Hayb Sooc: Dhaqan liita oo lid ku ah bani'aadamnimada |
|
Waxa falanqeeyay Ismaaciil C. Xasan "Khaliil" |
|
June 17, 2007 |
Haybsooc waa maanso uu tiriyay Abwaan Maxamed Hirad 18 ka bishiii April ee 2002. Waa gabay ka hadalaya hayb sooca ama sinji takoorka oo ah dhaqan aad u liita oo lid ku ah bani’aadanimada. Waa mid si cad uga soo horjeeda waxyaabaha ay inna farayso diinta Islaamka ee muqaddaska ah ee Soomaalidu aaminsan tahay.
 |
|
Abwaan Mohamed Hirad |
Waa dhaqan soo jireen ah oo aan garawshiiyo lahayn, ayna ka siman tahay guud ahaanba Soomaalidu meel kasta oo ay ku nooshahay. Waa xad gudub iyo godob weyn oo laga galay qayb ka mid ah Soomaalida oo haba yaraatee aanay jirin wax ay kaga geddisan yihiin bulshada inteeda kale.
Haddaba isagoo hayb sooca ay Soomaalidu ku soo dhaqmaysay muddo dheer ayaa haddana inta ka dhiidhiday dhaqankan xun culumo iyo caamo mid kay doontaba ha ahaatee ay aad u yar yihiin. Taasi ayaana sababtay in dhaqankani muddo dheer soo jiro oo uu illaa casrigan aynu joogno maanta soo gaadho.
Haddaba muddooyinkan dambe waxaa jirtay in Soomaali badani ay dareemeen dhibta iyo xaqiraadda lagu hayo qabiilooyinka la hayb sooco ee aan macno iyo xaqiiqo midna ku dhisnayn. Inkastoo ay adag tahay in dhaqan muddo dheer soo jiray si dhib yar lagu tirtiro, haddana waxaa waayadan dambe soo baxayay ifafaale muujinaya bislaanshaha bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan cidhib tirka dhaqamada liita ee hayb soocu kawga ka yahay.
Haddaba gabaygan oo si qoto dheer uga hadlaya hayb sooca iyo macnaraddiisa ayaa abwaan Maxamed Hirad uu dhinacyo badan ka eegayaa dhaqankan. Waxa Maxamed bulshada u soo bandhigaya su’aalo ay habboon tahay in qof kasta oo Soomaaliyeed jawaab waafi ah u raadiyo.
Waxaan filayaa inta laga maansooday hayb sooca in aanu jirin qof sida abwaan Maxamed Hirad si qurux badan oo murti weyn ka dambeyso u soo bandhigay macno darrada hayb sooca.
Waxaan faalladan kooban ku soo qaadan doonaa qaybo ka mid ah gabaygan oo aan si gaar ah u eegi doono, ka dibna waxaan idiin soo bandhigi doonaa gabaygii oo idil.
Abwaan Maxamed Hiirad waxa uu ka amabaqaaday ugu horeynba sinnaanshaha bani’aadamka. Taasi oo aanay jirin cid cid ka sarraysa. Waxa keliya ee lagu kala horreeyaa sida diinteenuba sheegtay waxa weeye cabsida Eebe. Tuducyada soo socda ayaa arrintaas si cad u qeexaya
Siday tahay Calow inan rag waa inuu sinnaadaaye Ilaahii sameeyee khalqaa siiyey sharaf weyne Sinjigoodu waa Aadan iyo sawjadduu qabaye Sagaal bay kusoo wada dhashaan bila sid hooyaade Sargooyada diyada qoonta iyo siman qisaastiiye Sad bursiiyo weyn iyo ammaan saayid lagu yeesho Waa saamax Eebbiyo cabsidii, ruux u saahidaye Wixii kalee na kala saarayaa waa sir iyo beene
Iyadoo haddaba uu abwaanku sidaa u aaminsan yahay sinnaanta bani’aadamka ayaa waxa uu garawsan la’yahay in Soomaalidu ay qaybo bulshada ka mid ah xaqirto, islamarkaana aan laga dhiidhiyin sidii loo cidhibtiri lahaa dhaqankaas silloon ee haybsooca iyo xaqiraada ku dhisan. Waxa uu isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi:
War Soomaali badankeed xaqii, seege oo naca e Waa saancad dhaqankii xun aad, sii waddaa abide Surma seegto qaar lagu hayaa, soo taxnaan jiraye
Waxaa in badan la is weydiiyaa waxa ay dadka la hayb sooco kaga geddisany yihiin Soomaalida inteeda kale. Ma midab gaara ayay leeyihiin? Ma af gaara ayay ku hadlaan? Ma diin gaar ayay aaminsanyiin? Ma muuqaal ka duwan soomaalida inteeda kale ayay leeyihiin?
