
|
Duco iyo Ammaan
WT. Maxamed Hirad
July 05 , 2009
|
Gabaygan Duco iyo Ammaan waxa uu soo baxay bishan July 2 deedii 2009. Waxa uu marka hore tilmaamayaa sida wacan ee loo dhammaystiray colaad iyo dagaallo dhowrkii bilood ee inna soo dhaafay ku dhexmarayay Hawd, gaar ahaan degaanka Doollo labada beelood ee walaalaha ah ee Reer Sh. Abba Yoonis (Geri Koombo) iyo Abraahiin (Makaahiil, Ogaaden). Dagaalkaas oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan, dhaliyayna xasillooni darro iyo colaad saamaysa degaankaas oo dhan. Waxa ay ahayd arrin aan aad ugu farxay markii aan mareegaha Soomaalida qaarkood ka akhriyay in heshiis laga gaadhay arrintaas.
Waxa kale oo aan aad uga warqabay aniga oo ka mid ah beelaha Soomaalida ee reer Hawka ah in labadaas beelood ay ka mid ahaayeen beelaha tirada yar ee deris wadaagta ah ee aan diriri dhexmarin haba yaraatee mudadii ka horraysay burburka Soomalida. Xilligaas wixii ka dambeeyay oo aan anigu ku tilmaamo mudadii uu caqligu ka suulay Soomaalida, waxa ay meel kasta oo ay Soomaalidu ku nooshahay noqotay mid haanka la isku jaro. Sida daraadeed dhammaynta khilaafkaasi waxa uu ii ahaa arrin farxad iyo wanaag leh.
Qaybta labaad ee gabayga waxa ay iyana dulucdiisu ku salaysan tahay duco aan Eebbe uga baryayo in uu Soomaalida dhibaatada iyo dulliga ku habsaday uu ka saarro, khayrna ugu bedelo. Arrintaas oo qofkasta oo damiir ku hadhay aanay marna qalbigiisa ka baxayn.
Waxa aan Ilaahay ka baryayaa in uu ducadaas iga aqbalo. Gabaygiina waa kan ee iga hooya:
Duco iyo ammaan
1. Warka xalay degdegga nooga yimi, Doollo dhinaciisa
2.
Ee debedda soo gaadhay iyo, dalalka aan joogno
3.
Noo dooji sida roob gu’ oo, dirirro hooreene
4. Dunidaba dagaal iyo dhibbaa, loogu daw galaye
5. Wada dirire duul wada dhashiyo, dano wadaagtiiye
6.
Sokeeye is dilaa meel kastaba, daadsan oo qubane
7.
Waxse aan danniga iigu jirin, meel docdayda ahe
8. Beelaha Dannood Caado dega, Qoriley deexdeeda
9. Sirow iyo dugsiga Ceelmaxidho, ayda Daratoole
10. Deegaanta Xagarey raggaa, geelu wada daaqo
11.
Abba Yoonis diin iyo dadnimo, laga dugaalaayey
12.
Ee madax dadkoo idil ahaa, Dir iyo Daaroodba
13. Abraahiim dirkiisuba lahaa, doobir lagu dhaato
14. Damaladaa hadhkooda isku daray, waa dallaalimo e
15. Doc kastaba raggaa lagu yiqiin,daabbadnimadooda
16. Dugaal bay ahaayeen waqood, dayr aan jabahayne
17.
Annagana dubkaa noogu yaal, dhiig dareere ahe
18.
Difaacooda kama maarmi karin, daayin abidkay e
19.
Shaydaan hadduu dagay badhkood, doorar lagu laayey
20.
Anigu waw dareen qabey inay, daawo helayaane
21. Gobtu waa dagaashaa misana, dib u heshiisaaye
22. Doqontaa ogayd baa la yidhi, dirir xigaalkeede
23.
weligeedna nabad soo degtaba, doc ka garanayne
24.
Dammiin weeye xaajada ninkaan, dawga marinayne
25. Haddii culimo duubliyo duqow, degelladaa joogey
26.
Ay dunida dhaafeen kuwii, laga dambaynaayey
27. Xasan wacdi hadduu degey jannada, daayin ugu baaqay
28. Cali Saafi deeq Rabbi hadduu, daar nicmo ah seexshey
29.
Xuseen Aabi goor loo dalbaday, dawda naxariista
30.
Dharkayngeeyo goortuu durbaba, derisyadii gaadhay
31. Oo qaar daadahayn jirey degmada, daba galoo raacay
32.
Diricday dhaleen baa u hadhay, doorka maanta ahe
33.
Waa kuwaa dantoodii qabsaday, daacad maamulaye
34. Waa kuwaa xumaan diiday oo, samo duraanteene
35.
Debed iyo gudaba waataa dadkii, laysu soo dumaye
36.
Kol horaba dakano maanay jirin, cudur dahsoonaaye
37. Ciyaalkaa dumbukha qaatay baa, daannadaa dhigaye
38.
Dooroonayaashaan xigtada, kala dillaalayne
39.
Sida duulka Xamar baan shacbigu, diradiroobayne
40. Mar haddii dabkii naga bakhtiyey, dubay carruurteenna
41.
Oo nabad ku daanyoonayaan, ul iyo diirkeed ah
42.
Oo beleda daantaa la yidhi, daad ha salabeeyo
43.
Oo daantaa kaleetana wax jiray, dabayluhu qaaday
44.
Allay lehe digraa noo eg iyo, Daayin mahaddiise
45. Ammaan iyo ducana waan u diray, ehelka Doolloode
46.
Dacwad kalana waa Eebbahay, halaan ka doonaayo
47.
Allahayow dalkaygaba ka yeel, degel nabaadiino
46.
Allahayow dunuubtaan la nimi, derejo noo dhaafi
47. Allahayow dagaal waa dulliye, naga dulqaad shuushka
48.
Qaxoontiga Allow diday guryaha, dib ugu soo laabto
49.
Daallimiin ciqaabtood Allow, yaanay nagu daaran
50. Soomaalidu Allow waa ducfiye, daafac qarankooda
51.
Allahayow cirkaa naga da’furay, di’i daruur rooba
52.
Dixidiyo dareemiyo Allow dooggu hana qaado
53. Duunyadan galoofta ah Allow, dararto oo naaxdo
54. Dalagyadiyo beeraha Allow, midho ka soo daadi
55. Dad la laayo duunyada la dhaco, dowladnimo boobka
56.
Wax kastay damaaciyahayaan, waw dul leennahaye
57.
Allow yey wadaaddadan derderani, diinta naga saarin
58. Midkii dirirta naga joojiyee, nabadda noo doona
59. Iyo kii dulqaad iyo xaq iyo, daacadnimo muuja
60.
Derejiyo jannaan Eebahay, uga dalbaynaaye
Maxamed Hirad
E-Mail: xagar2000@sbcglobal.net
_________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |