Home Articles Somali Songs About us  

 


MUQDISHO (Maanso)
WT. Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
December 07 , 2009

"Muqdishaannu doodnoo, madhax reeba bay tiri...anna mooyi baan iri, mawlaha dugsaan iri, midigtay go'day tiri, oohin baan la miirsaday,"

Maansadan waxan curiyey ka dib qaraxyadii dhowaan ka dhacay Muqdisho mar aan indhaha ku dhuftay fiidyow naxdin iyo argagax igu reebay. Iyadoo dhibaatadu in badan soo jiitamaysay, ayaa haddana xaaladda imminka Muqdisho ka taagan u muuqataa meeshii ugu xumayd. Waxay maansadu ku timi, xusuus aan dib ugu laabtay wakhtigii aan iskuulka Muqdisho ka dhigan jiray iyo beri samaadkii.

Quruxdii iyo shacnigii ay lahayd Muqdisho xilligii iigu dambaysay ayaa maskaxdayda ku shaabbadaysan. Waxaan xasuustaa maalintaan Somali Airlines aan ka soo raacay Muqdisho oo ahayd April 13, 1988; diyaaraddu markay nala kacday, waxaan hoos u jalleecay dalkaygii hooyo meeshii ugu qurux badnayd. Waa Muqdisho oo sidii lagu naanaysi jiray "Muqdisha Caddeey" goor makhriba diyaaraddu kor uga kacday. Waxaad moodaysay caddaanta dhismayaasha nuur dhulka gedfey, nalalkana waxaad moodaysay gaaraa bidhaan lagu fidiyey. Dhirta waxad moodaysey higil madow oo lagu safay magaalada dhexdeeda. Waxa dekedda iiga muuqdey magaala yar oo wada iftiimaysa, waa maraakiibtii xaddi dhaaftay ee dekedda ku xirnaa. Waxan kaloo arkayey, diyaarado fadhiya, iyo kuwo soo degaya. Waxaanan marna illaawayn argtidii Minnaaraddii Dekedda, Taawarkii diyaaradaha laga hagi jiray, iyo milicsigii Dugsigii Tababbarka Xalane oo aan mar ku xeraysnaan jiray.

Waxan xasuustaa annagoo arday ah intaannu derbiga Xalane ka dhacno u lugayn jirnay ilaa Hawlwadaag iyo Hodan, iyadoo bela laga baqaa jirin. Waxan baro ii ahaan jiray wakhtiga fursaddayda Shaneemo Nasar, Kaah, Shantaraale, iyo Studium Mogadishu. Waxan aad u daawan jiray Hotel Shabelle, Jubba, Curuba, iyo dhismihii hore ee baarlammaanka. Waxan meel dheer ka qooraansan jiray Villa Soomaaliya iyo Xaruntii Nabadsugidda. Taallooyinka ayaan jeclaa inaan koro, sida tii Sayidka iyo Axmed Gurey, laakiin had iyo jeer cabsi aan ka qabay askarta ayaan taa ii suurta gelin jirin. Waxa badanaa hortayda yimaadda aradaydii Dugsigii Sare ila dhigan jirtay, oo aan qaar badan weli wejiyadoodii xasuusto. Asxaabtaydii dugsiga sare ee Muusa Galaal, fasalka 4/4 waxaan ka xasuustaa Cali Wajaale, Yaasiin Cali, Sahra Shiino, Timacadde, Khadan Istiillo, Cabdi Weyne, Raxma Shiikh Maxamed, Faaduma Yar, Sacdiya Canjeex, Abshir Ganey, Canab Qambi, Dhexyar, Naciima, Maxamed Cali, Cabdi Wardheere, Faarax Ganey. Macallimiintaydii: Maxamed Macallin, Caasha Geelle Diiriye, Dhakalow, maammule ku xigeen Giriig, iyo maammule Axmed Garweyne.

