VOA
Home Articles Somali Songs About us  

 


 

Durugtay Dawladnimo
W/C Maxamed Hirad
Dec 28, 2008

Tixdan gaabani waxay raad raac u tahay, gabaygii qaaliga ahaa ee Dawladnimo ee uu xaaladda Soomaaliya ka tiriyey abwaanka qiimaha iyo qaderinta mudan Xuseen Cabdi Xalane.  Waxa aan tixdan curiyay bishan Diisambar 20 keedii 2008. Ninka aan ku hal qabsaday waa Axmed Cabdiraxmaan X. Xasan oo ah nin aanu saaxiib ku nahay  fikirka, Soomaalinimaduna qiimo weyn ugu fadhido. Axmed waxaaan ku halqabsaday in badan oo maansooyinkayga ka mid ah.  Tixdii Durugtay Dawladnimo  waa tan ee iga guddooma:    
           

Axmedow dabuub gabay ma rabin inaan daliishaaye
Dubaaqayga waataan ka xidhay, dayrta maanta ahe
Xalane, yay damqee maan lahayn, soo dir waayadane

Inkastaad dadaashoo murtida, daaha uga qaado
Dunjigeeda Soomaali baan, hadalku daaweyne
Qalbigaa dabool looga xidhay, daamur aan go’ine

Dawgii rasuulkiyo xaqii, laga dawaareeye
Dawladnimo la diidyoo midnimo, laga dabayl raacye
Dagaal iyo dabriyo weerar baa, loo dabbaal degaye
Dugaag bay dadkii wada noqdeen, daallin aan nixine

Kuwii shacabka daadihin jiraan, duxi ku dheehnayne
Duqowdiyo wax garadkii la waa, waxay daweeyaane
Duudsi iyo qabiil kay wadaan, waa wax daahirahe
Diradiraha qaarkood ku kacay, laysku wada dooxye

Mooryaan doobinaayoo dhammaan, wada daroogaysan
Oo wada derderan baa la kacay, dab iyo baaruude
Ku duqeeye duunyiyo dad iyo, daabbad iyo maale
Guryo aan dirkoodii lahayn, gale dugaalkoode
Degaannay dadkii meesha yiil, debed u caydhsheene
Badda durugsan doonyaha u dhige, dabin maraakiibe
Moolkana ku daadiye dar badan, oon dabbaal qabine
Damal hoos qaboobaa u gube, daaqid qaad belo e
Duur joog dalkeenuba lahaa, deero may hadhine

Qabuuraha dadkii lagu asturay, debedda loo tuurye
Dumarkiyo carruuraha dan yara, laga diqoon waaye
Dad qafaal dillaal loogu qaad, doollar xoog badane

Daalimiinta waa lagu yaqaan, damaca shaydaan e
Wax ka daray wadaaddada dallacay doorkan maanta ahe
Iyaguba dayece diinta iyo, daacadnimadiiye
Derejaaba lagu raadiyaa xukun daktaatoore
Jirridii dalkeenaba rogtaa, shaadhkii doorsadaye
Duubkaba waxaa loo xidhaa. duunyo soo badiye
Dagaal oogayaashii ka dare, noo darraan jiraye
Cishe dabadi qaar toobaddiyo, ducada sii daynin
Deyrkay ku toogtaan xulkiyo, qaar datoora ahe

Guyaal labo tobnaad sano ka da’ay, degelka Soomaali
Laguma doogsan doog iyo xareed dararta xoolaade
Laguma diirsan nabad doorahoo, lagu dangiigaaye
Duluglaha qaxoontiga didaa, dunida maansheeye
Diihaal saxaraha qaar ku go’ay, lana danayn waayey
Qaar ku daatay badahaa in badan, bahal ku dooxaaye
Cid danaysa laga waa khalqiga, ama u dooddaaye

Dulligiyo darxumadaa ku dhacay, shacabkan daadduumay
Duruufaha haddeer soo kordhaa, taas ka sii darane
Doqontaan dareemayn naftiyo, duulka xiga toona
Waa dabar go’aayaan sidii, dibi mar noolayde
Maalintii dugaag  kii caddaa, doonay cuniddiisa
Kama diidin dalabkuu ka rabay, inay u daayaane
Inaan laga dambaynayn ma garan, kaa huruu dilaye

Shisheeyahan dinnaahyaynayee, dibinta ruugaaya
ciidamadan diyaarsane hubkiyo,  wada dabaabaadka
Dayaaradahan duulee arlada wada dul heehaaba
Sunta xeebta lagu soo daldalo, ama degaankoo dhan
Dusdus gaalka oo loo kala degdego, diradiraalaynta
Digniinahakan loo diray duqiyo, madax la soo doortay
Oo deeqda loo furo kuwii, qaranka duugaaya
Soomaaliba hadday doonahayn, dowladnimo yeelo
Oo dunidu duuduub u rabin, qaran dalkoo taagan
Dabkii noo iftiimaba haddii, daminti loo joogo
Aakhiro in loo daadegiyo, dabar go’ weeyaane
Ama duul kaleetaa na raran, sida dameeraade
Dariiqyadan midkood baynu mari, daacadda Ilaahe
Nin walowba dookhaagu, yuu kaa dib jirin caawa

Waxa tiriyay Maxamed Hirad
San Diego, California
E-Mail:xagar2000@sbcglobal.net
________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2008 Wardheernews.com