Duni Wareertay!
WT. Xasan Barkhad Aw. Muxumed
August 16 , 2009
|
Maansadan la baxday Duni Wareertay waxa ay la xidhiidhaa taxanaha silsiladda male awaalka ah, ee ay isku dhaafsanayeen beryahan dambe mareegta WardheerNews qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland (Siilaanyo, Rayaale, Faysal C. Waraabe & Xaabsade). Waxay maansadu soo baxday 30kii Julay, 2009ka.
Maansadan waxa aan ku cabbirayaa dareenka iyo fikirka Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah madaxda sare ee xisbiga mucaaradka ee Kulmiye.
Haddaba isagoo si buuxda u taageeraya Siilaanyo,
Muuse Biixina waxa uu yidhi:-
Dooddan aan la yaabee
Mujaahidkii darbanaayee
Dumar iyo carruuriyo
Da’yar iyo cirroolaba
Degelkeenna oo idil
Lagu wada diirsadee
Dib u xoreynta keenee
U dib jiray sannadahee
Dirirtiyo rafaadkii
Dagta saartay qorigee
Duriya iyo qaaxo degay
Dagaalyahanka ururshee
Duulaanka qaadee
Ku durduriyay faqashtii
Maanta waa daciifnimo
Duul aan wax garanayn
Daba dhilif iyo guul wade
Madasha inay ka doodaan
Geed wada doyaystaan
Dabuub hadal wadaagaan
Duni wareertay weeyaan
Dambarkeedii maandeeq
Mujaahidiintii loo diid
Dacdarooyinbaa jira
Agoon diif qabtaa jira
Naafo daciif ahbaa jira
Kuwo dawarsadaa jira
Darbi jiif ahbaa jira
Dulmi iyo qab baa jira
Xaqoo la duudsiyaa jira
Jeel la isu diraya baa jira
Maal la daldalanayaa jira
Maamul lagu danaystiyo
Hanti dayacan baa jirta
Lacag dibad la dhigtaa jira
Dastuur aan lagu dhaqmin baa jira
Digtaatoorinimadii iyo
Waxaan ka dagaalannay baa jira
Dambarkeedi maandeeq
Nimaan daajin baa dhamay
Kuwii dilaayay baa dhamay
Dabagalkii baa dhamay
Daahiriyo Cirraa dhamay
Kuwa doolarka ururshee
Dekedaha ku suganee
Doonyaha cashuuriyo
Cawil Ducaale baa dhamay
Dabadhilifkii baa dhamay
Diyaaradihii Hargeysiyo
Duqaynaayay maatida
Kuwii dalbanaayay baa dhamay
Dabargoyntii baa dhamay
Fule daacuf laa dhamay
Qaadhaan diidkii baa dhamay
Xaabsade dirkiisyo
Doogsin raacii baa dhamay
Dooxatooyin baa dhamay
Danaystayaashii baa dhamay
Dood kalena waxay tahay
Dirirtiyo colaadaha
Dakanaduna abidbay
Derisyada dhextiillee
Reerkan Awdal degannee
Maradii aan diidee
Daadxoorta raacshay
Dugsanaaya maantee
Docohooda taallee
Markii uu dareen dhaco
Dariiqyada sudhanayaa
Daacad baan u haystee
Maxay uga dan leeyiin
Ee innaga dahsoon weli
Doorashay ku nacay
Dimuqraadiyaw dhimo
Kugu daganay nabaday
Mujaahid daranyadiisay
Geesi laba dibleeyaay
Doqon iyo nin liitiyo
Damashaadka fulaygaay
Dabbaal miciyihiisaay
Dhaaxaan dul qaatoo
Oday I laba dibleeyoo
Waxaan damacsanaa iyo
Ii diiday sharafoo
Danta guud ka eegoon
Sheedaa ka dayayoon
Dul wareegay qasrigaan
Morgan iyo dirkiisii
Ka didiyay waa hore
Ina Kaahin dooddii
Dareenkayaga sheegyoo
Waan ka xishoonnay Daahire
Haddaan damacno maantaba
Dabadaan u qaban dhebi
Durduraanu kaga bixin
Daartan uu fadhiistee
Wallee doorkan maantaa
Da’dii baa eryaysee
Ha ku dakeeye kursigee
Haddaan mujaahidka loo dayn
Dib baa looga sheekeyn
Anigoo wax dili kara
Duco yeeli maayoo
Taa horaan u diidoo
Dagaal iyo dhibbaa iman
Dhiig daadis baa iman
Guryo dumiskii baa iman
Dib in loo qaxaa iman
Waan idiinka digayaa
Dadaw yaan la moogaan
W/T. Xasan Barkhad Aw Muxumed
E-Mail:hassan.barkhad@gmail.com
Silsiladda Maansooyinka Mala Awaalka ah:
* Siilaanyo
* Siilaanyo: Duqu Weli Ma Daalin Miyaa?
* Faysal C. Waraabe: Ha La I Doorto Ummad Yahay
* Xaabsade: Doogsin Raac
* Muuse Biixi: Duni Wareertay!
_________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |