Webi Salaamaad

Waxa curiyay
Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
March 1, 2008

Tixdani waxay ku halqabsanaysaa Faysal Aw Cabdi oo markii uu akhriyey sheekadii ”Aanadii Negeeye” ii soo diray bogaadin iyo hambalyo badan.

Nin la siiyey deeq waa inuu soo ceshaa mahade
Adaa mudan salaan Faysaloow suubban oo wacane
Adaan sahashan sooyaalka uu buuggu kuu sidaye
Ruuxii sidaada ah kitaab waw sed dheeriyahe
Kuma saxatidoo waa so iyo caano saafiyahe
Waa kuu sixiyo caafimaad suxubbi miirteede

Sagalkiyo barwaaqada saniyo saaca iyo khayrku
Salowgiyo sawaxankiyo dabkiyo qiiqa sulufaaday
Selel yaabku maahee waxaad aragtay soojeede
Maad sarcaadin araggoo indhaha maad sahwiyin beene
Maad suuxin manaad suurin oo suufi maad noqone
Waxyi samada laga keenay iyo suurad maad heline
Waa adduunyadii suushay iyo sula warkeediiye
Waa siyaalahaa maanta jira sababahoodiiye
Waa dhamacda sii nool wixii shiday salkeediiye
Waa sidaad ogayd oon in yari saa’id ku ahayne
Waa soojireen iyo haddana siijireen hadha’e
Waa iliil susumaysiyo togiyo webi salaamaade

Sarkaal dhiigyacaba oday sirqaye doobab saqajaana
Bare silic u yaalyaalla oo sahan ku beenoobay
Oo siyaasad geeljire wadwado loogu riday seelo
Maamule dugsiga suuq ka furay oo ka dhigay saylad
Nin sunuud ku iibsada xilkii madaxa loo saaray
Wadaad ay sacuudigu gateen oo dul sudhan tooda
Naag saar jin iyo uun qarsoon saami kula guusha
Dawladnimo la saanyaday tabtii halihi Reer Suudi
Soomaalinnimo la qashay oo saacad lagu quutay
Siliskii la dhacay kol ay ku tahay ama saqiir gawrac
Sawirrada xusuusta leh adaa qiray sugnaantoode

Adigiyo ninkii kula sinmaan eraygu seegayne
Saf waxgarad sidaaday dhammaan sacab garaaceene
Idinkaa sarbeebaha lingaxan helay sirtoodiiye
Idinkaan sursuur oodan gelin hadal saraar yaalle
Waayeelba suuradi halkay sees ku lee dahaye*
Isagaa sarsaray boogahay qoloftu saarrayde
Isagaa sargooyada aqoon sii fog kaashadaye
Hiyikicin su’aal kaaga furan eesha socodkeeda
Dibirooti saadaal dambe leh oo sir iyo caada
Dabuub soohan hawraar sandahan xeel silsiladaysan
Qalalaase saamayn ku xidha socodka taariikhda
Baaxaalliyada falalka sida ee sarjara luuqda
Intaas oo sifaala’a hortii cidi ma suurayne
Wax san iyo wax saxariir leh iyo walax ku saynsaaban
Siic iyo sareediyo wanaag saymo iyo hoogba
Isagaa sifeeyoo dhigdhigay oo ku simay meele
Isagaa siraad shiday hadduu saxar qarsoonaaye
Nin salaaf qabaan garan markuu saafay dabadeede

Murtidii salguur baa ku dhacay oo la sixi waaye
Suugaantu xooliyo hadday noqon lahayd soofka
Wallee saaka meel aan ogahay lagu sabooloowye
Dhuux sagaaro niman baa martida siiya waayadane
Sacab fara madhnaantaa xil lehe siig ma dabateene
Seedaha kuwaa dubanayaba Saatirkaa badaye
Sabadayda ruux yimid ma qado aniga saaxiibe
In kastoo sebaan xumi heloo dirirku uu seejo
Geed sami dhirtoo soogan buu ubaxa saaraaye
Adow maraga sooryada gobeed xeedhyahaan simaye
Berri iyo ilaa saaddambiyo weliba saakuunna
Goolal sooca baan kuu birayn sahayna kaa siine
Saadaal barwaaqaan ogahay seermawaydadane
Wallee sadarka qalinkaygu dhigo yaan ku soli waayin
Walle saxansaxadan roobka xiga yaanad sugi waayin

Qof aan barashadii kuu suntamin kol ay salaan joogto
Oo aan saluug iyo wanaag siyina kaa raacin
Oo aan sentina waa gashiye subaxna kuu sheegan
Oo aan colaad seben hora’a saaka gocanaynin
Oo haddana xuman aan sal dhigan surinka kuu taagan
Sife inan gumeed weeye iyo dhaqan wax-saareene
Sixir buu qabaa amaba waa bixiso saanteede
In kastuu si kale sheego oo sababta maydhaamo
Sallidkay qabyaaladi waddaba sawracaad garane
Sibro dalab leh ruux lihi ma karo socodka toosnoowe
Suuldhabaalihii Reer Iblays saarku haw tumo’e
Cudur-sidaha sadho-faafiyaha waan soke aqaane
Saxalkuu qabiyo belo ku raran hayla soo galo’e
Garashada silloon iyo xin baan wax iga saarrayne
Surmi buu bakhtiyi Hawd miskiin daba saqleeyaaye
Sange jeedlan sebi tiigsadaa siigaduu liqiye
Galka seefta Walacdheer markaan saani uga gooyo
Sawaab xumi ku dayashada ha lulo saawir habareede
Saansaanka muuqdaan arkaa way sidsidataaye
Saacad baa malaa buuxsantuu mawdku sugayaaye
Haddaan nabarba cidi saarin oo dhiigba laga saydhin
Sambabkiyo kudkuu qababa wuu sababsan doonaaye
Sakaraadka ciil ha u dhintee aamus kaga seexo


Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
Ibraahinhawd@hotmail.com

___________
* A. M. Yusuf  “Waayeel”

---------------------------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews      

Copyright 2008 WardheerNews.com