Home Articles Somali Songs About us  

 


Allow Sahal
WT. Maxamed Maxmuud Maxamed Cashare (Coon)
April 06 , 2009

Gabaygan aan ku magcaabay “Allow Sahal” waxaan tiriyey 27 March, 2010. Dabcan waa mid ka hadlaya dhibaatada Ummadda Soomaaliyeed ku habsatey oon oran karo "waa hal laba midigle dheelmayaa oo dhana uma bed qabo". Dhibta waxaa u nugul haweenka iyo dhallaanka, dhalintiina waxaa muuqata inaan wax u yaallaa jirin.

Markii ay waayeen xaqoodii iyo xuquuqday lahaayeea waxa ay dhaxalsiisay dhuumo oo tahriib ku dhimo iyo waxaan dhaammin.

Waa yaabe sow dhab ma'aha in rag ku faa'iidey wanjalaadda iyo wadna goynta shacabkooda, qalalaasaha iyo degid la'aantuna ay u tahay meherad ay ka macaashaan? Waxba yaan ku dheeraan ee dhug u yeelo oo dhuux dulucda gabaygani xanbaarsan yahay.

Gabaygiina waa kan ee ku soo dhawaada :

Saqdii dhexe ayaan soofayoo dhaafay seeraha'e
Sariirtaan ku jiifiyo ka tegey sabadii aan iille
Waan sibiq dhaqaaqqoo anoo soogan lay aragye
Sahwigaa waxaa igu ridoo selelka ii keenay
Ama aan u saranseerayoon seexasho u diidey
Murugadda salkeedaan arkiyo seeskan kala yaalle

Waa duni sidaa lagu dhegoo lala saqleeyaaye
Waa duni sarbeeb iyo xumaan laysku saacido e
Waa duni ninkii erey sax dhaha loo sindhidhayaaye
Waa duni seetadii goosatoo suushey waa hore e
Waa duni sugtiyo aan aqoon suun wax loo maro e
Waa duni sed aan loo tabcayn laga sugaayaaye

Waa duni samaantiyo xumii siman u muuqdaane
Waa duni nimaan sax u arkini diiraddow sido e
Waa duni qabyaaladi surkiyo goysey seedaha e
Waa duni saqiirkii la baray seegtadii hore e
Waa duni sabaaliyo wanaag laga sasaayaaye
Waa duni hadday suubanayd seeska loo qodaye

Miyir kuma sifayn karo hadaad si u arkaysaane
Suurtii qiyaamaha la mood maanta say tahaye
Hooyaa saqiirkii dhigtoo haadku sayn-sabaye
Sidii baa madaafiicdu weli suuqyaddow dhiciye
Sidii baa saskii ugu jiraa magici Soomaale
Sidii baa mid seygeed dhintoo toban saqiir haysa

Oon cidina saaciido iyo gacan ku siinaynin
Hadday soofto oo hoobiyuhu saafo hilibkeeda
Ohey sabaradeediyo gacmaha maduxu saydhaamo
Sidii baa surkoo maqan dhallaan weli sugaayaane !!!
Ma sax baa inuu sumucu dilo hooyo saxariirsan ?

Ubadkeedi bay solatay oo saartay daawaha'e
Immisaa cadrado suubanaa soodhka lagu boobay
Salligeedi baa lagu kufsaday sowjad saalixo'e !!!
Qaarbaa sibraa laga qodboo seeto loo xidhaye
Saskan dhacay halaag lagu sugmiyo suustan bixi wedey
Samuhuba ragbuu ugu jiraa silica Soomaale !!!

Sagaal oonka seedaha engegey si u waraaqowga
Subax joogta waxay sii sidaan meyd silloon arage
Saableyda oo gaara iyo madaxa oo soogan
Sanbabada cidlaa laga helaa ina Salaadow'e
Inta sibiq dhaqaaqdina ka badan saynta guudka ahe

Sekenderi dhammeeyoo ma helin tacab wax soo saare
Seebiskii badda lagu dhammayn cududdii Soomaale
Saxaaraha ma dhaafaan kuwaad weli sugeysaane
Sirta iyo waxay tuban yihiin Mahadow Suudaane
Siriq jeelashay ugu dhintaan saan ogsoonnahaye
Goormaynu say maanta tahay samo u weydaarin ?

Ma suurowdo inuu siinle yimi saxalkan saaraaye
Salli looma dhigo xaajo aan labo saf oogeyne
Sahay lama walwaasheen haddaan socodku dheerayne
Saadaalin loogama fureen summal kaliishiiye
Subag laguma dhaashteen hadaan saabka loo tolane
Sixin uu nin kale leeyahaan suunta kaa bi'ine
Suus iyo madaal kuu baxaa kaaga samir roonne
Sumcad weyne xooggaaga waa lagu sarreeyaaye
Maxaa saraca meel kale ka yimi silic inoo geystey !!!

Waxba yaan sa'diyo wowga iyo sadarro moorayne
Sal inaan u yeelaan rabaa talo sugnaanteede
Guulloow samaan kugu baryeye adigu hayseejin
Sakaraadka Eebboow cadaab haygu sara joojin
Su'aashiyo Alloow haygu dhibin xumo waxaan suubshey
Ummaddeeni Soomaal Alloow way silloon tahaye
Simbiriirixaa nagu dhacdoo seegnay marinkiiye

Saafaat Watiin iyo Salsalah (Zalzalah) suuradaha Eebbe
Mid waliba sifay leedohoo lagu sugnaadaay
Sacabbadda Allow kuu dhigtee samaha noo hoori
Si kastaad u eegtaba Adduun waa silloon yahaye
Allow sahal siday saaka tahay waad la socotaaye
.

W a Billaahi Towfiiq

WQ. Maxamed Maxmuud Maxamed Cashare (Coon)
E-Mail: coon_igge@hotmail.com

Qoraalada & maansooyinka Kale ee Maxamed Cashare:

* Eedaadka & Walbahaarka Tahriibta
* Odayaal Tukubaaya iyo Ayeeyooyin Tahriiba
* Gar u Walaalooba
* Adaa Duudsiyee Garo
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 Wardheernews.com