Waxaan kaloo fikir ugu noqdaa, deriskaygii, meheradihii ka furnaa agagaarka Baar Ubax, Carwo Idko, Gurya Samo, Hotel Salaama, iyo Baar Caasho oo aan la iga waayi jirin.

Intaas iyo xusuus ka dib, waxa hortayda timi Muqdisho oo ay ka muuqdaan haaraha dagaallada sokeeye. Waxaa maankayga gaday muraayadda aan ka daawanayey Muqdishadii hore iyo tan maanta ah. Markaasaan is weydiiyey, tolow Muqdisho saasay u dhalan geddoontaye, adigana maxaa iska kaa beddelay? Anigoo murugo la ildaran ayaan maansadan qabsaday, bal inaan Muqdisho kala hadlo amarrada ku dhacay, masiibooyinka aan kala joogsanayn, iyo hagrashadu meeshay ka timi.

Waxaan soo dhowaynayaa qofkii fikrad ka dhiibanaya dooddan aniga iyo Muqdisho na dhex martay.

Afeef:
Abwaannada aan magac dhabay, waa kuwo macruuf ka ah ummadda dhexdeeda. Sida maansadu tilmaamayso, waxay muujinaysaa in dedaal yari, iyo wacyi gelin la'aan dhankooda ah meesha ku jirto. Marna igama aha aflagaaddo iyo daandaansi.  Akhris wanaagsan.

Dooddayadii aniga iyo Muqdisho na dhex martay sidan bay ku bilaabatay:

Anaa doodda bilaabay waxan ku bilaabay:

Muqdishaay mixnada badan
Immisaa naf kugu maqan
Immisaa miskiiniyo
Waayeel maqaariyo
Maxasley haweeniyo
Maatooyin kugu go'ay?

Immisaa maqaawiir
Mufti iyo aqoonyahan
Geesi magac lahaa iyo
Marwa loo hanweyn yahay
Odayaal mihiib gala
Mansabkooda loo dilay?

Immisaa mullaaxdiyo
Dhallintii manka ahayd
Miisaan habloodiyo
Ubax madaxa qaadiyo
Misigdheer carruuriyo
Aan macallin laga tegin?

Immisaa maggeydiyo
Mahuraan walaala ah
Masaar lagu jarjarayoo
Lagu moosay iilkoo
La mulkiyey xaqoodoo
Deriskoodu mawtiyey?

Immisaa murdiga iyo
Mooryaan wax laysoo
Mugdiyada istaagtoo
Maryahana aan dhaafayn
Kugu mamay mas iyo good
Mariid iyo sun kugu milan?

Immisaa mardabo iyo
Madaxfurasho-doon iyo
Tuugo malafsata'a iyo
Dhiig miirad moqorra ah
Magan kuu ahaadoo
Weli kaa maggawsada?

Immisaa maqiiqiyo
Dagaal ooge melegiyo
Halaq iyo mir kaa kacay
Maangaabka qaarkii
Taladaa maroorsaday
Kuu istaagay miilada?

Immisaa ma guurtiyo
Maal kugu burburayoo
Hanti maammul leeyahay
Lagu moora duugoo
Miyigana la geeyoo
Aan maaro loo helin?

Immisaa mad-habadiyo
Mawlac kaa dhex furanoo
Muumminkiyo munaafaqu
Midba magac u bixiyoo
Lagu muransan yahayoo
Muraadkooda la ogayn?

Immisaa masiibiyo
Mahadhooyin kaa dhacay
Mashaqooyin kuu dedan
Weli aan la magac dhabin?