Marka aad u dhabba gasho su’aalahan waxaa kuu soo baxaya sabab la’aanta iyo macno darrada ay aragtida hayb soocu ku dhisan tahay.
Haddaba abwaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka yaaban yahay waxa keenay faquuqa lagu hayo dadkaas. Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi
Dad sokeeye saafiya ahoo soo jireen nala ah Oo aan sadcaal noogu iman, saafir iyo geeddi Oo nooga socon meel kaloo ciidda nala saanya Oo diinta saami u leh oo sugaya towxiidka Sunne iyo salaad faral kuwaa nala sujuudaaya Oo saalixiin wada ah oo suufi iyo shiikh leh Iyo qaar saraakiil ah oo saajacnimo sheegtay Sikhinimo kuwaa lagu yaqaan, soorta huriddeeda Suugaan iyo abwaanimo kuwaa saatir ugu deeqay Oo suurad iyo nagala mida, sawdka iyo caado
Midab suluba sanqaroorka iyo saynax timahoo ah Sogsoyada sarraxa taaganlee siman dhammaantoodba Kuwa aan nalaga soocahayn, sawrac iyo fiiro Sumcad xumo maxaa loogu yidhi, waa sab iyo naaqus?
Abwaanku uma arko oo keliya in dadka la hayb soocaa ay la siman yihiin dadka intiisa kale, balse waxa uu aaminsan yahay in ay yihiin kuwa bulshada ugu waxtarka badan loona baahnaa in si gaara loo ciseeyo. Waxa uu Maxamed Hirad si qurux badan u soo bandhigay wax qabadka beelaha la hayb sooco iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin adeegga bulshada.
Dadka kale sancada kii yaqaan waw sad buriyaaye Billadaa la siiyaa martabad saaran abidkoode Innagana midkii saar tumaa, soo dhoweyn mudane
Safan cidhibta saafiyo ragaad suulka jabinaaya Sammad cagagub saydhiyo cagaag, dhiigu salaqleeyo Sunta bahalka hoosiyo hurgumo saaqda bedenkoo dhan Ka soo samata saaraha dadkii silic wixii haystey Ee saanta xoolaha ka dhigay suuman kabo maasa Iyo kii biraha ugu sakhiray, sida la doonaayo Warmo samay leh soodh iyo amley seefta dananeysa Gudin sawir leh yaambiyo masaar jidibo soofaysan Mindi sikhil la marshiyo mudaa sabarad fiiq dheer leh Mudac lagu sifsifo doobiyada saabley iyo dhiilo Saaniciinta dhaqankeenna wacan soo wadaye haysey Intii lagu sarraysiin lahaa saayaqnimadooda Sinnaan iyo haddii laga dafiray saami saransooran Waxa lagu saluugay dhimeen yaa na solan siiya? Ma waa kuwii wax soo saaray baa sababta loo maagay? Waa su’aal dad weynaha jawaab laga sugaayaaye
Soomaalida siiba kuwa gobnimada ku faanaa kumaanay ekaan Soomaalinimada ay iskula qabka weyn yihiin ee ay walaalahooda kale ku faquuqayaan. Waxaa jirta in beel waliba ay meel kale iyo qawmiyado kale isha ku hayaan sheegtaanna in ay halkaas ka soo jeedaan.
Abwaanka oo arrintaas aad ula yaabban ayaa waxa uu isweydiinayaa yaa haddaba soomaali noqonaya haddii sidaa looga wada cararayo
Sab haddii la yidhi sooma galo magaca Soomaali Oo qaar salool ugu tagaan carabta reer suura Qaar kalana saadiyo noqdaan nebi saxaabtiisa Qaar soo hankaabsaday hadduu ina Sucuud sheegtay Oo qaar sawaaxili noqdeen sananka waaweyn leh Oo qaar yuhuud u suntanaa saaka la ogaaday Singa singe qaar lagu xantana soo baxeen warar ah Inta kalana sahankii u raray saylad lagu biiro Soomaali yaa noqon dadyahow laysu wada seexshey Waa su’aal abwaanada jawaab laga sugaayaaye
Waxaan shaki lahayn in abwaanku uu hab murti iyo xikmad weyn ku dhisan uu ku muujiyay arrinta hayb sooca qofkasta oo si aad ah u dhuuxaana ay waano uu wax ku qaato u noqonayso.
