Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

 


Hees Cusub - "Siyaasaddu ma'aha dhiig"
WT. Cali Axmed Raabbi "Cali Seenyo"
September 06 , 2010

Ali Ahmed Rabbi "Ali Seenyo"
Abwaan Cali Axmed Raabbi

Siyaasaddu Ma'aha Dhiig waxa hees cusub oo uu allifay Abwaan Cali Axmed Raabi "Cali Seenyo". Taas oo ka hadlaysa colaadda umulo dooxa iyo aqoon la dirirka ah ee ka aloosan gobolada koonfureed ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Heestan waxa qaadaya 3 fannaan oo u dhashay Somaliland iyo 2 fannaan oo ka soo jeeda Jabuuti. Waxa abwaanku uu fannaaniinta degaanadaas ka soo jeeda uu ugu xulay heestan si ay u yeelato saamayn ka duwan kuwii hore.

Waxa heesta laxanka saaray Maxamed Axmed Qoomaal, waxaana qaadaya Fanaaniinta kala ah: Nimco Yaasiin, Cabdiraxmaan Xadanteeye, Ikraan Carraale, Cabdi Qaboojiye iyo Kaltuun Xasan Bacado.

Heestii oo qoraal iyo maqalba ah fadlan ka bogo:

Nimco Yaasiin
(Nimco Yaasiin)

Ma aha seef laba afliyo
Sir iyo boob lagu tartamo
Dadkoo la sukuumo iyo
Siyaasaddu maaha dhiig

Ma aha saxariirka iyo
Silica hooyada la baday
Sallaan kursi lagu helee
Ninkii sugayow la waa

Dhextaal

Suugaanta dardaaranka ah
Runtii waxaan uga socdaa
Sandulle layguma xukumo
Seetiyo dabar kama cabsado
Soomaalina taa ma geyo.

Xadanteeye
(Cabdiraxmaan Xadanteeye)

Ma aha salow iyo colaad
Dagaal iyo dhiig sunsuma
Seeskii noloshoo la tiro
Waxay sugayeen shacbigu

Ma aha dulmi samada kora
Siic iyo aafiyo tacluus
Dadweynaha soogan iyo
Dalkaba in la siisto shillin

Dhextaal

Suugaanta dardaaranka ah
Runtii waxaan uga socdaa
Sandulle layguma xukumo
Seetiyo dabar kama cabsado
Soomaalina taa ma geyo.

Ikraan Carraale
(Ikraan Carraale)

Ma aha niyad saafiyee
Miyaa wada suuxsantiin
Dagaalka maxaydin sudhay
Nabadda mow saro kacdaan

Ma aha inaad suudashoo
Qayrkaa sanka kaa tolee
Sidaa u dhantiin hinqada
Sadqeeya kuwaydin dhibay

Dhextaal

Suugaanta dardaaranka ah
Runtii waxan uga socdaa
Sandulle layguma xukumo
Seetiyo dabar kama cabsado
Soomaalina taa ma geyo.

Cabdi Qaboojiye
(Cabdi Qaboojiye)

Ma aha sabarada guryaha
Dukaamada suuqa iyo
Saylada miinada la dhigay
Sidii muslin yeeli jirey

Ma aha belo saadiyoo
Wedkaaga u sacab tumee
Ninkii samo doonayow
Haddeer sulufaha ka joog

Dhextaal

Suugaanta dardaaranka ah
Runtii waxaan uga socdaa
Sandulle layguma xukumo
Seetiyo dabar kama cabsado
Soomaalina taa ma geyo.

Kaltuun Bacado
(Kaltuun Bacado)

Ma aha saymiyo xumaan
Dharaar walba mayd la sido
Sokeeyaa is dooxayow
Islaamnimo maaha sidan

Ma aha siduu Saatir yidhi
Sunnihii Nebigee mudnaa
Ibalys baa idiin sanqaday
Shaydaan baa u siddaan qoryaha

Cali Seenyo
"Intaad ifka joogto u hiili aqoonta"
E-Mail:
seenyo@hotmail.com

_______________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com