Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Sawrac
W/T Faarax Gamuute
Feb. 15, 2011

Waan idinka soo sheeka dhaafaye, Bir-magayno, ugub Soomaaliyeed oo laga gardaraaday, anna aan meesha taagnahay waxse aanan u tari karin ayay ka curatay. Taasu shalay. Tu kalana daad-xoorta ugu kaalay. Waagii beryaaba waaya lehe, nin baa laga hayaa:

“Allay lehe inteedaan ku sugay, aradka Gaaroodi!”

Nin kalana,"Hashaydii wad baa dilay. Waxna waa u wehesheen" ayaa laga reebay. Waa sida, oo hadal lama sudhnaadee:

Markaan sanqaroorka dhawray  
Sartiyo jaaheeda dheehday 
Yartaan samaydeeda toosan    
Is idhi Soomaali weeye 
Markii ‘Suu’(1) loogu yeedhay
Saliilyaa laygu rooray 
Inay tala iga sabooshay    
waxaan laba, laba dul saaray 
Midaan la sugayn iskeenye    
Salaan gacal baan u taagay   
Sindadabkay ii jaleecday 
Saluug baa iiga muuqday
Danniga suuraan u qaatay   
Ku idhi ‘Taa kaama siisan’

Intay sakatiday cabbaar yar  
I tidhi ‘saad moodday maaha
Hortaa bay timi su’aashu     
Jawaabtuna way sugnayde
Dar baa ku sangaagurooday    
Siyaala kalana u dheegtay
Sangaabta warkaygu haatan    
Sugaal baa aabbahaya         
Sareedaa hooyadaya           
Intaan dhulku nala sabbaynin  
Sureer baa lay yaqaannay
Inaan sammigayga doorsho     
Sinjiga guudeen wadaagno  
Dartood uga sawrac guuro     
Wixii sababteeda keenay
Inaan saafaan jeclaaye 
Wakhtiga yaan igu simaynin 
Sidaasoy tahay cir sooryo    
Dhawaan la siraadan doona    
Sansaankaa laga gartaaye     
Waxgarad waa loo saraaye  
Anoon sarrifaad galaynin     
Haddaan kuu yara sargooyo    
Sanqadhahay kala taqaanno
Sagaaraba way diddaaye  
Markii laga siibay dhaadmo   
Ayaan Soomaali daayay. 

Markii laga tegay samaanta   
Salkana loo muday xumaanta   
Satiga loo sii ballaadhshay  
Ayaan Soomaali daayay. 

Kolkuu helo kadin u saydhmay
Tabtuu weeruhu sameeyo 
Markay dhaqan kala sinnaatay
Ayaan Soomaali daayay. 

Sidii saarrayda beenta 
Markii loo lulay sakaarka    
Runtana loo jiiday suunka    
Ayaan Soomaali daayay. 

Hubsiino ninkeed sagaal jir  
Irmaan awgeed u saarye 
Markuu damaceed ka suulay    
Ayaan Soomaali daayay. 

Ninkii xadhig lama sitaana   
Inaan soofuhu bir waayin     
Markii lagu siiyay gaaddo    
Ayaan Soomaali daayay. 

Sicii dhiin soor sidaasa     
Markuu Suul-cayn dhegtooda   
Dagee seeraha ka qaytay
Ayaan Soomaali daayay. 

Waxaan garashada solaynin    
Markii laga dayay siyaasad   
Hadh galay suuq lala istaagay
Ayaan Soomaali daayay. 

Sarriigo ninkaan aqoonin     
Markii sacab loogu guuxay    
Duntii lagu xidhay suldaanka
Ayaan Soomaali daayay. 

Qof go’ay waa laga samraaye  
Markay suruc, suruc tallaalan
La timi suurow  darraanta     
Ayaan Soomaali daayay. 

Gammuute
E-Mail: farahgamute@gmail.com

(1)   Sue

_____________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2011 WardheerNews.com