Muqdishaa iyana doodda qaadatayoo waxay ku bilowday:

Maanlaawe wiilyohow
Sheekadan mareegta ah
Maskaxdaan u furayoo
Muddacdaye markaagii
Anna waa markaygee
Taydana bal iga maqal

Muuqayga baaba'ay
Magacayga dhaawacan
Muunaddayda dhalan rogan
Masiirkayga baylahay
Aan kuu micneeyee
Maandhow war iga hoo

Taariikh muquuna leh
Mudda kun iyo alifya ah
Macruuf baan ahaayoo
Madxafyada wax lagu qoro
Meel kastaba adduunyada
Maamuus baan lahaan jiray

Mawlow Ilaah baa
Meel mudan iga unkoo
Makaan iiga dhigayoo
Milicsiga dushaydaa
Mid yar iyo mid weyn gebi
Dadka muuso gelin jiray

Boqorraa i maamulay
Masuul iga ahaayoo
Masjiddada ilaahiyo
Maxfallada dadweynaha
Taallooyin mudha iyo
Daara miidhan iga dhigay

Waqtiyaa i soo maray
Gumeysigu i mehershoo
Milxil laygu qabayoo
Walow lay mohoobiyey
Milgadaydu dhicinoo
Maato igu noolayd

Waqtiyaa isoo maray
Halgan laygu meershoo
Ubadkaygu muuqdoo
Xornimo u maleegtoo
Miidaamo dhegaliyo
Masas aan ka nabad galay

Waqtiyaa i soo maray
Calan midab qurxooniyo
Mansab dawladnimo iyo
Minimada dadkaygiyo
Gobannimada mahadshoo
Maqaamkaygu sara tegey

Waqtiyaa isoo maray
Majaruhu adkaayoo
Mataanahayga iga maqan
Muhasho u hilooboo
Taladoo maroortiyo
Muruq sheegad iga diray

Waqtiyaa isoo maray
Musuqmaasuq ba'aniyo
Qabiil igu maxaafsaday
Jabhad moora dhiigla ah
Cadow soo makaabsaday
Mudka iga wareemeen

Waqtiyaa isoo maray
Cudur igu marnaayoo
Maal iyo kud iga baxay
Meel kastaba dushaydoo
Hule cunay maqaarkoo
Maja-gooye igu dhacay

Waqtiyaa isoo maray
Mililkiyo hurgumadii
Maaruqeen xubnaha oo
Maskaxda ay ku urureen
Dixri muudsi jeceliyo
Gale miirta feedhaha

Waqtiyaa isoo maray
Mariil aan ahaadoo
Miyirkaygu doorsamay
Marya-boobka waallida
Maxaadh laygu gubayoo
Nin waliba i maammulay

Waqtiyaa isoo maray
Maad layga dhigayoo
Masaawiir naxdina iyo
Murugadayda lagu qoray
Maan-habowshe jaaniyo
Malaayiin wargeysyo ah

Waqtiyaa isoo maray
Maraykaanka iyo Yurub
Iyo duul manaaba ah
Muska ii galeenoo
Dibindaabyo mooyee
Midhna aanay ii tarin

Waqtiyaa isoo maray
Madaxweyne-doon iyo
Ninkastoo sir maaggani
Maal igu tabcadayoo
Maandooriyaashiyo
Sumo laygu soo miyey

Muddo iyo dhowaalena
Murugo iyo ciilbaan
Aan la maarsanaayoo
Miciin laawayaashii
I muddaahanayn jiray
Mid kalaa ka daba timi

Cadawgii i meel tiray
Makas iigu baaqdiyo
Masalooyin ugubiyo
Diin la marin habawshiyo
Ubad miino lagu xidho
Sow meesha may iman?

Masiibooyinkii dhacay
Mahadhooyinkaan maray
Ma qof moog ayaa jira?
Ma filaanka maanta ah
Hadii anan malaasnayn
Ma rajaa cid ugu maqan?

