Home Articles Somali Songs About us  

 


Xaabsade: Doogsin Raac
WT. Ducaale X. Cali "Digaale"
July 28 , 2009

Axmed Cabdi Xaabsade

Maansadani waxa ay ka mid tahay Dood Suugaaneedka mala awaalka ah ee beryahan ku dhex marayay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland mareegta WardheerNews. Waxa ay soo baxday bishii July ee sannadkan 19 keedii, 2009 ka. Waa maanso male awaal ah oo uu tiriyay Ducaale X. Cali oo ku magac dheer "Digaale".

Waxa ay daba socotaa maansooyinkii ay hore isu weydarsadeen Siilaanyo, Rayaale iyo Faysal Cali Waraabe.

Maansadan Doogsin Raac waxa ay sida kuwaas hore cabbiraysaa argatida Axmed Cabdi Xaabsade. Waxa kale oo ay si gaar ah jawaab ugu tahay maansadii Ha la I doorto Ummad yahay ee lagu soo gudbiyay fikradda Faysal Cali Waraabe.

Hadal iyo dhammaantiis Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu yidhi:

    • Nin damiina weedhiis
    • Doxor iyo dabbaal jaan
    • Doc ka yeedhka hadalkiis
    • Waa dannani oo kale
    • Oo waa lagu diqoodaa

    • Faysal Cali durbaankiyo
    • Dafka uu garaacee
    • Doorashada ku gelayaa
    • Ma duul aan aqoon buu
    • Daasado u tumayaa

    • Rag horaa ka digay oo
    • Dabcigiisa sheegoo
    • Haddaan diinta Eebbiyo
    • Xaqu aanu dabbaalayn
    • Xishood laga dugsanahayn
    • Dabar adag ku xidha yidhi

    • Nimanyahow dadnimo xumo
    • Aday kuu daraataa
    • Ninkan doobinaayee
    • Dallacaadda sare iyo
    • Madax weyne doonka ah
    • Misna abidkii deelqaaf
    • Hadal duray leh daynayn
    • Duul falan miyaa tolow
    • Sidaa kula dardaarmoo
    • Durriyadooda mooyee
    • Dunidaba inaan cidi
    • Dusheedaa ku noolaan
    • Damacoodu saas yahay

    • Dood kalaa waxay tahay
    • Dowladnimo habboonoo
    • Dimoqraaddi noqotiyo
    • Nabad lagu dangiigoo
    • Dulmi iyo xasaradi jirin
    • Dagaal laysku qaadayn
    • Daandaansi laga baxo
    • Dareenkeeda maan qabin

    • Duunyadaa la helayee
    • Debedaha ka socotee
    • Doolarkaa adduunyada
    • Laga soo dejinayee
    • Dekeddaa cashuuraha
    • Laga soo daldalayaa
    • Damaceed na qaadoo
    • Doogsin raac ku nimidoo
    • Nagu kiin daraysee
    • Intaan dawlad dhexe iman
    • Carruurtaan daryeel iyo
    • danahooda eegnoo
    • Maamuladaa u kala diray

    • Balse inuu dabbaabaad
    • Dayuurado la soo dego
    • Dabar goyn ku baaqaa
    • Waa xaal dahsoonaa
    • Dadkayguna ma filahayn

    • Anna inaan dugaag ahay
    • Dadqal iyo Orgobe ahay
    • Danqashiyo xanaaqana
    • Habar jeclo dirkeed iyo
    • Daba baabbulley ahay
    • Danayste aan xishoon ahay
    • Cidna may dafiraysoo
    • Dadku way yaqaaniin

    • Hadba  daanta aan tago
    • Duulaankii ay qaadaan
    • Degdeg guul u helayaan
    • Daahir Riyaale weydii

    • Marna laba dubleeyoo
    • Garaad duub leh saan ahay
    • Dad weynaha dhammaantii
    • Derisyada dhex galo oo
    • Dacwaddooda qaadoo
    • Dabkii meel ka qiiqaba
    • Damintiisa lay xulo
    • Duqowdaba  bal weydii

    • Qosolkaan dibnaha furay
    • Ilaa gaws dambeedkiyo
    • Dalqadayda muujiyay
    • Daacadnimay u qaateen
    • Anigana dantay waa
    • Inay soo degaanoo
    • Soo dalaq yidhaahdaan
    • Dabadeedna wada liqo

    • Faysalow dabuubtiyo
    • Waxa kugu dahaadhane
    • Nnacan uurka daxalka leh
    • Kuwa kugu dugsanayee
    • Doorashada ku siiyaba
    • Intaad dunida joogtaan
    • Dulli baad ku jiraysaan
    • Qabrigana dab naaraad
    • Ugu daadegaysaan

    Duale H. Ali
    E-Mail: duale.h.ali@gmail.com

    Silsiladda Maansooyinka Mala Awaalka ah:

    *
    Siilaanyo

    * Siilaanyo: Duqu Weli Ma Daalin Miyaa?

    * Faysal C. Waraabe: Ha La I Doorto Ummad Yahay

    * Xaabsade: Doogsin Raac

    * Muuse Biixi: Duni Wareertay!


    We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
    So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
    and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
    Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

    Copyright © 2009 Wardheernews.com