Abwaan Maxamed Hirad oo gabaygii oo dhan bulshada u soo bandhigaya, kana hadlaya sababta ku kaliftay tirinta gabaygan waxa uu yidhi:
“Gabaygan waxaan ka mariyey xaalad soo jireen ah oo Soomaalida dhaqamadeeda xun ka mid ah. Taas oo ah takoorka dadkeenna dhexdiisa ka jira. Waxaa jirtay in aan la yaabi jiray takoorka, in badana isweydiiyay maxaa dhacay oo dadka qaarkiis loo xaqiraa? Hase yeeshee jawaab i qancisa ma helin. Sidaa darteed waxaan rabaa in aan dadka Soomaalida ah gabay ku weydiiyo sababta uu takoorku dexdheenna uga jiro.
Waxa gabaygani soo baxay bishii April, 18, 2002. Laba magac baa gabaygan ku jira. Mid waa ninka aan ku hal qabsaday oo ah Cali Cabdi Nuur (Cali Dhoof) oo jooga dalka Kanada, kan kalana waa Maxamed Xasan “Dillaal” oo aanu isku magaalo deggenahay. Labada ninba waa rag aanu saxiib nahay.”
Gabaygiina waa kan:
Caliyow ninkii subaxya badan, soo jiraye nooli Wuxuu soo ogaan jiray hadduu sabab u raadceeyo Oo samada eegoo wax badan, sananiyoo reemo Waxaan laba sugayn buu mar uun, sahal u sheegaaye
Marka hore salaan iyo walaal duco san aamiinso Sodcaal iyo negaanshiyo fadhiga, seexashiyo taagni Midkii aad ku sugan tahay Ilaah, kugu salaameeye Saxariirka aakhiro Rabbigeen sahalo, kuu yeelye Kuu sakhir sareedada adduun saami waafiyahe Saaxiibtaa Ilaah kaaga yeel, suubban baarriyahe Ubadkana saciidiin ka yeel diinta saacida e Dabadeedna sowdkayga weri, iyo su’aashayda
Siday tahay Calow inan rag waa inuu sinnaadaaye Ilaahii sameeyee khalqaa siiyey sharaf weyne Sinjigoodu waa Aadan iyo sawjadduu qabaye Sagaal bay kusoo wada dhashaan bila sid hooyaade Sargooyada diyada qoonta iyo siman qisaastiiye Sad bursiiyo weyn iyo ammaan saayid lagu yeesho Waa saamax Eebbiyo cabsidii, ruux u saahidaye Wixii kalee na kala saarayaa waa sir iyo beene
War Soomaali badankeed xaqii, seege oo naca e Waa saancad dhaqankii xun aad, sii waddaa abide Surma seegto qaar lagu hayaa, soo taxnaan jiraye Surinkaad walaalkaa dhigtaa waa ku sugayaaye Dulmigaa la saaciday xaqaa, sula la waydaartay Waa waxa surkii ina jariyo, seedihii dhabare. Qaxootiga sunsumay waakan tuban siibadaha gaale
Dad sokeeye saafiya ahoo soo jireen nala ah Oo aan sadcaal noogu iman, saafir iyo geeddi Oo nooga socon meel kaloo ciidda nala saanya Oo diinta saami u leh oo sugaya towxiidka Sunne iyo salaad faral kuwaa nala sujuudaaya Oo saalixiin wada ah oo suufi iyo shiikh leh Iyo qaar saraakiil ah oo saajacnimo sheegtay Sikhinimo kuwaa lagu yaqaan, soorta huriddeeda Suugaan iyo abwaanimo kuwaa saatir ugu deeqay Oo suurad iyo nagala mida, sawdka iyo caado
Midab suluba sanqaroorka iyo saynax timahoo ah Sogsoyada sarraxa taaganlee siman dhammaantoodba Kuwa aan nalaga soocahayn, sawrac iyo fiiro Sumcad xumo maxaa loogu yidhi, waa sab iyo naaqus? Maxaa loo sagsaagaa markuu sawjad naga doono? Maxaa looga saahiday gabdho ah wada suleekhooyin? Waa su’aal dadweynaha jawaab laga sugaayaaye
Sax inaynu nahay iyo inaan saaruf nahay waalan Kala saari waayoo anigu waan sahwiyayaaye Haddii seere guur jiro hablaha sumalxad loo diiday Maxaa gaal sarkhaaniyo kufrigu saami ugu yeeshay? Yaa siiyey madaw saaqidiyo sal iyo hoy laawe? Waa su’aal dadweynaha jawaab, laga sugaayaaye
