Adaa Duudsiyee Garo
WT. Maxamed Maxmuud Maxamed Cashare (Coon)
August 10 , 2009
|
 |
| Carruurta Dagaalka ee Soomaaliya |
Caado ahaan haddii dhibaato timaado, xalna la rabo in laga gaadho, waxaa dib loo milicsadaa sooyaalka taariikhda nolosha. Qofka bani aadamka ahina marka uu wax ku kacayo waxaa uu marka hore lafa guraa ama miisaamaa khasaaraha iyo faa’iidada uu ka mudan karo waxa uu doonayo, isagoo weliba ilaashanaya tiisa adduun iyo tan aakhiroba.
Sida dhabta ah haddii ay is le’ekaadaan ama khasaaruhu bato, iyana waa mid aynu isla qirsannahay inaan si sahlan uga fara laabanno ku kicidda arrintaas. Haddiise ay dhacdo in qof ku dhiirado, kuna khasaaro, waxaa uga kordha waayo aragnimo ka dhinnayd. Taas oo dhaxalsiisa in aanu dib ugu dhicin khasaare la mid ah kuu khibrada ka helay. Waxa taas tusaale fiican u ah maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd Dab aan ku gubin danbaskiisa lagama baydho.
Haddaba Maansadan aan ku magcaabay Adaa Duudsiyee Garo oo aan tiriyey bishii Julay 27keedii, 2009ka, waxaa igu dhaliyay markaan arkay dhowr arrimood oo ah wax lala yaabo, gaar ahaan marka laga hadlayo dhibaha ka jira dhulkeennii hooyo. Tusaale haddaan soo qaato waxa dhacda oday wiilashuu dhalay iyo naftiisiiba u huray waxa loogu yeedhoo Kaaba Qabiil, Qabqable Dagaal, Hoggaamiye Kooxeed, Wadaad Diineed Dagaal Ooge ah iwm. Waxa iyana mucjiso ah ka odaygaas curaddadiisii ku waayay, ayna u caddaatay inuu cidla gudayey, laakiin halkii uu ku cibro qaadan lahaa weli dariiqiisii haya! Waxaa intaas dheer , maxaa wiilal Dhalinyaro ah maskaxda laga xaday oo naftoodii hodey.
Xaalku maanta waxa uu marayaa: dugsi waa la dhaafee, duulaanka reer hebel iyo dhiig daadintaa mudan, ama diintu waxay tahay afka oo la duubtee, janaa dagatey weeyee, kaalay doox walaalkaa.
Waxaa taas ka sii daran, kuwa hadda la wada heesahaas hallaasiga ah ee ay saaxiibadood ku dhinteen dagaaladan aan dhammadka lahayn. Mase isweydiiyeen tolow Abu Qarxiye iyo Abu Qaxiyahan hoggaamiyaha ahi waxa ay iyagu furinta hore u aadi waayeen ama isu miidaamin waayeen oo ugu shahiidi waayen janada ay dadka kale u tilmaamayaan?
Waxa badan mid maal adduun iyo ubad magacyale Eebbe siiyey, carruurtiisana kala baxsaday dalkaas hallaaggu ku habsaday, tacliinna u helay filkiina ugu faana ayaa inta uu waddankii ku noqdo ubadka iyo shacabka masaakiinta ah ku daga dagaal wejiyo badan leh. Kaas oo hadba shaadh u gashada, sida mid qabiil mid diineed iyo mid danaysi gaara ahba. Waxa uu ku tiritirsiyayaa ubadkaas dhibban derejadooda, mustaqbalkooda iyo aayohooduba in uu noqdo in ay wax dilaan ama la dilo. Duqaa carruurtiisii digtoorada iyo duuliyayaasha ku magcaabayse inuu kuwa dadka kale laayaa ma xaqbaa?