Dooddii ayaan ku soo laabtoo waxan idhi:

Inaad magac lahayd waa
Lagu soo martiyi jiray
Milgo iyo sharaf iyo
Maydaanka gobannimo
Majliskii dalka ahayd
Anaa kuu markhaantiya

Mahurtiyo dadkaagii
Bulshadii midka ahayd
Magacaa qaddarin jiray
Mudhxis aan wax reebayn
Mooryaan murdiya bay
Meesha uga carareen

Muqdishaay war li'idaa
Sidee maanku kaa yahay
Sow macawis gaabiyo
Mergisiib dadcuna iyo
Masaskii Bakaaruhu
Maqsin kuuma jiifaan

Hoygii mudnaayeey
Maqaamkii xorriyadaay
Hooyadii midnimadaay
Maskaxdii aqoontaay
Amarkiyo mushkiladahan
Mawlaa kaa dawayn kara

Muqdishaa dooddii ku soo noqotoo waxay tiri:

Inkastoo majnuuniyo
Macangag iga buuxaan
Maxishoode iyo liid
Igu wada madiixaan
Masaakiinta igu nool
Malyan waa ka badan yiin

Belaayada i miratee
Muslimka iyo gaalkuba
Iiga maara waayeen
Abaal moogayaashii
Mujo kuwaan ku koriyiyo
Maqanaa dawayn kara!

Murti yahan abwaankii
Muxuu igaga maarmaa?
Midkii igu masuugoow
Mintidkii qabiilkiyo
Muusannowgii reer hebel
Miyaa kula habboonaa?

Siciidow maxaa dana?
Hadraawow maxaa gara?
Abshiroow maxaa dhaba?
Dhoodaanow maxaa liba?
Gaarriyoow ma dhuumoo
Dhoobo isku maydhbaa?

Majliskii aqoonyahan
Muxuu igaga maarmaa?
Manhajkii Lafooliyo
Mawaaddii Gahayr iyo
Sow macaahiddaydii
Siidam meesi kama bixin?

Malyuun iyo malyuumaad
Mahurtooy rag iyo dumar
Meel kastaad ka buuxdaan
Misna ima daryeeshaan
Maahir iima soo baxo
Masiirkaygii waa lumay

Dooddii murugay gashay iyo caloolyow sidan baan ku soo gebagebeeyey:

Muqdishaay magooleey
Murti qaaliyaa tiri
Mahuraanka jiilaal
Waa maadha cawskii
Milaygiisa lagu ledo
Doog lagu mihiibaa

Qaran muunaddiisii
Marka aan ku milicsado
Waa iga madowdahay
Misna waxan iraahdaa
Maankayga geliyaa
Rajaa muuqan waa uun

Maantay u daran tahay
Mawjado colaadoo
Diin loo makaabsaday
Ma nixiyo habaarqabe
Mintid aan wax geli hayn
Misciriirta kuu roge

Muqdishaay magooleey

Allow yaa mar murugada
Kaa maydha dhiiggoo
Mindiyaha qarsooniyo
Miinada qarxaysiyo
Madfacyada habawga ah
Kaa xijaaba moortaha

Allow yaa marsada iyo
Marinkiyo garoommada
Muuja haybaddaadoo
Mahwigeeda Xamar Weyn
Maddiina iyo Waabberi
Nabad weyn ku maammula

Muqdishaay magooleey

Allow yaa mudiirriyo
Kumanyaal mutacallimay
Masuul kaaga dhiga oo
Malaayiinti kaa qaxay
Dib u soo majiiroo
Hoyna uga meel dhiga

Allow yaa Minaa iyo
Maka iyo Maddiiniyo
Meel nabada kaa dhiga
Markasyada cilmiga iyo
jaamacado muuna leh
Makaankooda kaa dhiga

Allow yaa makhluuqaad
Muslinka iyo gaalkaba
Madowgiyo caddaankaba
Maarriinkiyo Casaankaba
Meel layku magansado
Mus barwaaqo kaa dhiga

Muqdishaay magooleey

Talo waata Maalige
Anna miinka maansada
Yaanan muusaraarine
Waxba sida magaratada
Yaanan muusannaabine
Mawluhu ha kula jiro

W.T: Maxamamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Xiriir: mabdalle@gmail.com
          abdalle9@hotmail.com
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com