana hamaansigaa xigaa   waa habeen qudha e

  9. Makaahiil halkuu naga xigaa  haad ku dhacayaaye
  10. Haro Xagarray kama foofiyaan  geel horweynno ahe
  11. Abraahiin hubkaa lala dhacay   hibasho weyn reebye
  12. Suldaankii hogtaa lagu fadhiyay   haatan laga waaye
  13. Raggii halaha lagu maali jiray   waa hangool jabane
  14. Arrintaa bal hoos ugu faqoo  hubantideed sheega
  15. Haddii kalase anigaa hungiyo   ruux hadhiino ahe

  16. Afartaana haasaawe iyo   hoga tusaalayn dheh
  17. Tolkayaan sidii ila habboon   halista sheegeed dheh
  18. Ma hagradee waxa aan hamiyo   waan u hurayaaye
  19. Erey kalena waa hadal yaraan   dib u habayn mooday

  20. Geesigu mar buu hebed noqdaa   calal hullaabtaaye
  21. Hannaac iyo marbaa loo filaa   hooge taag darane
  22. Huluulaha mar buu kaga jiraa   talo hogaankeede
  23. Hubka iyo mar buu tiiriyaa   hootaduu sidayeM
  24. Mar buu nacabka hoosaasiyaa  nabad ku heesaaye
  25. Qosol aan halkaa jirin mar  buu kula hadaaqaaye
  26. Halaq iyo mar buu sida  abees hilinka seexdaaye
  27. Iyadaan la hadahayn mar  buu boqon haleelaaye
  28. Cashaday habboon tahay   ayuu hadimo gaystaaye
  29. Oo guluf horseed uu ka yahay  ma hadho reebaaye

  30. Aniguna habkaasaan la rabay  ma hurahaygiiye
  31. Harraatida kufaartaan lahaa   la herdankood dhaafe
  32. Bulshadaa habsaantaan lahaa   horumar gaadhsiiye
  33. Harraadkay qabaan baan lahaa  haro biyood jeexe
  34. Hindisaha tacliintaan lahaa   waa hirgelaysaaye
  35. Hawlgal caafimaad baan lahaa   hoyga ugu keene
  36. Jidad wada haloosiya dhisaan   ku hammiyaa jeere
  37. Mar haddaad hormuudkii tihiyo   madax hogaameedka
  38. Degaamada hanuunshaan lahaa   heel isugu keene

  39. Hanti lagu gunneeyiyo habliyo   hadallo suugaana
  40. Dadka naga hor jeedaan lahaa   hadafka gaadhsiiye
  41. Maamulkaa la hiifaan lahaa,    habacsanaan diide
  42. Hud-hudkaan dhaliil waxaan lahaa   yaanu kuu heline

  43. Wadaaddadan hubka qaatiyo   kuwaa wada humbaalleeya
  44. Ee gaaladaa haaribka ah  u hanjabee maaga
  45. Ee shacab ku hoobtaan madfaca   lagu halgaadaayo
  46. Iyo horor naftiisiyo halliga    habar agoon haysa
  47. Inay nagu hafraan maanan rabin  qaar habaaraniye
  48. Maansadan hanfade loo baxshee    halawgu duulaayo
  49. Huqda iyo hurgumadaa qalbiga    iga hulaaqaysa
  50. Hingilaanta uurkayga iyo,    halasyadaa jiifa
  51. Hal abuurkan aan qoray ma dhimin    hugunka laabtiiye
  52. Dulkaasaan ku hoorshee higsada,   am I haaraama

Maxamed Hirad
San Diego California
E-mail:xagar2000@sbcglobal.net
_____________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright 2007Wardheernews.com