Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Bir-magayno
W/T Gamuute
Feb. 07, 2011

Wax wada qab waa aade, raggii Maxamed Salaax[1] isku daaweynta maansada Hadraawi[2] la wadaagay baan ahay. Wixii dhacay, baa dhacay. Simaa lagu soo baraarugay. Daad xoortuu Dibedyaal[3] sii-arkay la huriwaa. Afkaa juuqdiiba gabay. Seben baan maqanahaa, jooga ahaa. Maansaadaan isku dabiibi jiray baan u baahday. Midha la waa oo Moholin madhan baa la yidhi. Sii biir dareenkii. Qaba-weyn baa buuxsantay. Sidii qori kadibay, baan kabidmay. Waa laysku kay takhlay. Dan baa tidhiye, haaneeday maasada. Kolkay i soo dhaaftayna waaban ku nafisay. Uun saase haddaba, maansooyinka Xuus-qorkani gedafka u yahay sidaasay ku yimaadeen. Muddaba waannu is dugsanaynay. In xaajadu eraygii dhaawade iyo ninba ceesaantii ceel keen tahayna iga may maqnayn. Hayeeshee, labaa iskay raacday .'Af Soomaaligu dabar go' ayuu halis u yahay' oo Afrax laga reebay[4] iyo runta qadhaadhee Siciid Jaamac ee toddobaadkan ayaa ii quus gooyay. Maansadu halkay afka noolayntiisa ugu jirto iyo tixaha qaarkood oo bado xusuusteenna baxay ku salaysan baa iyaguna i dhiiri galiyay. Waa sida, oo wax la raajaa; ragga kuma sama e, waa tan jiiftadii Bir-magayno ahayd:

Ahe nabar ku igu mudan
Igu maqan xunuunkuna
Mirta dhexe habeenkii
Anigoo il miriglayn
Mudh waxaygu soo odhan
Wajigii magaynada
Urugtii ku miisnayd
Iyo ma-hadhaduu qabay
Damqashada markaasaan
Murugada la dheeliman

Muuqaalku waa ugub
Daran lagu markadayoo
In xilaba la mariyoo
Lagu horay mur iyo dacar
Guudkii magoolee
Sida moodda galabeed
Laga lulay murriyadaa
Muldhis haawan laga dhigay
Ula tege mandiilaan
Midh ka reebin timihii

Gungumaha mariidkiyo
Suntan Milan dhitaystaa
Ruuxii milshi la’aan
Aaggaba ku soo mara
Mici godan ku saydhee
Imisaa magaalada
Nin ku mamay dhibtaadiyo
Gaydhoon biya is marin
Dhex mushaaxinaayoon
Saa loo miliilicin

Geed, geed ku maranoo
Ku mataansan laga baydh
Middigtaan lammaanayn
Ee keli mutuxan bay
Miiladu ku baahdaa
Morkahaa u dheeliya
Oon daar ka maarmayn
Garabkeeda madhan bay
La makaabsadeenoo
Dabar iyo mareeg sudhe


Galin iyo muddiyo iniq
Yey muusanawdoy
Tidhi mee garsoorkaan
Moodaayay awgii
Maarraha in loo sido
Ma muquunintaydaa
Maadhiin u qawdhamay
Mudka iyo waraabuhu
Muruqaba ha dheegtee
Maydkayga dibed wadha

Labadaa nin marayoo
Maqalkaba ka awtiyo
Nin maleeganoo dhaqar
Kula soo malmalan iyo
Nin duleedsha mooyee
Nin yidhaahda waa mudan
Maydhaama aan gayin
Mishigaana kaga hira
Oo muunadeeyoo
Maamuusa laga waa

Dhirta maacaleesh iyo
Wax ku jira maraa’ aan
Manfaciisu buurayn
Fargal midab dhalaalood
U malayso dahaboo
Kala miiran dabadii
Maar soo baxaa jira
Ragna hebel maroorkiyo
Midhifkaanu qaayibin
Kula maagayaa jira

Isagaa galool mudhay
Lagu maakubaayoo
Gobonimo mullaaxdeed
Iyo maydhaxdeedaba
Loo sii makaawiga
Isagaan la marin Karin
Qof la miidho iyo godob
Mashqaceeda sidatee
Ina Walanwal[5] maantaa
Malkaduu jiraa dheer

Miisaan nin saaroo
Aan hadalka mayracin
Mayadiisu tahay maya
Oo maganta hiil u le
Oo guusha meersada
Loo marag markay tahay
Maxamuud Hurriyo Guray
Nin sidood u magac dhaban
Oy meeli nooshahay
Yaan madasha taagnayn.

Gamuute
E-Mail: farahgamute@gmail.com

[1] see Hadraawi' s Wilwilo/ Hal-karaan
[2] Maxamed Ibraahim Warsame
[3] Hadraawi/Hal-karaan
[4] Maxamed Daahir, Wardheernews/09
[5] Hadraawi

Maqaallo iyo Barnaamijyo la xidhiidha

* WAAYAHA AF-SOOMAALIGA: Halistii Weli Way Taagan Tahay W/Q Siciid Jaamac Xuseen   
* Raadraac: Af Soomaaliga iyo duruufaha soo food saaray WardheerNews

_____________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2011 WardheerNews.com