Waxaan ku soo gunaanadayaa qofkii daacadow garo. Waxaad wanaag ku heleysid xumaan laguma doono. Dadkaaga iyo dalkaaga oo aad aayahooda adduun iyo mid aakhiraba daacad ugu qabataa umadda ka sokow abaalkii Eebbena waa mid kuu yaal.
Nin mindi ku dul haya, dan gaarana wata, kuguna duullaan ah ama diinta ku soo gabada inaad derejo qabiil ku taageertaa aday kuu daran tahay. Diidmadaa ka wanaagsan baan ku leeyahay.
Maansadiina waxay tiri :
Delebka iyo deelkaan
Ka durkaayey waayadan
Dulmartiyo ugeyntaan
Ku xidhaayey dabaroo
Dhaaxaan ka durug iyo
Lahaa yay dakaamine
Darbadaaley iga hoo
Dareenkii wax garadlaa
Loo daadejaayoo
dawadiisa ay tahay
Ka dul boodey muu garan
Dam miday ka tahayoo
Kuma ay duxaysee
isagana dareensii
Dacwadduna waxay tahay
Aan kuu daliishee
Dabaqaan ka qaadiye
Darafyaday ka oodnayd
Anaa daah furaayee
Adna Daacad ii maqal
Degelkuu lahaa iyo
Deyrkuu ku noolaa
Ninka dib u tumaatiyey
Damqay oo waxyeelada
Ku dedaala abidkii
Duxda uu ka maalina
Deebaaq qadhaadh iyo
Mid u daran inay tahay
Daacaddii furayoo
Dakharadda ka gaadhana
Dibindaabyo hoosiyo
Doqoniimo dhaxalkeed
Daaraddiisa taalloo
Maatadoo dam oo ba´an
Ubadkoo daryeel li´i
Dugsi hayska joogee
Aan malcaamad loo dirin
Misna aan ka digiigixan
Ka daldoorsan oon garan
Tiisana dabooloo
Weli daba ordaayaa
Wixii daashadoo hore
Dacartuu ka muudsaday
La dakaansan weliyoo
Aan garan wixii diley
Daahna kaga qarsoonayn
Yaygu diiddan oon furin ?
Damiin ba´an inuu yahay
Docdii aad ka eegtaba
Daad ayaa run wada sida
Doonidiina lama garan
Dakhalkii ka liicyoo
Degid bay ku dhowdahay
Welina waxay dumaayaan
Dirirtiyo colaaddii
Lagu waayey degidoo
Hidlar uu ku dabar go´ay
Uu lahaa waxbaan dumin
Ciidan kaygu waa door
Anigaa ka duuble ah
Dunidaan u talinoo
Doob jira ayaan noqon
Dad ninkii i raacaa
Doobigiisu buuxaa
Teennaa dareenkiyo
Ka salowda doca badan
Duullaan colaadaha
Doob iyo duqay iyo
Dumar aan la dhaafayn
Maato aan la deyneyn
Nin ka derejo moodoo
Loo wada durbaan tumo
Duqa duugga noloshaba
Derejada u haystaa
Inuu debedda aadoo
Dalka aanu kaga tegin
Deeqiyo wuxuu dhalay
Intuu deyr usoo dhigo
Dusha uun ka eegtoo
digtoor iyo yiraahdaa
Waa Deeqa Luuloo
Midna waaba uur doox
Cudurada daweeyoo
Higta digrii mid baa helay
Oxfoodhna waw diray
Afar kalaa danbaysoo
Dedaalkaygu muu yara
Marba shaadh kusoo duul
Dadow waan la yaabee
Kuwuu dooxayaa abid iyo
Daad xoorta yaa dhalay?
Mise waa daleel yaal
Dogobyadda la mida oo
Lagu dhaafo dooxyada?
Oo Daa´im uma qorin
Dabla saaro maahee
Inay derejo gaadhaan ?
