W/T Faarax Gammuute
Feb. 27, 2011
|
“Muggii weel ma dhaafee, Allow, mooska yaan duminin”, ayaa gabayaa waafiya laga reebay. Fogaa meeshuu meeriskaa ugu tegay. Wuu ka soo go’ay. Sidaasay odhan jireene, marka lagu seejinayo, si yar bay kuu dhaaftaa. Dad iyo duunyaba waa loo gimgimay. Gaawahaa Ina Gallaydh loo buuxiyay. Dhiig baa soo galay. Way ka garaabeen. Mag baa ku go’day. In la guray noqotay. Tulud geel ayaa ku soo hagaagtay. Waa la waydiiyay. Gacantuu ka saydhay. Saa waa laga ganbiyay. Gooruu labadiiba ka haawaday, ayuu garawshiiyo keenay. “ADDUUN I KHATAL”, baa Aadanoo naftu gurayso, lagu guntay. Waa sida, oo waayeel waa loo saraaye, geeraar baa wuxuu yidhi:
Sallax baa ku dhegoo
Salaw bay la dersee
Sanac guurka markuu
Sixi waayo xidaar
Tolow mee sikhigii
Ka sal gaadhi ogaa?
2
Saq dhexoo hurdadii
Sardhadii la ridoo
Dadku suuray ninkii
Naf la saaro yaqiin
Siriqduu dhigay baa
Lagu siibtay miyaa?
3
Sida goodka ninkii
Sunta huursanayee
Sahankiisu ahaa
Markan suurta afuuf
Siriqduu dhigay baa
Lagu siibtay miyaa?
4
Xaq la sooro ninkaan
San bannaan u lahayn
Sir-la-luud weligii
Sanqadhiisu yarayd
Siriqduu dhigay baa
Lagu siibtay miyaa?
5
Malyan jeer wadku soodh
Iyo seefta ku dhuux
Hagardaame sarraaf
Saxariir ka adeeg
Cawilkay sugayeen
Shimbirkii siday mee?
6
Sahalow, Sahalow
Sahalow, gacalow
Birta soofe ka daa
Ka sadaada la’aw
Ama taaro samaan
Oo sokeeye ahow.
Gammuute
E-Mail: farahgamute@gmail.com
Maansooyinka kale ee Gammuute degelkan ku daabacay:
* Sahan
* Bir-magayno
* Sawrac
_____________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2011 WardheerNews.com
|