Home Articles Somali Songs About us  

 


Aw Daahir Diid Nabad
WT. Maxamed Hirad
July 01 , 2009

Xasan Daahir Aweys

Gabaygan Aw Daahir (Xasan Daahir Aweys) Diid Nabad waxa uu daba socdaa mid hore oo uu tiriyay Dr. Cali Baxar. Waxa uu soo baxay bishii June 25 keedii, 2009.

Sida kan hore ee Dr. Baxar tilmaamayo waxa la yaab leh in qolyaha dagaal u joogga ah ee uu ka mid yahay hoggaamiyeyaashooda Xasan Daahir Aweys in aanay weli yaqiinsan dhibta ay dalka iyo dadka u geysteen, welina ku hayaan. Waxa iyana cajiib ah in weliba ay shacabka ka dalbadaan in dulqaad ay u yeeshaan sii socoshada dhibtaas iyo magac xumadaas. Bal adba isweydii ummadda la biday barakac, xasuuq, argagax, dawlad la'aan, sharaf xumo iyo masiibo adduun oo dhan, ee haddana kuwii dhibaatadaas oo dhan geystay ay ka codsnayaan dulqaad kale! Yaa lagu dhici lahaa arrintaas oo kale oo aan Soomaali ahayn? Waa yaabka yaabkiis!

Waxa iyana isweydiin mudan sababta ay dadku iskaga qaban la' yihiin nimankan u qalab qaatay dhibaataynta shacabkan dagaaladu ragaadiyeen, hortaaganna in laga soo doogto masiibadan Soomali ku habsatay. Waa arrin mucjiso ah oo weli ay badan oo shisheeye iyo Soomaaliba lihi ay ka dhursagayan. Tixdan gaaban oo haddaba qodobaas wax ka taabanaysa waa tan ee ku soo dhawaada:

  1. Cali Baxar digriga uu akhriyey, daacadnimadiisa
  2. Ilaahay ha daayee dabuub, diiran buu furaye
  3. Dalililkii Quraankiyo sharciga, yuu ka daabacaye

  4. Dacwad suuban Nebigaa la faray, Eebbe soo diraye
  5. Deeq iyo dulqaad baa nafluhu, kugu daneeyaaye
  6. Degenaanshahaa lagu helaa, daawo iyo khayre
  1. Dilka iyo darraantana  khalqigu, waa ka didayaane
  2. Ma dugaalsadaan kii dagiyo, daallin aan nixine
  3. Talo debecsan baa lagu gartaa, muumin dowladehe
  1. Hayeeshee dadkeennaa wakhtigan, doorsan oo falane
  2. Dhegihii dalolaa wacdigu, doojinahayaaye
  3. Qalbigii dabool saaran yahay, nuur ku duxiwaaye

  4. Rag labaatan dayrood dabriyo, dirir u taagnaaday
  5. Oo weli dantood gaadhin iyo, derejo loo dhiibo
  6. Waa maxay dulqaadkay rabaan, ee dad wada yaabay!
  1. Dirirtaa aan dhammaanayn madfaca, nagu diryaamaaya
  2. Waagii dillaacaba shacbiga, lagu duqaynaayo
  3. Maydadkaa dariiqyada bilqane, cidina duugaynin

  4. Gawraca midkii door ahaa, laga diqoon waayey
  5. Bamka diririgleeyee la dhigo, meel dad badan joogo
  6. Dumarkiyo carruuraha dayaca, duurka wada jiifa

  7. Dukundaakun ummadeer kol qudha, degelka loo qaaday
  8. Ma shaydaan jinaa nagu dalbaday, duulkan na halaagay
  9. Ma diintii islaamkaa ku tidhi, cadaw dadkiinnaa ah

  10. Mise amar dambaa soo degoo, dabar go’een sheegay
  11. Doc ka sheega xaajadan la dedey, hadal na deeqaaya
  12. Dacwad kalana waa dood yaraan, idin dareensiiyey
  1. Xasan Daahir doobnimo illaa, uu da’ sare gaadhay
  2. Oo maduxu deebtaa yahoo, weli dakaamaynin
  3. Dagaal oogid diin lagu gabado, reero lagu duulo

  4. Duudsiga dad weynaha hantida, laga dawaareeyey
  5. Degaanada la boobiyo guryaha, duul kale u meeray
  6. Hadba doc u majiirkii wiglada, laba dublayntiisa

  7. Waa damac kursoo uu ku dego, daarta caanka ahe
  8. Mar haddaanu daynayn illaa, mawdku dabaq siiyo
  9. Ka difaaciddiisii haddii, boqol kun daaduumay
  10. Oo boqol kun oo kale dayaca , degey bannaan hawda
  11. Oo boqol  kun doonayaha baddaa, bahal dafoo quuto
  12. Caana daatay dabadood la qabay, dood horaa tidhiye

  13. Bal inuu dalkeeniyo dadkaba, duug ka hadho maanta
  14. Maa shiikhu goobtuu dalbaday, lagu dekaysiiyo
  15. Maa salaan dirays ciidan lihi, ugu digtoonaado

  16. Shacabkuna na daadihi dhahaan, nabadda doonaaya
  17. Ama diida daandaasigoo, dowlanimo muuja
  18. doqontaan dab qiiqii ka kicin, daaman leexsada e
  19. Haddii kale dulqaatoo ku jira, debecsanaantiina

Maxamed Hirad  
E-Mail: xagar2000@sbcglobal.net
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com