Duullaan habeen ley
Waa xeelad daah dheer
Mar waa duuble reer dhaqa
Marna waa dagaal wade
Marna waa qabiil dume
Marna waa wadaad daran
Oo diintuu u hiishaa
Derejooyin badanley
Dalalow kasoo kaca
Duullaan ayaa jira
Tolkayow waxay daran
Deyrar kale inaan gubo
Idinkaa dadkayga ah
Anigaa dantiin wada
Dooddiisu weeyaan
Hadba shaadh ku deele´e
Daganuhuse waa kuma ?
Baroordiiq ayaa timi
Dakanooyin dabadeed
Kun baa deyrka wada yaal
Naafaduna waa door
Dalal oo walaalkii
Dirir hore ku go´ayoo
Meydkiisi haad dedey
Ayaa maanta lagu daray
Duqii dhalay baroor diiq
Dedmey oo xabaal degey
Goblan daaradaydiyo
Maantuu docday yaal
Da´daan joogo xaal dumey
Waxaan yuururaa dame
Cirqadaydu may deyin
Dabkii aan haloosiyey
Doqoniimadaydii
Duuggeedu inuu yahay
Diilalyadan I haysiyo
Ilmo duugistaydaan
Cidi ii dar yeeleelayn
Ninka maanta daganina
Waxba yaan danbaabine
Waa duqagan yuurura
Oo runtii dagaalkii
Dam damta iyo roorkii
Dirir wacan ka geystoo
Maantana duxdeedii
Aanu didiye eegeyn
Dantiisiina gaadhyoo
Ka dulmanina waa ani
Haddii uu digtoor dhalay
Oo uu dal kale jiro
Aaway danabadaydii?
Saddex duugey door hore
Waxaan dereja moodana
Uma helin daryeeloo
Waxaa debedda ii yaal
Kii ugu danbeeyoo
Cid aan ugu dan sheegtiyo
Ruux ii daweeyiyo
Mara aan ku duugaba
Dadow waan u waayee
Waxaa iga dardaarana
Dowgaan horuu aray
Ninka iga danbeeyoow
Duugiisu duugiisu duugiisu waa kaa !!!
Taana waxaa ka sii daran
Ifka waan danbaabee
Aakhiro kolkaan deyey
Dakaniyo cadaab iyo
Cadho Daa´im badiyee
Denbi dhaaf ma helayaa?
Derejooyin badanley
Hadal laguma daalee
Waxa aan ku daah rogey
Laba iga dardaarana
Dowgana Allaa garan
Dalacaad nin kuma helo
Danabada la laayee
Ninka dila ku faanow
Haddaad adigu door tahay
Oo ubadkaa digrii iyo
Dugsi ay heleenoo
Cudurada daweeyaan
Oo indhahaagu daymada
Ay ku doogsanaayaan
Kuwa aad dilaysaba
Illayn hooyo dihatoo
Ilaah deeq umuu siin
Murugada la deristee
Adaa duudsiyee garo !!!
Docda kale waxaan idhi
Dalluumahan la qodayee
Dusha laga daboolee
Doox oo ku dayoda ah
Sida midhaha darayga ah
Duuduub ninkii liqey
Isagaa u doorlee
weydiiya derejada !!!
Waase iga dardaarane
Da yartii dhukaygaay
Dunjigeennu inuu go’o
Iyo inaan ka dirirnaa
Deelqaafka nagu dhacay
Idinkaa u door lehe
Weli deyrka kama tegin
Dabka kii shidaayoo
Danbaskiina waa yaal
Degelkeennii hooyee
Kacdoonkii dadkaa yidhi
Dabaqasho weeyee
Mar uun diidney wada dhaha.
WQ. Maxamed Maxmuud Maxamed Cashare (Coon)
E-Mail: coon_igge@hotmail.com
Qoraalada Kale ee Maxamed Cashare:
* Eedaadka & Walbahaarka Tahriibta
* Odayaal Tukubaaya iyo Ayeeyooyin Tahriiba
_________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |