|
|
“Kaa ha la ogaado”
W/T Maxamed Maxamuud Maxamed
Cashare
Sept. 02 2011
|
Ha la yaabin, fidnada waan jecelahay, xaqana waan nacebnahay, raxmadda Ilaahayna waan ka cararaa,
haddana dhib male oo waa qariisad Eebbe inagu abuuray.
Markaa ha ila yaabin hadday xoogaa kugu adkaatay.
Ubad iyo maal qof neceb baan jirin haddana waa fidno, geerida qofna in galabta uu galbado ma ogola oo waxbaa qabyo ah, haddana waa xaq, raxmaad iyo roob curtayna waan ka rooraa, hadana waa nimcooyinka Ilaahay kuwa ugu qaalisan mid ka mid ah.
Maanta ma aha wax cusub qoraalkaygani mana aha wax ka duwan qormooyinkaygii iyo gabayadaydii hore,
haddana dareenkii waa mid weli jira jirina doona. Sida diintu qabto naxariista iIaahay waa mid aan marnaba laga quusan,
deynna maayo oo waan idin dareen siin. Shucuurtayda
inta ila qaybsata oo aan fekerka wadaagnaa waa badan yihiin,
balse waxay arrini ka tolantaa waa asaaska iyo isla ogaanshaha.
Looma kala hadhin tabashada iyo isku tuurtuurka dhibaatada Soomaali haysata gardaadinteedii, iyo gacansiinteediiba. Maanta oo ay gashaanti tahay waxa la dhawrayaa in la guursado oo ay ubad aragoodu sogordahan
yahay dhasho. Ilaahayse wuxuu ka dhigi karaa mid goblan ah oo aan yeelan naas danbe oo la gujiyo, inkasta oo ay weli jiraan sidan aan wada ognahay siyaasiyiin ku sheegyo badan oo gurracan oo weli u hanqaltaagaya in loo meheriyo, lana dhacsan quruxdeeda iyo sida ay u qowl-qowshay.
Aabeheed waa qabiil, hooyadeedna waa qudhun, iyaduna waa qabyaalad waana qaangaadh maanta.
Waxaynu kaga hortegi karaa guurkaa guracan innagoo danteeda garanna Eebbana inagu gargaaro,
waxaase ka sokaysa daacadnimo isku duubni iyo dan wadaag in la noqdo.
Adduunyo waa tiro dhiman oo qabyo ah kaamilna ma noqotee,
Ilaahow waxaad raali ka tahay annagana nooroon na garowsii.
Gabaygan aan ku macaabay "KAA HALA OGAADO" waxaan tiriyey bishii September
18keedii sannadkan 2011 ka. Ffaah-faahin ka bixin maayo ee igala bogta.
Kobo raysle, kayn dooggan, iyo koonka nabad taalla
Fardo kadina geeloon kud qabin, ramagga oo kuudhan
Ardaa gogal kashkaash gacal ku shiray, Koosna lagu doonay
Kaalintaa wixii kugu habboon, waa kal iyo laabe
Aniguna kabaalkii ma furin, igu kadeednaaye
Kolba waxaan tusaalaa ku dhigi, kowshax iyo faale
Kaskay waydin deeqsiin intaan, kaafi noolahaye
Caawana kal baan soo rogee, kaalmo iga qaata
Oo kowsi iigama baxee, igu karaameeya !!!
Kefedaha waxaa loo sitaa, kayga ii badiye
Ka dhaqoo kawaan saar, ayaa loo kadaa abide
Inkastoo cilmigu kaabe yahay, korodhsi maal dhaama
Kooras iyo tacliin looma diro, kurayadeeniiye
Hablihii kadeed bay qabaan, keer hadduu jiraye
Ximre kuutinaayaa dul yimid, kowshax yuurura e
Korjoogiyo waxbay ka tebsheen, kooshinka is dhaafay
Kab u yeelan baan jirin hadduu, kaafi socon laaye
Kuurkuursi bay kaga eg tahay, inuu karaaraaye
Layee kala hayaankow dhinaa kiishkan buuxsamaye
Kebeddiyo kabaalada waxaa koronka loo saaray
Keenada waxaa loo geshoo subaxa kaynaansha
Kadeedkiyo waxaa loo marshaa kobo habaas weynle
Ama sahan karkaar iyo hayaan waa kalaha keena
Kooska nolosha yaa lagu kawerey kiishkan buuxsamaye
Iskaalmaysigaa lagu noqdaa xoog la kaashadoé
Ninna Kaaha kama maarmikaro iyo koonkan aadmigaé
Korkii aan fadhiney sownagaan dib uga kaynaanay
Bilaawuhu kurkiyo sow wadnaha kow inama siinin
Sakaraad ku reenkii miyaan kabay naloo waayin
Kas xumada daraadeed, miyaan cadow na kaalmaynin
Konton toban kun oo qoys, miyaanu kaare wada siinin
Kun jeer cabasho maynaan, horgeyn koofilkii i dooxay
Kaydkii ayaa naga madhiyo, kiishad igu caawi
Ninba kelebka sow maalintiis, kaaki kama qaadan !!!
Kas xumaaday hadal aan kawirey, iyo kadinka ii muuqda
Kol uun iga dardaarana haddaan, idinku koolkoolsho
Ku ii gaara maahee haddaan, idinku kaalmeeyo
Mid waliba wuxuu kari karana, kaabiga u saaro
Ama aan kol hore wixii jiriyo, waayo kala sheego
Kala maan haddii aynu nahay, oo kadinba meel ooto
Kunbiska iyo xoorkii martida, kibirku uu daadsho
kaalmadii walaalnimo haddaanan, koronkii kuu loogin
Adna aad kadeedkayga, iyo kadab go'ay doonto
Kaydkii haddaan lagu darayn, Kowsar meherkeeda
Kebdihii cillaalaa haddaan, la isu keenaynin
Koore dahaba kuul kiyo xariin, hooyo keliyaale
Haddii aan kaskii gobanimiyo, kobihi loo laaban
Koofil baa hablaa meherinine, kaa ha la ogaado
Kaamil maaha kow baa ka dhiman, kiil kastooy tahaye
Kafan haaf ah weeyaan adduun, Kaahinow abide
Kolkii aad kur awddaba luguhii, kaafi maad qarine
Adduunyaan arnaba kuu kamilin, kiil ka kuu dhimane
Kefeduhu inay kor u sinmaan, waa kad aan dhicine
Karuur geel nin haystiyo, nin aan kolay horuu qaadan
Koonbadu miday dhimantihiyo, kadab mid aan quudan
Nin kadeedan boqor kaydle iyo kurey dedaalaaya
Kas waliba wuxuu koobayaan, kaamil noqonayne
Eebbow kadeed ba jiree, kadab san baan dooney
Kaliilihi isdhaafiyo Allow, kurayadaan aasnay
Agoomahan korkoodii gubtiyo, hooyadeer kadanba
Kasi weyney xaqood inuu kud yahay, iyo kii la soo celine
Kefedaha adduun baan marnaba, kaamil noqonayne
Eebbow Adaa kaafiyee, kobihi noo dooji.
Maxamed maxamud maxamed Cashare.
E-mail: coon_igge@hotmail.com
____________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2011 WardheerNews.com
|