Afartaa salaan sharaf leh iyo saarid calankeen dheh Suugaan aan sir iyo xeel lahayn soo bandhigiddeed dheh Sayid Aadan Carab iyo sidii Samatar maw sheegay Samadoon xaqoodii sugnaa siin ma ka higaadshey Sadar kalana waa xaajo aan sabab u soo waayey
Dadka kale sancada kii yaqaan waw sad buriyaaye Billadaa la siiyaa martabad saaran abidkoode Innagana midkii saar tumaa, soo dhoweyn mudane
Safan cidhibta saafiyo ragaad suulka jabinaaya Sammad cagagub saydhiyo cagaag, dhiigu salaqleeyo Sunta bahalka hoosiyo hurgumo saaqda bedenkoo dhan Ka soo samata saaraha dadkii silic wixii haystey Ee saanta xoolaha ka dhigay suuman kabo maasa Ee socod ammaniyo xarrago soo dejay ee keenay Iyo kii biraha ugu sakhiray, sida la doonaayo Warmo samay leh soodh iyo amley seefta dananeysa Gudin sawir leh yaambiyo masaar jidibo soofaysan Mindi sikhil la marshiyo mudaa sabarad fiiq dheer leh Mudac lagu sifsifo doobiyada saabley iyo dhiilo Saaniciinta dhaqankeenna wacan soo wadaye haysey Intii lagu sarraysiin lahaa saayaqnimadooda Sinnaan iyo haddii laga dafiray saami saransooran Waxa lagu saluugay dhimeen yaa na solan siiya? Ma waa kuwii wax soo saaray baa sababta loo maagay? Waa su’aal dad weynaha jawaab laga sugaayaaye
Afartaana saymaha gugiyo sagal aruuryaad dheh Sool iyo Sanaag iyo Shaxdiyo sadaradii hawd dheh Xaq la seegay qaar laga sir galay saani ma u sheegay Ma seegaa la yidhi wiil abtigii suu ahaan jiraye Saxaafaddii Ismaaciil Miriyo sawdkii Cali dhuux Dheh Sawd kalena waa xaajo aan sax u malayn waayay
Duulkii salleeliya murtidu waa ka sibiqdaaye Been bay sad moodaan runtuna waw sun iyo hooge Waxaan suura gelin bay waqood kuu sawirayaane
Sab haddii la yidhi sooma galo magaca Soomaali Oo qaar salool ugu tagaan carabta reer suura Qaar kalana saadiyo noqdaan nebi saxaabtiisa Qaar soo hankaabsaday hadduu ina Sucuud sheegtay Oo qaar sawaaxili noqdeen sananka waaweyn leh Oo qaar yuhuud u suntanaa saaka la ogaaday Singa singe qaar lagu xantana soo baxeen warar ah Inta kalana sahankii u raray saylad lagu biiro Soomaali yaa noqon dadyahow laysu wada seexshey Waa su’aal abwaanada jawaab laga sugaayaaye
Anigana siday ila tihiyo maan salkaba gaadho Maan soo gunaanado murtida sii wad lagaroone Kala soconayaa oo dad kale sidig ku raacnaaba Kala soocannaa oo badhkeen sabo ku sheegnaaba Suuraddaa Ilaah noo khalqiyo sawdka hadalkeenna Iyo magacan uu sugay intuu soohdin nagu beeray Cid uu siiyey may jirin horteen sugina maysaane Innagaa wax kala saar wadniyo kala sarrayntaase Innagaa midkii sebiyo badan kibir sarkhaamaaye Innagaa midkii seben dhergaa talada seegaaye Innagaa midkii sado helaa seef la kacayaaye Innagaa midkuu seegay calaf samir darraadaaye Innagaa sokeeyaha nacnoo waabna geed sare e
Siinleydan aan daabiciyo sadaradaan qeexay Mar haddaan sadriga loo furayn samo ninkii doona Soomaali weyntii haddii laga sabool haaday Sugi maayo calan lay sudhiyo sidasha faankiise Sugimaayo xeer loo sinmiyo diin la saacido e Sida uu Dillaal yidhi ra’yigu waa sad qaaliya e Bal inay saqiiradu xuquuq siman ku naalooto Ubadkaad siddaan iyo kuwaa soo socda u meersha Anigana sawaab iyo ajraa Eebbe igu siine
Ismaaciil C. Xasan London UK E-Mail:khaliilha484@hotmail.com
Waxa aad Abwaanka maansada tiriyay kala xidhiidhi kartaa: E-Mail: xagar2000@sbcglobal.net _______________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2007 Wardheernews.com |