Nafta Doy Ibleys ugu Rid
W/C Mubashir Sh. C/laahi
Jan. 05, 2009
|
Gabaygani wuxuu dabo socdaa labadii gabay ee ay kala tiriyeen abwaan Xuseen Cabdi Xalane iyo abwaan Maxamed Hirad. Sida kuwaa hore ayuu gabaygani wax ka sawirayaa foolxumada Soomaaliyi ku sugan tahay. Waxaan u arkaa in xalku yahay ku dhaqanka shareecada Islaamka oo keliya.
- Xalanow Adduun doorsan baad deellay ii tirine
- Dawo malaha Soomaalidaad doon isleedahaye
- Waxaan carrabku ii daalinoon ugu dano seegin
- Dalkeedaaba laga maamulaa darisyo shaydaane
- Xaqaa laga durkoo beenti baa daabaceeda lehe
- Doqonniimo lagu maag ninkii daacadda ahaaye
- Dulli baana lagu faanay iyo daqar sokeeyaade
- Dabo-dhilif wadani sheeganayaa xiray direyskiiye
- Daljir baa inuu khaa'in yahay loo deldelayaaye
- Wax caddaaladii lagu dirqiyay dab iyo baaruude
- Indhahaa lasoo duubtayoo la'is dar jiidhsiine
- Dariiqaana laga baydhayaa duur la xulayaaye
- Nafta doy ibleys ugu rid baa loo diyaar yahaye
- Waxaa duhur la ceebeynayaa diric xalaaleede
- Daydaygiyo mooryaanki way darajadeesmeene
- Danbi ayaaba lagu qeexayaa daahir aan jirine
- Ma daryeelo keenii cilmiga daah furkow galaye
- Ninkii doollar yar caaqilada daanka uga buuxsha
- Dumarkiyo Carruurtuu dhiciba daaci ku ahaaye
- Waa dayro maatida kuwii daadaheyn jiraye
- Ducfi baa hoggaan laga dhigtoo doorashaan imane
- Damiir laawihii baa xukuma daynta wayn qabaye
- Dib udhugo bal taariikhdu waa shay dabiiciyahe
- Darwiishkii Ismaaciil markuu dulaha miiqaayay
- Dux hayeelan waa waanaduu dirayay maantaase
- Daannada Islaamkoo dhanbaa diib laguu marine
- Inkastood difaacdood halkii daganba meelayso
- Nin dac yidhi koluu awgayow ciilba u dilaaco
- Si unbuu mindhaa uga dusi dayrki loo xidhaye
- Haddaan dulucda hadalkiyo murtida idin dareensiiyo
- Duco iyo waxsheeg iyo hadduu daaya ku abaado
- Dadka geeri kama baajin karo ruux dadaal yidhiye
- Dibindaabyadii lagama dayn Dabec hasheeniiye
- Danbarkeeda niman baa ku lumay foolna way dihane
- Midka haatan sii doojin ee dawliska u qaatay
- Ee doobka wayn sii cushey dacari haysaaye
- Hadday iyadu daafaha ka lulan dalawyadii baaska
- Asay duulba duul ugu sidkeen doorkan waa qalo'e
- Inay nabadi door tahay siday doodu ugu joogto
- Ayaa loo durbaan tumi colaad duug mareebta ahe
- Doc kalaaba laga qaawin tay dada lahaayeene
- Laba daran midkaad doorataa dooqu jilayaaye
- Dumaal adiga kuu muuqan iyo doqon walaalkaaya
- Midna lagama daw helo intaad dunida joogtaaye
- Raggu ways dilaa ceebse waa laga diqoodaaye
- Soomaalidaandardaranee shaxdii daaqilka ujiifta
- Dam inay tiraahdoo carrada laguba soo duugo
- Dastuurkuu Axmaarku u dhigaa iiga sii darane
- Intase caasi daar iyo ku jiro doho la waageeray
- Ee shayga damaciisa gala dibada keenaayo
- Innana aan damaashaadka iyo doollar bixinayno
- Kollaba inaynu wada diirsanaa haw daniyin dheexe
- Inta daaqad nagu furan markaan yaraha daymoodo
- Imtixaan da'weyn baa jiriyo xaajo daalacane
- ILaahay dulbadanaa miyaan hadalka loo daynin
- Haadka Samada duuliyo markii diinka lagu heesay
- Iyaguba dariiqii Alley calaf ku dooneene
- Anna yaanan sii daramaleyn dagani waa quuse
- Dawgii Islaamkiyo haddaan Diinta Nabi hayno
- Rabbi baan dammiin uga hayaa yaan la dacaroone
- Waa la doogidaasaa qalbigu diirsamaad yahaye.
Mubahir Sh. C/llaahi
Leicester, UK
E-Mail:Mubashir506@hotmail.com
________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |