Home Articles Somali Songs About us  

 


Heestii Komeesa iyo Ina Jicimbir**
By Dr. Abdirahman Beileh
December 30 , 2009

Folks, here is another report for you on the meeting of COMESA heads state in Victoria Falls, Zimbabwe last summer (June 2009). COMESA,  The Common Market for East and Southern Africa, comprises  …. Countries, from South Africa to The Sudan. They have a sub regional objective of collaborating and coordinating their individual activities to develop the region as one cohesive unit. This is with the understanding that each country has something to offer to the rest of the members, and that the region can collectively benefit if all actions were carried out in an organized and carefully coordinated manner.

http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/0/03/Map_of_Trans-African_Highways.PNG
The major issues of this meeting included the implementation of the corridors.. Cape town to Cairo. This is a huge project which aims at the establishment of main road networks connecting all capitals of the 28 or so COMESA countries. Somalia is the only one that is out of the loop. Folks, this is only one of the many continental mega projects that we are out. There are many others. Twenty years of unrelenting and destructive behavior have costed the Somali people tremendous opportunity to move forward with the rest of the world. There are so many other continent-wide efforts and initiatives going on under IGAD, COMESA, EAC, that ina Jicimbir is totally oblivious to. What a shame! What a shame!

The jiifto below, therefore, reports on this meeting of the COMESA heads of state and expresses my personal views and feelings about such meetings. Their deliberations focused on speeding up the implementation of the project. The delegates from each country took the floor, one after the other, informing the rest of the group enthusiastically, on how his his/her country would contribute to this important regional effort.

Of course, Ina jicimbir, as always, was not around. You know where he was! back home organizing the poor and the desperate to fight for the “ the rights of their respective clan members”  what a shame indeed!!.

So folks without further a due, here is COMESA and ina Jicimbir.

  1. Komeesa hadday shireen
  2. Hadday madaxdii kulmeen
  3. Markay kaftameen cabbaar
  4. Hadday kurada u baxeen (the high table)
  5. Kalkooda wixii ahaa (the agenda)
  6. Hadday wada kuur galeen
  7. Kor iyo hoos wax u deyeen
  8. Haddii midba kacay filkii
  9. Kalsooni waxay qabeen
  10. Haddii nimba kaalintii
  11. Markiisa “u kaadi” yidhi
  12. Kashkooda wixii fadhiyey
  13. Markay kor-ka-xaadsadeen
  14. Kollay in jicimbiroow
  15. Adoo keliyaa maqnnaa
  16. Anoo keliyaa ku tebey


  17. Komeesa hadday shireen
  18. Hadday madaxdii kulmeen
  19. Markay koori-dhoorka iyo (corridor road systems see map)
  20. Keebtawn-Harariyo Addiis (Harare, not Harar)
  21. Kayroo iyo Boorsudaan
  22. Inay killal qudha  noqdaan
  23. Dhammaan isku soo kabmaan
  24. Dhaqaalaha kadarta galay
  25. Sidii loo korin lahaa
  26. Markay kadinka u xidheen (closed- door meeting)
  27. Markii nin walliba kalkii
  28. Intuu soo koobay talo
  29. Kashkiisa ku ciil furfuray
  30. Kollay ina jicimbbiroow
  31. Adaa kelidaa maqnnaa
  32. Anaa keliday ku tebay

  33. Adduunkoo wada kallahay
  34. Kabtiisa intuu illaday
  35. Kabtiyey oo socoto galay
  36. Dhaqaaqoo samada koray
  37. Kaaf iyo caliyoow arrini
  38. Inay kala dheeri tahay
  39. Kollay in Jicimbbir weli
  40. Kobtii buu yuururaa
  41. Miciin li’i kuududaa
  42. Ficii  isagoo ka hadhay
  43. Dhaqaaliyo kaalmo raba
  44. Kubkiyo bowdada ka jaban
  45. Kacaa-kuf  wixiisu yahay
  46. Ayuu kibir iyo xasarad
  47. Anaa keliday u mudan
  48. La soo kadalloob-xun yahay
  49. La sii kabo-foolxun yahay
  50. Kabaallada awrka iyo
  51. Koortii buu weli sitaa

  52. Komeesa hadday shireen
  53. Hadday madaxdii kulmeen
  54. Markii ay kama dambeyn
  55. mudaneyaashii kaceen
  56. kore u qaadeen gacmaha
  57. kurtood wada heesayeen
  58. hoheey kursigaaga madhan
  59. wuxu  igu falay kadeed
  60. waxaan kurbanaayey ciil
  61. korkaygu dubaaxin jiray
  62. waxaan kulligey is galay
  63. timuhu sare ii kaceen
  64. qiyaas kuma keeni karo
  65. kollay ina jicimbiroow
  66. waxyeellada kama koroow
  67. kobtaa adigaa is dhigay
  68. kumaankum sanoo jirfaday
  69. sidaad uga kaban lahayd
  70. kaskeeda miyaad qabtaa?

