|
![]() |
|||||
Maansadani waxa ay ka hadlaysaa sida magacii suubbanaa ee diinteenna Islaamka loo baaba'shay. Haybaddii Islaamka waxa maanta laga dhigay ama ay iska noqotay orgi harag shabeel xiran. Waxa illaa hadda lagu wareersan yahay ujeeddada dhabta ah ee kooxaha Soomaaliya ku dagaalamayaa ee ay maatida u laynayaan amaba laba wajiilenimada dadka qaarkii. Taas oo uu gabaygani ku salaysan yahay. Waxa aan curiyay gabaygan bishan May 7 deedii, waana kan ee iga hooya.
Waxa shacabka loo laynayaa waa sharuud adage Umaddii shuftaa lagu diroo shuush horlaa galaye Shantii meel istaag taba labaa lagu shahiidaaye Shilka iyo geeridu ka badan shiil-castii gubane Shabi oo jaf mooyee la waa sheeko nabadeede Shaqaaqooyin kaasaa la tagay sharaftii Soomaale Mooryaan shabaab ahi kolley sheexi mahayaane Inkastoon shareecada arkiyo shuqul wadaadeynta Shayaadiin hubaysani ninnaba uma shafeeceene Shifo malaha gabaygaan haddeer shaaci leeyahaye Shidaal baa dab la isugu dariyo shaabo xaabo ahe Anna shamac aan duugoobin baa laygu shidayaaye Afartaa runtii oo sharraxan shaqalladeedii dheh Ragga shiribka laga soo xigtiyo shaacir hadalkii dheh Wax Shariifku noo dhiga hayaa showgii gaalada'e Adduunyadan shartiyo beenta iyo shaamarreer badatay Waa wuxuu nin sheekh ihi dulmiga uga shaqeeyaaye Waa waxa sharciga Eebbahay loo shakiyayaaye Raggii Xamar ku shiray haatanay dib u shallaayeene Nin shirqool walaalkii u dhigay sharadku waw yiile Waa waxaa shisheeyihi u rogay duul shuraako ahe Shaxshax bay qosleen Nato iyo odaygii shaydaane Shansho iyo tagoogaba kajabe ha i shideeyeene Orgi harag shabeel xiran ninkii shiishay ku hungowye Shaqsi iyo jameecaba la doon shilinki waallaaye Muslmkii shaxaad buu galbeed ugu shiraayaaye Afartaana runtii oo sharaxan shaqalladeedii dheh Ragga shiribka laga soo xigtiyo shaacir hadalkii dheh Soomaalidii shakaalkaa ugo'ay sheeda caynka ahe Haddaan shaac madow iyo qalbiga shilal lagaa saarin Shaxda qaabka loo dagay wataa shiilan gacalkay'e Shufeer jiibta fuuliyo adoo shaybe madaxii leh Oo qori shilke ah saaranoo shalay wax boobaaya Dadku shaahid buu kuu ahaa meel shineemo ahe Maantana hadduu sheeliyoo shuufo dhaqankaaga Sharabaado dacas loo xirtiyo shulug la siii daayay Shuqul xumada kii kugu yiqiin wuu shakiyayaaye Ninkii shaqo ka tagaa meel kaluu shaah ka cabayaaye Adiguna shafkii baad tahoo shaabbad lagu saarye Maxaad diinta iigaga shuqeyn shaani baad tahaye Mubashir sheekh C/laahi E-Mail:Mubashir506@hotmail.com ________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|