U Hanqaltaag Hadimo
Maansadan waxa la yidhaahdaa U Halqal Taag Hadimo. Waxa ay soo baxday May 19, 2007. Waxa ay jawaab u tahay
maanso uu curiyay Ibraahin Hawd oo bilow u noqotay silsiladda loogu magac daray Haan ama Heeryo oo
weli socota. Ibraahin waa nin aanan aqoon u lahayn, hayeeshee aan
qoraaladiisa ku iqiin afkaar Soomaalinimo. Waxa maansadiisu hadda i gelisay tuhun ah in Ibraahin u xuubsiiban rabo in uu noqdo Dagaal Ooge. Taas oo aan jecelahay in aan ka horjoogsado. Maansadiina waxay tidhi:
Nin hamiyey habeenkii
Hurdadii ka haayiray
Hugun iyo is hiif galay
Halkuu talo ku soo hooyo
Waa hadaf u dhaabada.
Hilinkuu ku toosana
Waa naartii haawiya
Ama waa hanuun Eebbe
Janno hoyga uga dhigay
Dadkuna ku haaraamo
Ama ku hambalyeeyaan
Hawdow walaal heedhe
Somaaliweyn ku hirad kii
Suugaan kala hufkaagii
Maqaal wacan habayntii
Idaajaa u hanjabkaagii
Ma haadaad habowdoo
Colaad aad humaysiyo
Jabhadihii hore sidoodii
Hiyi kicisay shacabkoo
Maanso haw la soo tidhi
Ma dabkii huraayee
Soddon sano holcaayaad
Markuu hoos u soo dhacay
Halaskiyo dhuxuluhii
Soo hullaaqin doontaa?
Hawdow walaal heedhe
Waadigan hub qaadee
Maal iyo naftaba huraye
Dadba hadduu heddaa yahay
Oo hayb midkii kuu xigay
Aad hadhide halaag leeyahay
Yaad ugu horraynoo
hootadu ku dhici maanta?
Ma Riyaalahan halyayga ah
Hawd iyo waqooyiba
dhammaan wada hantiyo raba
Miyaad hor istaagi doontaa?
Ma axmaarkan hiilkiis
Loo kala hormarayee
Kii soo haaban waayana
Ku dhacayso haadaad
Ku haliili doontaa?
Ma qaarkeer hamuun qaba
Kursigaas hankaabkiis
Ina hebel waraabiyo siilaanyahan hingilan cadho
Ayaad Ku halaag isleedahay?
Ma Hartigan hurdada dheer
Hebidnimo daraadeed
Habqankoodu kala lumay
guluf lagu hogaan baro
Ku hillaacin doontaa?
Mise diin hub wadatoo
Dhul fog laga hoganshoo
Mooryaan loo hadoodilay
Hud hud iyo qabyaaladi
Hoosta ka xukumaysoo
Dadba aan hambaynayn
U hogaansan tahayoo
Hoobiyaha la ridaysaa?
Mise heegan baad kicin
Hawiyahan is jaray baad
Hiil qaar u noqonoo
Habar Gidirta Cayr baad
Ku hagoogan doontaa?
Adduunyadan halaaga ah
Dadba heegan ugu jiro
Nafta la harjadkeedii
Qof kastoo dab hurin iyo
Hadimiyo dhib soo wada
Waa horror ibliisoo
Na hanuunsan maayaan !
Hawdow walaal heedhe
Hawlaha dhabta ah weli
Hoos uguma daadegin
Ha yeeshee wixii hadhay
Heestu nooma fiicnee
Sidii hanadaddii hore
Gabay loo horseediyo
Hadhow baan la sugayaa
Maxamed Hirad
San Diego California
E-mail:xagar2000@sbcglobal.net
Copyright © 2006 Wardheernews.com |