  71. Waxaan karti weyn lahaa
  72. Waxay igu kaman jireen
  73. Inaan kow- iyo- badh ahay
  74. Kun-ciil lay wada yiqiin
  75. Nin aan kabihiisa tolay
  76. hadduu kafankayga sidu
  77. Karkaarka miyaan agmaray
  78. Miyaan keliday u baxay
  79. Karaamadii beeshayada
  80. Dabkii an kulaali jiray
  81. Kaahii wax iftiimin jiray
  82. Kollay ina Jicimbbiroow
  83. Ilaah jar ha kaa ridee
  84. Adaa kadar dheer ka lulay
  85. Dheriga karay ee fatahay
  86. Kulaylka adaa ku shiday
  87. Haddaan soo koobo talo
  88. Kefaaya intaad dhahdaan
  89. Intaad wax u kaadisaan
  90. Intaad Rabbi kaashataan
  91. Intaad kelidiin shirtaan
  92. Intaad is kalkaashataan
  93. Heshiiya miyaad kartaan?

______

**Ina jicimbir is an embodiment of a typical Somali contemporary “politician”  in Somalia. He exhibits most, if not all of the following characteristics:

  1. Has very little or no formal education.
  2. A male.
  3. Calls himself  “ Doctor” or even “Professor with no more than elementary teaching credentials) ”  with strong believe that he is one.
  4. He knows it all, and needs no advice from anyone.
  5. Believes that he can be anything and can talk about any subject, and without any inhibitions.
  6. Knows no modesty, no humility, no respect for the views of others.
  7. Believes his clan has always been subjugated by other clans and it is his responsibility to fight for the rights of his clan.
  8. Supports good governance, government, unity etc,  only if he and his clan will be in a position to take the helm;
  9. Typically believes that his clan has the largest membership among all Somalis, and yet not prepared for a one man one vote democracy;
  10. Mostly in it for his pocket and nothing else;
  11. Has no national view of any sort,
  12. Has no clue of what GOVERNMNET means;
  13. Knows no boundaries for him and his clan to dominate, can do anything to achieve such a goal even if it means wiping out the rest
  14. Has no views about global issues and how they affect the country.
  15. No conscience, no feelings, single mindedly focused on his personal goal.
  16. Cannot compete on his own merit and so he hides behind the veil of a clan

So, there you have: Ina Jicimbir.

Thinking about his attributes and how evil this person has been to the Somali community, I decided to coin the following song as a New Year’s gift especially for him.

Heestii Ina Jicimbir by Dr. Beileh December 30, 2009

  1. Ummuurahan igu jiqda ah
  2.  Sidaan ugu jabay kufkay
  3. Jugtaad ii gaysateed  
  4. Hankayga u jabisatiyo
  5. Sidaan beryo kuu jeclaa
  6. Maxay kala jaad yihiin
  7. Adaa Ina Jicimbirow
  8. Degaamada kala jeediyoo
  9. Jar iyo laalay ka riday
  10. Maxa nagu kaa jirrabay
  11. Intaad juro’ naga tidhaa
  12. Jeebkaaga daloola iyo
  13. Iimaanka ku jaamudka ah
  14. Jidkii  Ina Koofil maray
  15. Kacoo jahannama la aad
  16. Sidaa kula jaar ahow

    Hooris


  17. Inaad juuq ii dhahdiyo
  18. anigu jabaq kaama rabo
  19. jawaab kale ha iga filan

  20. Markuu jiilaal ku tago
  21. jir iyo roob noo onkodo
  22. Jidhaamuhu buuxasmaan
  23. Jamaad iyo ina gobaad ( laba halaad magacyadood)
  24. Jeleefanka laalan iyo
  25. Dareemada jalaqsan iyo
  26. Xareedda ka jalamsadaan
  27. Markaan jinow caanaheed
  28. Xasiid ku jalaabuteeyo
  29. Jintaydu markay adkaato
  30. Markaan u jahaysto raaxo
  31. Jaangooyadu ii dhammaato
  32. Maxaan Ina jicimbiroow
  33.  Jab aan kula maaganahay
  34. Jaantaada illoo ka soco
  35.  Jiciiro oo reerka dhaaf

    Hooris


  36. Inaad juuq ii dhahdiyo 
  37. anigu jabaqdaa ma rabo
  38. jawaab kale ha iga filan
Dr. Abdirahman Beileh
E-mail: A.BEILEH@afdb.org

Related Articles:

* Heestii Ardo ( Ardouina Lewis and Dr. Beileh)
* Qaylo Dhaan: A dialogue between the Somali Flag and Dr. Abdirahman Beileh
* Dr. Beileh's cry of concern: A follow-up
* Nadifo Culusow and her song to her six month old Hanad
* Qaylodhaan II
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright 2009 WardheerNews.com